Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab ‘oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday’ duleedka Ballidogle + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay diyaarad nooca wax basaaso ah oo maanta ku dhacday gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan aagga Ballidoogle.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradaas oo ku dhacday meel aan ka fogeyn garoonka Ballidoogle oo saldhig weyn oo militeri ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ee Soomaaliya.

Sida ay ku sheegeen warkooda, diyaaradan oo ah mid yar ayaa markii ay dhacday dul heehaabeysay deegaan ay maamulaan Al-Shabaab oo u dhaw Ballidoogle, waxayna tilmaameen inay ku jirtay “howlgal basaasnimo ah.”

Waxay sheegeen inay ku rakiban yihiin kaamirooyinka wax duuba oo ay iyaga ku basaaseysay, balse hadda ay gacanta ku hayaan.

Waa diyaaradii labaad oo bishan gudaheeda ay burburkeeda soo bandhigeen Al-Shabaab, waxayna sidaan oo kale burburka diyaarad aad u yar ku soo bandhigeen gobolka Jubada Hoose, taas oo ay sheegeen inay ku soo dhacday duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Maalin ka hor markii burburka diyaaradda ay ku soo bandhigeen Jubbada Hoose waxay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaa-Cabdalle oo 60-KM u jira Kismaayo.

Sawirro laga soo qaaday buburka labadaas diyaaradood oo ay baahisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa muujinaya inay yihiin kuwo aad u yar oo loogu tala-galay inay wax duubaan oo kaliya.

burbur.jpg burbur.jpg2_.jpg burbur.jpg2_.jpg3_.jpg burbur.jpg2_.jpg3_.jpg4_.jpg burbur.jpg2_.jpg3_.jpg4_.jpg5_.jpg

The post Al-Shabaab 'oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday' duleedka Ballidogle + Sawiro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this