Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay wiil dhalinyaro ahaa ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafada Macalin Nuur ayaa yimid, kadib markii ragga burcadda ah ay gurigiisa ugu dhaceen marxuumka, iyaga oo inta aysan dilin ka qaatay mobile-kiisa, kadibna toogasho ku dilay, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ciise Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta ka baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilka iyo dhacaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Maalmihii dambe Muqdisho waxaa ku soo badanayey kooxaha burcadda ah oo xilliyada habeenkii ah dhac baahsan ka geysanaya qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir.

 

The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this