Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Norwegian out, Swedish in

Recommended Posts

Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya?

Rooble.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Maxamed Xuseen Rooble ma ahayn nin ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, ama aad loo yaqiin, wuxuuna inta badan la shaqeynayey hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO.

Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bishii October 1963-kii ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxa uu reer ahaan kasoo jeedaa beesha *** ee ***.

Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale shahaadada labaad ee Masterka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee magaalada Stockholm, Sweden, isaga oo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure.

Waxa uu si wanaagsan ugu haldaa luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska iyo Swedishka, isaga oo sidoo kalena wax ka yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga.

Ka sokow Soomaalinimada, waxa uu sidoo kale haystaa dhalashada dalka Sweden. Waa xaasle aabe ah oo leh oo shan caruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu muddo 14 sano ah lasoo shaqeynayey ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, oo uu ka qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin heer hoggaanka dalka Soomaaliya ah, isaga oo mudadaas maamulay mashruucyo ay ku kacday lacag ka badan laba boqol oo milyan oo dollar.

Ma cadda cid uu si gaar ah ugu xiran yahay marka ay noqoto siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee CV-giisa codsiga shaqada ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa saddex qof oo tixraac u ahaa, waxaana Soomaali ka ahaa kaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Gololey wuxuu yiri qabiil waxaan nacay markii iljeex wax laygu daray.

Aniguna qabiil waxaan nacay markii mahdi guuleed khadar la yiri xilka ha wareejiyo, hadii kale reerihii booska lahaa yaa caroonaya "guri ba'ay"

Nimankiinan passport'da ajnabi ga wata wadanka khatar badan baad ku tihiin waa arrin aad u khatar badan xaqiiqdii.

Afar luuqadood buu ku hadlaa waxaa ka fiican soomaali kaliya yuu ka hadlaa.
 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
On 9/21/2020 at 11:37 AM, Xaaji Xunjuf said:

Gooni mahdi guleed inu maqasaaryahay cidkasta wey iska ogeyd. Inanay walanweyntu u quudhin kursiga raisal wasaaraha. 

Xaaji
Maqaarsaar ma'ahan waa nin dhinac walba ku fiican haday noqoto u shaqaynta dalka iyo tolka labadaba.

Ceeb ha u qaadan tolka macnihiisu waa awood qaybsiga beelaha oo dastuurka soomaaliya waafaqsan.

Waa nin shaqo iyo dhaqan yaqaan ah.

Meesha mushkiladu ka jirto waxaa weeye 

Qabiilada lays raaciyay yaan isku qabiil ahayn waxba isu ogolayn oo gudohooda kala didsan.

Waana mida keenaysa in meeshii soomaalida lagu dabray ay waligood fadhiyaan, nin kastoo qiimo leh waxba ma noqon karo.

Tanaasulka wuxuu ahaa sida saxdaa aragtidayda

Dadka soo fiicnaanaya oo waqooyiga ku nool ama duriyadda oo xanuun gaara sheeganaysa  aan dhaho, in lala simo koonfurta oo dhan ayadoo qabiilka lagu badalayo talyaani iyo ingiriis.

Waxaan qabaa arintaas inay qalbigooda yara maydhi lahayd, markay ingiriis iyo talyaani maqlaan.

Ninkaan cusub oo la magacaabay khayrkiisa allaha na siiyo kii dalka iyo cibaadka anfacana ka dhigo. 

Haduu "shar" yahayna allaha na dhinac mariyo.

Miskiin

Gololay allaha u naxariisto nin adag buu ahaa.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey ra’iisul wasaaraha cusub

Rooble-scaled.jpeg

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas loo magacaabay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka.

Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajendaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.

Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu weydiistay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahad-celin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaaladda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadibna wuxuu ka codsaday codka.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215-ka xildhibaad ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa loo dhaariyey xil-kiisa, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxay yihiin caqabadaha horyaalla R/Wasaare Rooble?

Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee badalaya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa hor yaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee dhammaadka 2020 illaa 2021-ka.

Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub oo heysta muddo kooban ay hortaallo howl baaxad weyn oo wadata guul iyo guul-darro, wuxuuna tilmaamay in loo baahan in lala shaqeeyo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in laga sugayo inuu fuliyo 15-ka qodob ee heshiiska doorashada, waxna ka qabto ammaanka iyo siyaasadda.

“Howl aad u baaxadweyn ayaa hortaalla oo guul iyo duuldarro wadata, waxaana ugu weyn 15-ka qodob ee heshiiska Madaxda DFS & DG, Doorashada, Amniga, Siyaasadda, Xubnaha Mucaaradka iyo kasbashada dadka” ayuu yiri Prof Maxamed Xasan Doob.

Waxa kale oo uu intaasi u daray in Ra’iisul wasaaraha uu guuleysan karo, haddii loo madax baneeyo waajibaadka shaqo ee la saaray, islamarkaana lala shaqeeyo.

“Haddii loo madax-banaaneeyo howsha shaqo oo aysan lugaha ka qaban Madaxweynaha, Baarlamaanka & Dowlad Goboleedyada, waa uu ku guuleysan doonaa waxa laga rajeynayo, balse haddii uu la yimaado qorshooyin Siyaasadeed iyo amni, isla markaana si feejigan wax waliba u eego waa uu ka gudbi doonaa culeyska muuqda.” ayuu raaciyey.

Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ansixiyo Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu dhowaaqay 17-kii bishan ee 2020-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.