Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo kulamo ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaano iyo mas’uuliyiinta qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee kua sugan M/ Muqdisho.

Kulanka ayaa ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, iyadoo ay goobta joogeen ku dhawaad 50 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa haatan  dadaal ugu jira kasbashada xildhibaanada si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Rooble ayaa tan iyo markii la magacabaay waxa uu kulamo kala duwan oo siyaasadeed ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

 

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119886167_3266847853370723_8325280370582341601_n 119978396_3266847990037376_2849660381058624334_n 119710743_3266847773370731_5683997367626524848_n 119787221_3266848060037369_5048851033358008243_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this