Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Humiliating guddoomiyaha Gaarisa, Mudane Qorane

Recommended Posts

Cali Buunoow Qorane: Shan dacwadood oo uu wajahayo Barasaabka Gaarisa

Barasaabka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Cali Bunow Qorane iyo afar sarkaal oo ka tirsan xafiiskiisa oo saakay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah.

Saraakiisha lala xidhay Qorane ayaa kala ah Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose.

Dhammaantood waxay beeniyeen inay musuqmaasuq ku kaceen.

In kastoo kiiskan uu sii socon doono, haddana barasaabka Garissa waxaa lagu sii daayay lacag damaanad ah oo gaareysa $32 kun oo dollar, waxaana laga joojiyay shaqadii xafiiska ee ismaamulka Garissa.

Xarigga mas'uuliyiintan waxaa amray dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji daba-yaaqada todobbaadkii la soo dhaafay kadib markii uu sheegay in ay ku tuhmayaan in si khaldan loo isticmaalay lacago loogu tala galay mashaariic horumarineed.

Warqad kasoo baxday xafiiska Dacwad oogaha Kenya ayaa lagu soo bandhigay qodobbada loo cuskaday xarigga madaxdan iyo nooca ay yihiin dacwadaha lagu soo oogay.

Nuuradiin Xaaji ayaa bayaankiisa ku sheegay in baadhitaan ay sameeyeen koox madax bannaan lagu ogaaday qodobbada soo socda.

  • 1- In Ismaamulka Gaarisa loo qoondeeyay lacag dhan Kshs 233,505,000, oo qeyb ka ahayd dhaqaale loogu talagalay ismaamullada Kenya. Lacgtaas waxaa lagu qeybiyay qodobka dastuuriga ah ee qoondeynta dhaqaalaha ismaamul goboleedyada, waxayna ahayd miisaaniyad sanadeedkii 2018/2019 ee la siiyay Gaarisa. Waa mashruuca horumarinta magaalooyinka oo loo qeybiyay dhammaan ismaamullada, kana baxday Bangiga Dhexe ee Kenya.
  • 2- In lacagta markii ugu horreysay ay ku timid deyn ay dowladda Kenya ka qaadatay Bangiga Adduunka, maamulka Gaarisana loo sii mariyay wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Ujeedadda lacagtaasina ay tahay horumarinta magaalooyinka.
  • 3- In lacagta la sheegay ay ahayd mid si gaar ah loogu qoondeeyay saddex mashruuc oo kala ah:
  • Dhismaha suuqa Qoraxey ee magaalada Gaarissa.
  • Dib u habeynta iyo dayac tirka waddooyinka muhiimka ah ee Gaarisa.
  • Iyo dhismaha iyo hagaajinta meelaha biyo mareenka ah iyo hareeraha wadooyinka.
  • 4- In lacagtaas halkii lagu bixin lahaa mashaariicdaas gaarka ah laga weeciyay meelo kala duwan oo kalena loo isticmaalay intii u dhaxaysay February 2019-kii iyo September 2019-kii.
  • 5- In howlaha sharcidarrada ah ee lacagtaas loo adeegsaday ay fududeeyeen Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose.
  • 6- In mudane Cali Bunow Qorane, oo ah barasaabka ismaamulka Garissa uu tan iyo 21-kii August 2017 yahay qofka mas'uulka ugu sarreeya ka ah dowlad goboleedkaas sida ku xusan qodobka 179 (4) ee dastuurka oo la meel mariyay sanadkii 2010-kii, waajibaadkiisuna yihiin inuu hoggaamiyo howlaha dowladda hoose, sidaas awgeedna ay tahay in lagula xisaabtamo maareynta mashaariicda ismaamulkaas.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.