Che -Guevara

Free PR from Kenyans

Recommended Posts

Uhuru oo laga dalbaday in uu taageero weydiisto Farmaajo, kadib go’ankii…

Kenya ayaa ka mid ah dalalka uu la dagay musuq-maasuqa, waxaana hay’adaha dalkaasi ku badan wax is-daba marinta, sida marar badan wariyeen warbaahinta gudaha dalkaas iyo tan caalamiga ahba.

John Mututho oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumaddu ay qaado tallaabo la mid ah tan ay qaaday maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu helay inay musuq-maasuqeen dhaqaalaha Covid-19.

Xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya, lagana soo doorto magaalada Naivasha ayaa ka dalbaday Madaxweyne Uhu Kenyatta inuu taageero weydiisto Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), si uu uga caawiyo arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Soomaaliya ay bartay Kenya sida loo xiro, loona maxkamadeeyo dadka sameeya musuqa.

“Soomaaliya waxay na tusisay sidda loo xiro loona maxkamadeeyo dadka musuqmaasuqa ee xaday dhaqaalaha Covid-19. Madaxweyaha waa in uu ka codsadaa Soomaaliya kaalmo ku saabsan arrintaan. Mudane madaxweyne, waanu og-nahay in aadan halkaan iska joogin, waxaad u joogtaa Kenya, hadda waa in aad la hadashaa madaxweynaha Soomaaliya si uu kaaga caawiyo arrintaan,” ayuu yiri John Mututho.

Sababta ay xilligan taageerada uga baahan yihiin Soomaaliya ayuu ku sheegay inay tahay tusaalaha wanaagsan ee lagula macaamili karo dadka sameeya musuq-maasuqa, maadaama hay’adda dalka Kenya ay ku fashilmeen inay baaraan, soona xiraan dadkaasi.

“Hay’addaheena waxay ku fashilmeen in ay baaraan ama soo xiraan dambiileyaasha, tanina waa sababta aan u sheegeyno in aan u baahan aan ka helno Soomaaliya oo na tusisay tusaale wanaagsan oo lagula macaamili karo tuugada deeqaha Covid-19,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Soomaliya ay xukun adag ku ridday mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii lagu helay inay musuq-maasuqeen gargarka iyo dhaqaalaha loogu talagalay Covid-9, tallabadaas oo loogu bogaadiyey dowladda federaalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.