Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaaliya chairing the 75th General Assembly sessions

Recommended Posts

Soomaaliya oo guddoomineysa shirka Golaha guud ee QM

2-3-1.jpg

5-1-1.jpg

Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) oo dhowaan loo doortay gudoomiye ku xigeenka kulanka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa sanadkan 2020-ka inta badan ay madaxda caalamka uga qeyb-galeysaa habka Online-ka.

Sidoo kale waxaa sanadkan shirka diiirada lagu saaray saamaynta uu cudurka Coivid-19 ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo warbixin golaha ka siiyey xaaladda dalka.

Mahdi Guuleed ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Si kasabtaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay sanadkii 1979-kii.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this