Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar 5 sano jir ah oo Kufsi loogu geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii Kufsi loogu geystay gabar yar oo shan jir ah.

Ninka falkan lagu eedeeyey oo baxsaday ayaa la sheegay inuu xaafadda degan yahay, islamarkaana uu gabadha yar qabsaday, kadibna uu fara-xumeeyey.

Gabadha yar oo ay haatan liidato xaaladeeda caafimaad ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Digfeer, sida ay sheegeen xubno ka mid ah qoyska dhibanaha.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey, kadib natiijada lagu ogaaday in gabadha la Kufsaday.

Qoyska ayaa sidoo kale madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay cadaalad helaan, si maxkamad loo soo taago ninka geystan falkaasi arxan darrada ah.

Kiiskan oo dad badan la yaab ku noqday ayaa waxaa si aad looga hadal hayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo baraha bulshada oo ay dadweynuhu ku wada xiriiraan.

Waa Kufsigii labaad oo ilmo yar loogu geysanayo todobaadyo gudahood Caasimada, waxaana aheyd dhowaan markii wiil yar Kufsi loogu geystay degmada Shangaani.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhacdooyinka Kufsiga ee Soomaaliya, waxaana ay arrimahan ay dhacayaan, iyada oo ay weli taagan tahay dhacdadii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo Kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho.

The post Gabar 5 sano jir ah oo Kufsi loogu geystay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this