Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ra'iisul wasaaraha cusub...

Recommended Posts

What is keeping the nomination of a new prime minister after 30 days? I see Kheyre wax dhaamo in la weysan yahay. It is a month now since his departure.

Muddo bil ah oo laga joogo xil ka qaadistii raysal wasaare Kheyre iyo kursigiisii oo weli hawaanaya

Muddo bil ah ayaa laga joogaa markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku beegnayd 25-ka bishii july ee lasoo dhaafay, kadib markii barlamaanku kalsoonida kala noqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli soo magacaabin raysal wasaare cusub oo shaqada kala wareega xukuumada xilka sii haysa ee hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed oo maalintii xilka laga tuuray raysal wasaaraha loo magacaabay sii haye.

Xisbiyada mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sababta madaxweynuhu usoo magacaabi la’yahay raysal wasaaraha, inay tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku saabsan in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalintii raysal wasaaraha ku lahaan lahaa xilliga kala guurka.

Soo magacaabid la’aanta raysal wasaaraha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shirka Dhuusomareeb3, oo aysan ka qeyb galin labo maamul goboleed oo miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxayna diidmadooda ku sababeyen maqnaashaha raysal wasaaraha.
 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meantime, Xasan Sh. damac ayaa haayo:

Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasiin oo shir gaar ah u socda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa wada hadalo saacado badan qaatay uga socdaa Hoyga Xasan Sheekh ka degan yahay Muqdisho.

Kulankan oo bilowday galabta ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo dalbaday Fahad Yaasiin oo saaxibo hore ahaayeen Xasan Sheekh, waxaana wararku sheegayaan in laga wada hadlayo xaalada siyaasadeed iyo marxalada xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlayo ay ku jirto magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo Madaxweyne Farmaajo ku dheeraatay, oo muddo 30 cisho ah ay caawa u buuxsameyso in dalka Ra’iisul Wasaare la’aan yahay, tan iyo markii la riday Xasan Cali Kheyre.

Hadal heyn xoog leh ayaa soo xoogeysaneysay todobaadyadii u dambeeyay oo ahaa inay dhici karto in Mucaaradka lagula gorgortamo xilka Ra’iisul Wasaaraha ama Xukuumad qeyb ka yihiin mucaaradka.

Qorshaha ka dambeeya arrintaas ayaana ah muddo kororsi, haddii ay dhacdo in Ra’iisul Wasaaraha lagula heshiiyo Mucaaradka, waxaana loo arkaa in Fahad Yaasiin yahay buundada isku xiri kartaa Mucaaradka iyo Farmaajo oo uu gacantiisa midig yahay.

Xiriirkiisa dhanka mucaaradka oo saaxibo badan uu ku leeyahay ayaa dhici karta inuu soo galo heshiis siyaasadeed, si mucaaradka ay qeyb uga noqdaan Dowlad Wadaag u gogol xaari karta in la helo muddo kordhin ugu yaraan hal sano ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Farmaajo wuxuu baadi goob ugu jiraa prime minister oo mr-yes-man ah oo ku raaco damaciisa waqti kordhiska ah waxaan ugu cadcad inuu noqdo cali geedi laakiin wuxuu ka gadmi la yahay beesha H oo diiday ninkaas maàdaama uu ka qeebqaatay xasuuqii Ethiopiakaanka 2007.

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, cadnaan1 said:

Farmaajo wuxuu baadi goob ugu jiraa prime minister oo mr-yes-man ah oo ku raaco damaciisa waqti kordhiska ah waxaan ugu cadcad inuu noqdo cali geedi laakiin wuxuu ka gadmi la yahay beesha H oo diiday ninkaas maàdaama uu ka qeebqaatay xasuuqii Ethiopiakaanka 2007.

Isn't Cali Geedi Wacbuudhan? All he needs Musa Sudi's blessing😎

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, Geeddi waxee isku laf yihiin Maxamed Dheerihii geeriyooday, Cali Mahdi, Shariifka iyo xirtooda kale. 

Hadduu madaxweyne Farmaajo uu u maleynaayo Cali Maxamed Geeddi ayaa sacabtume yar u noqonaayo, the president is dreaming then.

Farmaajo had a chance to make history and set a precedent - the first president and prime minister of Soomaaliya xilligooda isla dhamaado. Ma dhicin taas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is back. Ra'iisul wasaaraha cusub muu mid asaga wato u raadinaayaa?

Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka

SHARIIF-XASAN-SHEEKH-ADEN-Madaxweynaha-K

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro.

U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro.

Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo’s game plan is to dilly dally for as long as possible and continue dangle the PM position in the faces of his opponents in an effort to sow discord within their ranks and maybe entice them join his side.
 

If he pulls this off and he manages to outmaneuver his political opponents and manages to finalize a national election consensus with all stakeholders, and then afterwards appoint his PM, then I believe, however useless Farmaajo as president maybe, he should get a second term.😁

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 hours ago, maakhiri1 said:

Cali Geedi,  yes corrupt,  but very effective in pacifying  Mogadishu,  he get not much credit for taming Mogadishu 

Laakiin Muqdisho was 'pacified' by Maxkamadaha that was led by Shariif Sh. Axmed, though. It was bisha shanaad, sanadkii 2006, markee Xamar ka sifeeyeen qabqabliyaashii qaribay.

It was them who opened the airport and dekedda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.