Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo weli kulamo ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
2-10.jpg?resize=901%2C600&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ayaa Xalay la kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay in ka badan 50 xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Muqdisho kuwaas oo uu ka dalbaday in ay siiyaan Codka Kalsoonida maadaama uu dhowaan hortegayo Baarlamanka.

Kulanka waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday Kulamo uu Xildhibaannada Baarlamanka kaga raadinayo Codka Kalsoonida si uu u soo dhiso Xukuumad cusub.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo weli kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this