Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Kenya oo duqeymo xoogan ka fuliyey gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo dhanka cirka ah oo xalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa ka dhacay deegaano Mii ah oo ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahaasi lagu laayey xoolo aad u fara badan, wuxuuna sidoo kale barakac ku billowday deegaanada la duqeeyey.

Dadka shacabka ah ayaa gaaray magaalooyinka waa weyn, sida Ceelwaaq, si ay uga baxsadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo xoogan ka fuliyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo meelaha qaar ay ka joogaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this