Sign in to follow this  
nuune

Gabar Soomaaliyeed oo la iibsadey

Recommended Posts

nuune   

To summarise the story briefly, the lady was in touch with a Somali guy in South Africa through paltalk, no exchange of pictures yet as she was sheikhad but communicated mainly through voice.

 

The two decided to progress their relationships, and it was the lady to come to South Africa to marry the guy she was in touch with for some tmie, she hasn't seen his picture, and same goes for him.

 

 

Just after she was about to depart from her country in the West, the guy found out her true age, and this woman is indeed someone who is older than him in many years, and not the age she told him which was about his age.

 

He decided not to continue with this relationship and not marry the lady, quick decision, but also wanted not to tell his aims to her, and he let her come first to South Africa, but what happens next read the bold part in Somali :D

 

 

Aduunka wax kasta ka fillo, wax kastana waa la maqlayaa, waan hubaa in uu kusoo jiitay ciwaanka sheekada, laga yaabee in aad u malaynayso in aan ka hadlayno gabar waalidkeed guurkeeda lacag ku qaatay, maya taasi ka hadli meeyno, waa qiso layaab leh.

 

Ma aamineysid marka aad u dhacdo dulucda sheekada, wiil dhalinyaro ah ayaa Paltalk-ga (aalad internet-ka ka mid ah oo lagu haasaawo) ka bartay gabar soomaaliyeed oo dibadaha ku nool, muddo ayay wada sheekeysanayeen oo shukaansi iyo sheeko wadaag ahaayeen.

 

Muddo kadib waxaa la gaaray xiligii la guran lahaa mirihii jacaylka, waxaa lagu heshiiyey in gabadha timaado halkan oo la’is guursado, laakiin markii ay gabadha tahay inay soo ambobaxdo ayuu wiilkii ogaaday da’deeda oo ahayd mid aad oga weyn tii ay sheegatay.

 

 

Tallo ayaa ku cadaatay, wuxuu sameeyo ma garanayo, ma xumeyn karo mana xalaaleysan karo oo waa qof aad uga weyn, maalinkii dambe ayaa waxaa kusoo dhacay fakir cajiib ah, oo waa maxay?

 

Hoteel uu degenaa ayaa waxaa la degenaa mid buufis madax maray oo ku waashay haweenka dibada jooga, malaha markaas ayuu tuulada kasoo baxay oo waa uu kululaa, wiilkii gabadha u imanaysay wuxuu arkay fursad ah in uu gabadha ka qarxisan karro ninkani hororka ah.

 

Wuu u yeerey, sheekadii ayuu u sheegey, wuxuuna ka dhaadhiciyey in uu gabadha ku wareejiyo, oo isaga u imaanayso gabar kale, ayna jiraan rag kale oo lacag diyaar la ah, wuxuu u sheegey in haddii uu doonayo in booskani uu galo ay fursad u tahay oo uu durbo dhoofayo, laakiin uu bixiyo lacag R40 kun dhan(about 5,500 us dollar).

 

Waa uu ogolaaday kii kale, waana la gorgortamay, waxaa lagu heshiiyey in uu bixiyo R30 kun(about 4,000 us dollar) oola dhigayo meel xawilaad ah marka uu gabadha guursadana la siinayo kan kale , kadib muddo 2 todobaad ah waxaa wiilkii la barayay sheekadii kadhaxaysey wiilka iyo gabadha, mudadaas 2da todobaad ah ayaa laga bixiyey tabobar layaab leh oo ku saabsan wax alaale wixii hadal ahaa ee labada qof dhex maray.

 

Maba ahan wax maskaxda caadiga ah ay ka fikiro karto, waana wax ay adagtahay in la rumeysto, laakiin waa qiso dhacday.

 

Markii ay gabadhii soo degatay waxaa garoonka ka dooney kii iibsaday, soona qaaday, gabadha waxbo meeysan dareemin maadaamaa aysan wiilka horey u arag sawirkiisa, waayo iyada meeysan ogoleyn in sawirkeeda ay dirto ama sawir gasho oo gabar wadaad ah ayay ahayd, isaguna sawir umaba dirin iyaduna kama codsan.

 

Habeenkiiba dambaba meher ayaa qac laga siiyey, waana la aqal galay, haddii dhowr habeen la’isla hoydey ayaa laga sheekeystey waxyaalihii hore ee dhexmaray, ma iyagaaba ah wax lasoo koobi karro,kow iyo labbo haddii sheekada la wadayba wiilkii gabi ayuu kolba ka dhacaa.

 

Gabadhii shaki ayaa loo taagay, waxay gashay "war maxaa ku heley, miyaadan hebelkii aan aqiiney ahayn, sidee wax kaa yihiin, mise gadaasheey ayay maskaxdii kaa masaxantay", markii dambe waxay ogaatay magaciisa dhabta ah oo dabcan ka duwan ninkii ay taqiiney, codkii ma ahan kii hore, kaftankii iyo haasaawihii iyo waliba dabeecadii ma ahan wixii ay taqiiney, tallo ayaa ku cadaatay.

 

Habeenkii dambe ayay dhaarisey, kuna kashiftey arrinta, howshiina waa ku cadaatay, gabadhii waxay dib u laqi weeysey waxa lagu sameeyey, haddii ay ninkeeda iska sii heysan lahayd ma ahan nin dhaqan ujeed ah ee waa nin dhoof doon ah oo doonaya markii ay halkaasi geeyso in uu furo, kaaga sii darane waa ninka wax ka maleegey qayaanada heerkaasi la’eg.

 

Kalarka ayay ku dhegtey, waxayna ugu hanjabtay in ay xireyso haddii uusan dalaaqin, isagiina halkii ayuu ku furey waayo waxay awoodey in ay xirto sanooyin badan.

 

Gabadhii oo dhulku la wareegayo oo shalaay joogta ayaa dalka ka laabatay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadaadad who lies about her age - that is first? she won't have picture taken but willing to lie about her age??

 

 

Sheekadu xooga milix/cusbo ayey u bahantahay - wali waa kharar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

lol, Tan ma adigaa alifay Nuune, Reer Miyiga aan wax qorin baa sawiada isku dira waqtigan hada la joogo, Wax ka run ah baa iska yar sheekadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar waa dhici kartaa qiso ku dhow sheekadaan ayuu mid aan jaamacad isla dhigan jirnay sameeyey asagoo isticmaalaya magacayga... waxaa kashifay leenkiisa markay soo wacday oo ay weysey ayeey raadisay Teleefan number oo hore oo aan lahaan jiray - nasiib wanaag - ma aanan bedelin taleefankaas. markaan ka qabtay oo sheeka aan war ka haynin ila soo gashay baa waxay u cadaaatay in laga faa'iidaysan rabay...

 

Marka waa wax dhici karo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ sxb....macalinka filinkiisa mudduu u socday oo ticket ayaaba loo soo diray. Meeshuu ticketka ayada ku aadi lahaa ayuu ku aaday wadan kale ka dib ayuu ku yiri gabadha "adiga inta imow " nasiibkeeda intaysan iman halkan waaye markay aniga i helayso, wuxuu kaloo ugu sheekeeyey inaan gabar yar dhalay - mid inkaar qaba ayuu ahaa xariifka..sheekada waa soo gaagabinayaa laakiin haddaan Nuunoow kuu sheegi lahaa waad amakaagi lahayd waxu uu ninkaas qorshe ahaan u degey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This reminds of me of an incident that is a bit similar to LOZ, if I understood his Somali writing :D , where I had a call from this guy who knew too much personal information and was insistent I have been flirting with him online...It turns out a girl from town used my name and information :mad:

 

It is scary world out there :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

when my mom first told me this story it cracked me up laughing ...its not that I can not sympathize subhanalah I eventually felt sorry for the lady. But, the fact that she seemed to trust him so fast? they haven't exchanged any pics anything and yet she went out of her way to meet him?in another continent? she lied abt her age? and the man couldnt just tell her he was not interested rather he sold her? it doesn't add up walahi..but allahu yaclam the story might be true.

 

Scorpion sister lol what was the girl thinking pretending to be you? she must have either hated you that much? or you were simply the catch ..she wanted to pretend to be you for a bit smile.gif

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this