Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Unprecedented gaf iyo xushmad daro

Recommended Posts

23 hours ago, maakhiri1 said:

Amazing,  this is level of stupidity I was talking about 

Majority of Slers and almost All their Mps,  in Mogadishu are trojan horse  and hell bent to destroy Somalia from inside 

Very intensive loyalty test  ,vetting must be carried out before letting them in. THEY can not be trusted.

They  invented shabab  and now trying to destroy from within 

Aqri qoraalkaan. Haddee run tahay, siihayaha ra'iisul wasaaraha waa isceebeeyey.

Sidee xafiiska Mahdi Guuleed ugu lug yeeshay in la xiro xafiiska Visa bixinta Turkiga?

Waxaa soo shaac baxaya sababo kala duwan oo sababay in gebi ahaanba la joojiyo howlihii xafiiska Visa bixinta Turkiga ee magaalada Muqdisho ee “MZ Visa” kadib markii muran uu ka dhashay shaqaale qaab masuq maasuq ah looga keenay xafiiska magaalada Hargeysa laguna badalay kuwii ka howlgalayay xafiiska Muqdisho.

Arrintaan ayaa waxaa la ogaaday inay lugaha la gashay xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo xubno xildhibaano ah oo kasoo jeeda deegaanada Waqooyi Galbeed, kuwaasi faragelin ku sameeyay nidaamka shaqo ee xafiiska MZ Visa.

Arrinta ugu weyn ayaa waxay ka timid dhalinyaro adeegsaneysa awoodda xafiiska Mahdi Guuleed, kuwaasi oo kasoo jeeda deegaanada Waqooyi Galbeed ee Somaliland.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa lagu ogaaday in sababaha shaqadooda ay ku waayeen shaqaalihii horay ugu howlgelayay xafiiska MZ Visa ay tahay shirqool ay maleegeen shaqaale laga keenay Hargeysa, kuwaasi oo guddoomiye ku-xigeenka xafiiska MZ Visa kusoo eedeeyay masuq maasuq, xili habeen ahna xafiiska u dhacay kadibna ay qaanad tiilay dul dhigeen lacag dhan 900 dollar oo ay ku sheegeen in ay tahay lacag masuq ah.

Markii baaris iyo raad raac lagu sameeyay CCTV ayaa waxaa ay caddeysay in mid ka mid ah shaqaalihii laga keenay Hargeysa uu xili 7 fiidnimo uu xafiiska soo galay, kadibna uu isagoo lacagta dhigay meesha, seddax saac kadibna isla xubintii dhigtay iyo madaxii xafiiska MZ-Visa oo Turki ah baaris ay ku sameeyeen xafiiska ka heleen lacagtaasi, balse markii danbe fadeexad dhacday markii la raad raacay CCTV-ga.

Markii la ogaaday fadeexada ka dhalatay sida qorshahaasi loo maleegay ayaa mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga oo shaki weyn ka qabay waxa ka socda Xafiiska VISA bixinta Turkiga ee Muqdisho la kulmay Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha, waxayna kala hadleen go’aankooda ah in la hakiyey bixinta Visa-ha Turkiga in mudo ah.

Arrimahaan oo dhan ayaa waxaa u sabab ah xukuumad la’aanta dalka ka jirta iyo xiliga kala guurka ah oo mas’uul walba uu awoodiisa kaga faa’iideysanayo fursadaha dhaqaale abuurka ah ee hay’addaha dowliga iyo kuwaan dowliga aheyn.

Xayiraadaaan fiisaha Turkiga ayaa waxay dhabar jab ku tahay ganacsatada, ardayda iyo dadka kale ee arrimaha caafimaadka u doonta dalka Turkiga, iyadoo suuragal tahay in mudo ah inay qaadato xayiraadaan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.