Sign in to follow this  
Deeq A.

Deganaan Saaka Ka Jirta Goobihii Lagu Dagaalamay Ee Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka deganaashiyo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaannaddii maalinimadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo xulufadooda AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada isgarabsanayo ayaa dhaqdhaqaaqyo kawada deegaannaddii ay la wareegeen ee Ceel-bulacle, Miir-dugul iyo deegaanka Ceel Cali Mire, waxaana saacad kasta la filan karaa inuu dib u qarxo dagaal dhex mara labada dhinac, maadaama aysan gala fogeyn.

Wararka qaar  ayaa sheegayaa  in Ciidamada ay kaabiga ku hayaan deegaan ka Ceel garas oo ku dhowaad 10 sao ay maamulayeen Al-shabab, waxaana jiro deegaanno dhowr ah oo ayka maamulaan gobollada Mudug iyo Galgaduug ee maamula Galmudug.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ee ka tirsan xoogga dalka qeybta 21-aad guutadiisa 15-aad ayaa horay u sheegay in ay howlgalka ay siiwadayaan, tan iyo inta ay ka gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta maamulka Galmudug oo ay ka maamulaan gobolka Al-shabab.

 

Image may contain: 1 person, sky, outdoor and nature

120029301_170456348007754_8041205298068162102_o.jpg?_nc_cat=101&_nc_sid=110474&_nc_ohc=BkHug-Glo1EAX-m9QUa&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&tp=6&oh=10bc2ee23b9735d143c9d87e7f367b79&oe=5F90D349

Image may contain: one or more people, car and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this