Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa Ra’iisul wasaaraha cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay codka kalsoonida ah  u siiyaan, una guda galo wajibaadka la saaray.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu beri horgeyn doono Golaha Shacabka Ra’iisul wasaarihiisa cusub, waxaana Ajendaha kulanka uu yahay kalsooni siinta wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka ka dalban doono inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee haatan magacaaban saddexda cisho.

Maxamed Xuseen Rooble oo xalay farriintiisii ugu horresay soo duubay ayaa Golaha Shacabka, isagoo ka dalbaday inay codka siiyaan, si uu uguda gali shaqada hor taalla.

Sidoo kale wuxuu xalay la kulmay guddoonka Golahaasi, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta xeer dejinta iyo fulinta.

Rooble waa Raa’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la riday Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag, isaga oo ugu horreyn ku dhawaaqi doono liiska golihiisa wasiirada, maadaama xukuumaddii hore ay dhacday.

The post Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa Ra'iisul wasaaraha cusub? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this