Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo go’aan kama dambeys ah ka gaartay Soomaali laga soo masaafurinayo dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa warqad u dirtay waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka taasoo ku saabsan Soomaalida laga soo musafurinaayo dalkaas, balse durba jawaab ayey heshay.

Ilhaan Cumar waxey muujineysay walaaca ay ka qabto dadka Soomaaliyeed ee dalkaas laga soo musaafurinaayo, balse waaxda amniga gudaha waxey sheegeen in 39 Soomaali ah oo dambiyo kala duwan ku eedeysan loo soo celin doono wadankooda, kaasina uu yahay go’aan kama dambeys ah.

Dadka lasoo musaafurinaayo waxaa la sheegay iney ku eedeysan yahiin qaarkood dambiyo la xiriira argagixisinimo, dil, kufsi, gacan ka hadal, xad gudub jinsi, ka ganacsiga daroogada iyo dembiyo ka dhan ah caruurta.

Waaxda amniga waxey sheegtay in dadkaan lasoo musaafurinaayo ay dhibaato weyn ku ahaayeen shacabka dalka Mareykanka iyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Walaac weyn ayaa laga qabay caafimaad qabka dadkaan, balse waaxda amniga waxey si hufan u sheegtay iney dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto sidii loo hubin lahaa caafimaadka dadkaan loo celinayo dalkooda.

Dadka la doortay hadii laga helo qof qaba xanuun la gudbin karo, waa laga reebi doonaa duulimaadka, iyadoo la ogyahay in warqadda ay Ilhaan Cumar dirtay ay ku muujisay sida ay uga walaacsan tahay xaaladda caafimaad ee dadka la musaafurinaayo.

The post Dowladda Mareykanka oo go'aan kama dambeys ah ka gaartay Soomaali laga soo masaafurinayo dalkaas first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this