Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ka qeyb qaadanayo dib u dhiska degmada uu ka dhashay ee Howlwadaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo xalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay waayihiisii hore iyo Xamar.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu u hiloobay waqtiyadii quruxda badnaa ee uu ku soo qaatay Muqdisho, gaar ahaan segmaddii uu ku dhashay ee Howlwadaag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu ka qeyb-qaadan dooni dib u dhiska degmadaasi iyo horumarinteeda.

Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda, isaga oo uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this