Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay inay dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Malatariga Kenya ayaa shaaciyey inay dileen 5 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka mid ah Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen kolonyo ka tirsan malatariga dalkaasi, xilli au ku socdaalayeen deegaanka Lafey oo hoosta Mandera, kuna dhow xadka labada dal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duulaankaasi ay Al-Shabaab ku dileen askari ka mid ah ciidamada malatariga Kenya, islamarkaana ay ku dhaawaceen labo kale.

Xarakada Al-Shabaab ayaa weli wada weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, iyada oo inta badan bartilmaameedsata saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dalkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this