Sign in to follow this  
BOB

Socdaalkii Geerida.

Recommended Posts

BOB   

Part 13:

 

 

Baabuurkii La Xidh Xidh:

 

 

Waqti badan oo xarga lagu dhuu dhuujiyey ka dib, gaarigii waa dhaqaaqay, maalintii oo dhan ayaan soconey, habeenkii markuu dumay ayey meel joojiyeen, ilaa dayaxu soo boxo, waayo nalka iney shidaan ma rabaan baqdin darteed. Mar kasta waa in la sugaa dayaxa markaas ayaa la dhaqaajinayaa iyadoo lagu soconayo iftiinka dayaxa. Maalintaas oo dhan iyo habeen kaas waxba nagama degin cunto iyo biyo midna.

 

Waxaa oon noogu dambaysey biyihii ay jabhaddu shalay na waraabisay. Saxaaradu waa dhinac walba cirkaa kusoo celinaya. Wax dhaq dhaqaaqa ama nolola haba yaraatee ma arkeysid. Nimankanu biyo iyo cuntaba wey wataan, laakiin kuma soo eegayaan.

 

Waa 21 June, maalintii waa kulayl aad u daran habeenkii ayaa xoogaa neecaw, mar mar qabow soo dhacdaa. Awalna 17 cisho ayaanu xabad timira iyo kabasho biyaa kusoo joogney, dadka nololi kama muuqato, waa iska socdaan, qaarna waaba socod gabeen, waa in la saaro gaariga. Habeen badhkii ayey wexey yidhaahdeen: Qof kasta carrabka ayaa loo qooynayaa!! In kabbasho ka yar, cantuuga warkeeda daa, ayey noo qaybiyeen.

 

 

22 June:

 

 

Markii dayaxu soo baxay ayaanu dhaqaaqnay, gaarigu xitaa markuu socdo waa luudayaa, culayska, gabowga, iyo duruufta wadada darteed. Waagu markuu dillaacay ayaa xoogaa la joojiyey. Afar qof ayaanu ku tukaney, dadkii sideetanka ahaa. Nimanka Eriteriyiinta badankoodu waa nasaaro, waxaan ka arkeyney saliibka iyo baryadiisa mar marka qaarkood. Kadibna waa la dhaqaajiyey. Qorraxdii ayaa soo kululaatay, dadkiina waa isdul saaranyahay.

Suuxitaankii oo bilawday!!

 

 

Dadka qaar ayaa bilaabay iney miyir beelaan. Qaar badanna maba is dhaqaajin karaan, hadalna waa gabeen, gaariga kamana degi karaan, mana fuuli karaan. Gaarigii ayaa intii qaylinkartey garaacday, waa qayliyeen. Abbaaraha 3 galabnimo ayuu joojiyey gaariga. Wixii dhaqaaqi karey ayuu yiri saf soo gala, xoogaa biyaa oo uu hayey ayuu banziin ku walaaqay, wuxuu yiri: Qof walba kabbasho ayaa la siinayaa. Dadka qaar wey diideen banziinka, anigaa ka mid ahaa. Dadna wey cabbeen, weyna ku dhibaatoodeen, wexey ku waasheen hunqaaco iyo miyir beel iyo xanuun.

 

Gabbalku markuu dhacay ayey meel istaageen dadkiina wey is daadiyeen wixii dhaqaaqi karey, 39 qof ayaa gaarigayaga saarnaa 17 keliya ayaa miyir qabey. 22 qof oo giddigood rag ahna waa xanuun iyo miyir beel. Qaarkood dadku wexey dhahayeen: war kanu waa dhintaye aan gaariga ka tuurno culayskiisa haynaga yaraadee!!Habeenkii meeshaas ayaa la degey, waxna dhuunta lama marin, biyo iyo cunno midna.

 

 

Wax Bani aadam u eg, oo haddana aan ahayn:

 

 

Meesha dadka xaalkoodu sidaa yahay, kuwan muharibiinta ah ee Liibiyaankaa waxbey karsanayaan, hilib iyo maraq, biyey cabbayaan, qofna soo eegi maayaan, qofkii dhinta meeshaas ayaa lagu tuurayaa.

 

 

23 June & 24 June:

 

Labada maalinba sidii oo kale ayaa lagu socdey, waxna dadka dhuunta uma marin, heer dareewalada naftooda ay biyihii ka dhamaadeen oo uu dadka tusay jerigaankii oo ebera, isagoo leh, wexeynu gaareynaa berri (kafra) xuduudka Liibiya, maaweeladaas oo kolba markey arkaan dadkii oo baa ba’san ay lasoo baxaan, weli dad ma dhiman laakiin dad badani waxba kuma noola.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 14:

 

 

GALABTII 24 JUNE..GALAB NAXDIN BADAN:

 

 

Markey saacadu ahayd abbaaraha 5.30 galabnimo, inta aaney qorraxdu dhicin wax yar ka hor ayaa gaarigii markale jabay oo biri baf tiri.. Halkii ayuu yiri dareewalku kasoo dega, halkanaan cabbaar joogeynaa inta aan gaariga hagaajineyno caawaba (kafra) Liibiya ayaan geleynaa, meel kale lama seexanayo, waase hadal uu doonayo dadka inuu mooralka ugu dhiso oo aan waxba ka jirin.

 

 

Dadka qaar waa miyir beeleen..Qaarna waa soo jeedaan laakiin ma hadli karaan, qaarna hadal goos goos ah ayey ku dardaarmayaan.

Waqtigii maqribka ayaa soo galay.. xitaa ninkii xoogaada naxariistaa lahaa ee tukan jirey (Adam) markii xaalku xumaaday kabashadii biyaha oo uu mar mar isiin jirey waa go’day..ducfi aad u badan ayaan dareemayaa.

 

Maqribkii ayaan fadhi ku tukadey, waa markii u horreysey oo aan fadhi salaad faradh ah aan ku tukado..ma istaagi karo, mana socon karo, dareewalkii gaariga ayuu hoosta kaga jiraa, ninkii kalena hilib ayuu meel halkaas ah ku karinayaa.!! Waa Bani aadam aynaan ka sheekayn karin ineynu aragno mooyaane!! Xagoodii ayaan u gurguurtey, anigoo salka iyo gacmaha ku gur guuranaya. Ninkii xoogaada naxariistaa lahaa ayaan gaarey, dadka kale maba gurguuran karaan.

 

 

Ninkii (Adam) ahaa ayaan ku soo dhowaadey, anigoo ku eegaya indha meel fog kasoo jeeda..Mar mar ayey indhuhu afka hadalka uga dheereeyaan..Intuu ninkii kale ee saaxiibkiis ahaa oo gaariga ku hoos jira iska jalleecay, ayuu koomba yar wuxuu ii daray maraqii uu karinayey! Waa koombada nuskeed.

 

 

Alxamdulilah..Waan cabbay, oo kulaylkeeda xitaa ma dareemin. Markaan koombadii fuuqsaday, ayaan xoogaa naf ahi iney igu soo noqotay dareemay..Balse xoog aan igu jirin ayaaba I galay..

 

 

IFTIIN YAR OO MEEL FOG KA MUUQDA:

 

 

Xaaladda aanu ku sugnayn markaas waa geeri oo qofku aanu waxba arkayn, laakiin meeshuu Ilaahay wax ka wado waa wax kale.. meel fog ayaan waxaan ka arkay iftiin ka bilig leh, tabartayada marka la eego meel fog ayuu u muuqdey laakiin xaqiiqa ahaan kama fogayn 1 km.

 

Anoo dadka ugu roon ayaaba sidaa u arka, dadka kale maba arki karaan, mana socon karaan. Waan is tiilay anoo isku deyaya inaan iftiinkaas naf ka dayo..ku dhowaad saacad ayaan daalaa dhacayey masaafadaas yar, wexey igala dheerayd 100 km..

Markaan soo gaadhay waxaan u imi 2 gaadi oo dad tahriiba wada oo meel isku dhow fadhiya.

 

Sidey isku jicsinka u ahaayeenna koox koox u fadhiya, waxaan u gartay iney af ka mida kuwa itoobiya ku hadlayaan, waxaanse kula hadlay af ingiriisi, waxaanan u sheegay inaanu aad u dhibaataysanahay.

 

Kooxdii koowaad ima soo dhowayn, kooxdii labaadna sidoo kale, kooxdii saddexaad ee gaarigii koowaad ayaa isoo dhoweysey, wey I fariisiyeen, dhala yar oo biyaa ayaa laysiiyey oo lagu qooshay buskut ama boorish, si aaney caloosha iigaga dhicin, waxaan ku iri dad ayaa meeshan ku dhammaanaya, haddad wax aan u geeyo I siin kartaan, waxaa lay siiyey gasac furuto ah oo aan nus ka cunay, dhala kale oo biya ah oo litar ahna waa lay siiyey, iyo gasac xiran oo furuto ah, dhaladii biyaha oo xirnayd iyo gasicii xirnaa iyo kii aan wax yar ka cunay ayaan lasoo orday, waxaan u imi dadkii oo dhulka wada yaalla oo geeri iyo halaag intooda badani ku sugantahay, biyihii ayaan kuwooda ugu daran afka uga shushubay midba wax yar, biyihii furutadana sidoo kale, wixii ku jireyna waan u jar jaray, sidaa ayaa qaarkood naftu ugu soo noqotay laakiin sakaraad weyn ayaa dadka ka muuqda laakiin Soomaalidii waan wada gaarsiiyey.

 

 

Waxaa igu soo dhacday fikrad ah maadaama aan xoogaa nashaada helay inaan gaarigii kale ku noqdo oo dadkii saarnaa iyagana wax soo weydiiyo, waan ku noqday intii hore in la eg ayaan kasoo helay, sidii oo kale ayaan dadkii ugu qaybshey, alxamdulilaah, dadkii xoogaa miyir ayaa ku soo noqday, aniguna si fiican ayaan u seexday.

 

 

Habeenku markuu kala badhmay oo dayuxu soo baxay ayaa nala toosiyey gawaaridhii ayaa dadkii la saaray, waana la dhaqaaqay sidii caadada ahayd inkastoo uu yahay dhaqaaq aan xoog badnayn.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 15:

 

 

25 June Billowgii Geerida:

 

 

Maanta waa 25kii bisha waxaanu saxaaraha dhex meereynaa bil iyo 5 cisho, abaaraha markii ay ahayd 10 am ayaa gaarigii na wadey wuxuu galay buur ciid ah, si looga saarana la garanwaa. Dadka meesha saarani waa meyd aan waxba qaadi karin waxna riixi karin. Gaarigii ayaa laga degtey, qoraxdiina wey kululaatay, gaajadii iyo harraadkiina dadka meel kasta ayuu ka gaaray.

 

Gaariga matoorkii waa damey, gaarigii kale oo eiteryaanka wadeyna agtayada ayuu soo istaagey. Dadkii wexey hoosta kaga aruureen baabuurtii iyagoo hadhkeeda naf ka deyaya.

 

 

Xaalad Aan La Sawiri Karin:

 

 

Xaaladda dadku ku sugnaa meeshaas ma sifayn karo si kasta oo aan luqadda ugu xeel dheeraado. Dadka qaar wey taahayaan, qaar dardaaran daciifa ayey dardaarmayaan, qaar waa miyir *****lmeen, qaar mana hadli karaan mana dhaqaaqi karaan. Dareewaladu wexey belaabeen iney taleefanka thurayada kula xiriiraan baabuur kale.

 

 

Dadkii Oo Kaadidii Cabbaya:

 

 

Waligay ma suuraysan in dadku ku qamaamayaan iney cabbaan kaadida ka timaada iyaga ama qaarkooda kale, dadka qaar ayaa ku qooshanayey bur cad gaariga laga helay, dareewalkii (Adam) ayaa dadka kaadida ka celinayey laakiin dheg looma jalaq siin, 4 qof keliya ayaa ilaahay nagaga bad baadshey inaanu cabno, dadka intoodii kale wey cabbeen.

 

 

Biyihii Radiatorka (qaboojiyaha) Gaariga Yaa Cabbey?

 

 

Wiil Soomaaliya ayaa gaarigii Eriteriyaanka siday hoosta ka galay,intii dadku ku sii jeedey riixidda gaariga ciidda galay, wuxuu hoos ka furay furkii Radiatorka biyihii ku jirey matoorka ayuu fuuqsaday, kadibna hunqaaco ayuu ku waashay, dadkii kaadida cabbeyna xanuun ayaa siyaada u qabtay.

 

 

Dhala biyo ah oo joogta $ 800:

 

 

Waxaan intii hore fadhiyey gaariga korkiisa anoo qoraxda iska xejinaya jirigaan faaruqa, laakiin markii qorraxdii kululaatey ayaa jirigaankii igu dhalaalay, waan fadhin kari waayey gaariga hoostiisa oo laga buuxo ayaan usoo degey, qaarkiisa dambe ayaan isku cariiriyey, harraadka dhuuntu waa qalashay, gaajadana warkeeda ha sheegin, dhawr maalmood waxba nagama degin aan ahayn xoogaadii furutada oo aan soo sheegay.

 

 

Waxaa hortayda fadhiyey gaariga hoostiisa 2 eritrean ah oo xoogaa nafi ku dambayso oo sheekaysanaya. Ortooda ayaa waxaa u taal dhala yar oo biya ah oo hal litar ah. Wiil Soomaaliya ayaa u yimi oo ku yiri: Waxaan xoola haystaa $800 iyo moobil, ee dhaladan biyaha mayga siineysaa.

 

 

Waa markaan ogaadey qiimaha adduunyadu ku fadhido, nin xoolihiisii oo dhan siisanaya dhala yar oo biyaa. Hadduu ka badan haysan lahaana wuu ku gadan lahaa.

 

Waxaan kaloo ku ogaadey nicmooyinka faraha badan oo aynu haysanno laakiin aan qiime weyn inala lahayn markaynu haysanno. Ninkii wuu diidey.

Dhalada Qur’aan la saaray iyo Mucjiso!

 

 

Cabbaar haddii aan ag jiifey nimanka eritreanka ah ee sheekaysanaya, dhaladuna hor taalo afkeeda ayaa igu soo jeeda, weyna jiiftaa. Waxaa nimanka noo dhexeeja in hal taako la eg.

 

 

Waxaa hunguri iga galay dhaladii biyaha ahayd, laakiin waan liitaa, nimankuna iga xoog badan oo waa I dili karaan haddaan taabto. Waxaan bilaabay inaan qur’aan akhriyo.

 

Ilaahay fadligiis maadaama aan Qur’aanka xafidsanaa, waxaan bilaabay Suuratul Al Ancaam, waan wadey waan wadey, ilaa aan ka gaaro qisada Nebi Ibraahim Calayhi Salaam:

(وإذ ق ال إب زاه يم لأب يه آسر ) waxaan bilaabay hadana Suuratu Camma oo aan dhameeyey, kadibna waxaan gacanta ku haahaabtay dhaladii biyaha anoo nimankana iska eegaya, dhalada madexeeda ayaan qabtay, nimankii waa sheekaysanayaan, aniga ayeyna i eegayaan dhaladuna dhexdeena ayey taal, indhaha ayey igu hayaan, waxaan dhawrayaa goorma ayaa feerku kugu bilaaban doonaa, mise waxba juuq iima laha, dhaladii ayaan soo qaaday, mise waa ii jeedaan juuqna malaha, dhaladii ayaan furay, afkaan gashaday, waana fuuqsaday iyadoo dhan, waxaan is iri kolba waa lagu dilayaaye biyaha inta ugu badan cab, ama dhawr jeer qurquri, laakiin yaabku wuxuu ahaa inaan biyihii oo dhan cabbey nimankii oo I daawanaya, dabadeedna dhaladii ayaan meel fog ku tuuray, dhidid ayaa fayx iga soo yiri, waanan qaboobey, hurdaana I qabatay oo dug ayaan iri.

 

 

Wax yar kadib ayey nimankii sidii wax hurda ka kacay biyihii iney maqan yihiin ku baraarugeen, mana shakin haba yaraatee ninkan hortiina fadhiya ayaa cabbey.

 

Wexey u dhaqaaqeen bannaanka, wexey u tageen dareewalkii gaariga wexey dheheen waxaa nalaga cabbey biyihii, wuxuu ku yidhi: yaa idinka cabbey ii sheega anaa garaacaya? Wexey dheheen ma naqaan. Hawshaasuna halkaas ayey ku dhammaatay wexey ahayd biyo ilaahay iigu soo dhiibey nimankaas.

 

 

Gaariga riixa...Biyaa Imanayee:

 

 

Ninkii Dareewalka ahaa ayaa dadka ku yidhi gaariga riixa aan ciida ka saarnee, biyihiina wey soo socdaan oo qolaan la hadlay, si uu u dhiirri geliyo, oo gaariga meesha looga saaro, waa laysugu tegey oo gaarigii meeshii waa laga saaray.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 16:

 

 

Inankii U Horeeyay Oo Naga Dhintay:

 

 

Abbaarihii 3dii galabnimo ayaa qofkii ugu horreeyey gaajo iyo harraad u dhintay.

 

Wuxuu ahaa inan dhalinyara ah oo Burhaan la oran jirey (Ilaahay Ha u Naxariistee) oo reerka Abg@@l u dhashay. Meel gaariga u dhow ayuu ciidda jiifey, kadibna naftii ayaa ka baxday. Ciida ayaanu meel u xaadhney oo ku ridney, halkii ayaana looga tegey.

 

Wexey ahayd arrin naxdin badan qofkii oo aad u jeedo oo hortaada harraad ugu dhimanaya, iyo kuwa badan oo naftii kasii bixi rabto, waxna aadan u qaban karin, balse adigu aad taadii la liidato.

 

 

Gaarigii Kale Oo Dhaqaaqi Waayey:

 

 

Gaarigii halaysnaa haddaanu ciiddii ka saarnay midkii kale ayaa dhaqaaqi waayey waayo waatii aan soo sheegay biyihii radeetarka inuu wiil dhalinta ka mid ahi ka cabbey, kadibna dareewalku muharibiin kale ayuu la hadlay oo gabbal dhicii u keenay jirigaan biyaa.

 

 

Biyihii ayuu nusna gaariga ku shubay, nuskii kalena dadka ayaa afka loogu qooyey. Kadibna waan dhaqaaqnay waxaana lagu dheelmaday meeshii ninku biyaha kasoo qaaday oo buuro yar yar agteed ahayd halkaasoo habeenkii lagu baryey, waxna lama cunin waxna lama cabbin.

 

26 June 2 Dhimasho Oo Kale!

 

 

Sidii maalmihii hore oo kale ayaa loo socdey cuntana maleh, biyana maleh, abbaaraha 10kii subaxnimo ayaa waxaa gaajo iyo harraad u dhintay 2 dhalinyaro Soomaaliya oo kale (Ilaahay Ha u Naxariistee) maydkoodiina gaariguu noo saaranyahay, dadka qaar ayaa wexey leeyihiin war maydka naga tuura, qaarna wexey leeyihiin aan hayno ilaa aan meel tagno aan ku aasno.

 

 

Waa dhalinyaro ku fekereysey yurub iney u tahriibto, nolol cusub iney gaarto, laakiin wexey ku naf bexeen gaajo iyo harraad saxaraha Liibiya iyo Suudaan u dhexeeya.

 

Dhalinyara badan ayaa wadada soo haysa mana oga dhibka aanu maanta mareyno. Feker weyn ayaa igu baahey, waxaan is weydiiyey haddaan ogaan lahaa intan oo rafaada oo dhimasha ah haddaan ka war hayn lahaa masoo mari lahaa? Jawaabtu waa maya.. waxaa kasii daran ayaamaha soo socda maxaa iigu dhex qarsoon? Malaga yaabaa dhibkan hadda jira kuwa kasii daran inaan la kulanno? Waaba loo joogaa, waxaana hubantiya weli in ayaamuhu rimman yihiin, wax badan oo yaab lehna kasoo bixi doonaan.

 

 

Labada wiil oo dhintay mid ayaa u dhashay beesha gaal jecel, kan kale ma garanayo, nasiib xumo magacyadoodana ma aqaan.

 

 

Dadka kale waa sidoodi in badan ayaa miyir beel ah, inna waa wax suuxsan oo kale, in kale meydka waxba ma dhaamaan, tabar yaridu meel kasta ayey ka haleeshay, ayaamo ooni kama degin, biyana lama arag, qaar ayaa weli kaadida cabbaya, haddiiba kaadi ka timaado, iyada lafteeda ayaa layskuba dilayaa! Subhanah-Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

This is just the beginning, in fact this is nothing compared to what awaits them...the horrors and the hell this Somali brother has gone through will leave each and every one of you shocked and I don't care how strong you're if you have a hint of humanity in you then you will shed a tear or two like me and remember this could've easily happened to me and you...just remember that!

 

I owe it to all those Somali Sisters and Brothers that have perished in the desert to spread their death and destruction and you owe it to them too to read and pass this on so that we might prevent another group from the same fate Insha Allah.

 

 

I will post the rest next time Insha Allah.

 

 

Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdgirl   

BOB,

 

I can't even recall last time that I heard a writting this long in Somali,

Subxaanalah this is very touching story,

I can't wait to read what happened to the brothers and sisters

walahi dadkeena waa dhibaateeysan yihiin

Ilaahoow noo naxariiso

Aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Waa sheeko aad u naxdin badan, and is very common, similar stories happen in Gulf of Aden, where 1000s die every year, I met a guy who survived after 30 days lost on a small boat, with 70 people, only 8 survived, thru cannibalism.

 

Ninkaa hadaad arki lahaydeen hada idinkaaba ka biqi, Waa is bedelay totally, and no smile, no laugh.

 

Still,I understand why they are risking their lives, and nothing will stop them till situation on motherland changes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Inna lilahi wa inna ileyhi rajicun. Wa sheeko aad u naxdin badan runtii. My eyes are almost in tears already walahi, this is horrific and shocking. I was in tahriib once, walked for 120 km in the jungle and ended up in a prison for more than a month. But nothing compares to the death journey to Libya, Inta ku dhimatay ilahey ha u naxariisto. Sxb sheekada inta ka hartay so dhameystir, waadna ku mahadsan tahay walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 17:

 

 

27 & 28 June:

 

 

Sidii maalmihii hore ayaa iyagana loo socdey, nimanka muharibiintaa wexey dadka ku maaweeliyaan waa dhownahay, galabta ayaan geleynaa xuduuda liibiya, biyahana waa gaareynaa laakiin waa sheeko dhalanteed ah oo aan waxba ka jirin, gaariguna xoogaa yar hadduu socdo waa jabayaa ama ciid ayuu gelayaa, waayo waa gawaari duug ah oo aan dayac tidh fiican lahayn, dhulkuna waa saxaraa aan wada fiican lahayn ee qardajeex ah, si kastaba ha ahaatee waxaa suurta gashay inaan wiilashii meydka ahaa aasno.

 

 

29 June:

 

 

Subaxnimadii ayaanu sidii caadada ahayd dhaqaaqnay, waxaanba is leeyahay todoba maalmood ayaa meela isku dhow oo boqol kiiloomitir aan ka badnayn lagu wareegaalaysanayaa. Xitaa nimanka tahriibka qaar ayaanba wadooyinka si fiican u aqoon. Maanta qaar reer eriteriya ah ayaa dhintay, tiradooda ma garanayo, gaariga kale ayey saarnaayeen.

 

 

Labadii gaari kaan la soconey maahane kii kale, biyihii iyo shidaalkiiba waa ka dhamaadeen, bartiisa ayuu istaagey, eriteriyiin iyo qaar soomaaliya ayaa saaran.

 

Gaarigii aan saarnayn ayaa horay u socday, ilaa galab nimadii wuxuu soo gaarey buur yar hoosteeda. Wuxuu yiri, gaarigu buurta kama bixi karo iyadoo dadku saaran yahay. Sidaa darteed waa in laga degaa oo dadku buurta lug kusoo fuulaan. Waa buur yar laakiin dadku dad nafi ku jirto oo xitaa socod awoodi kara maaha, waa dad maliila oo cisbitaallo iyo baxnaanin deg dega u baahan.

 

 

Laakiin meeshii hoose ayuu dadkii ku daadshey waxaa kaloo saaran 2 meyda oo intaan maanta soo soconey wadada ku dhintay. Gaariga dushiisa wuxuu ku reebay oo keliya 2dii meydka ahaa iyo haweeney nala socotey oo degi kari weydey. 37 qof ayaanu ahayn, waxaa buurta korkeeda gaarey oo qudha annagoo 7 ah, lix Soomaaliya iyo hal eriteriya.

 

 

Dadkii kaloo dhan qofba meeshii naftu la gaartey ayuu ku dhacay, qaar ayaa gurguuranayey, qaarna salka ayey ku socdeen, cid cid wax u qaban kartaa ma jirto qof walbow iyo naftaa. Waan maqleynaa taaha iyo cabaadka dadka qaar ka baxaya, laakiin anaga ayaaba silic buurta korkeeda ku gaadhney markii qorraxdu dhacday.

 

 

Darawalkii wuxuu dhulka kasoo faagay jirigaan biya ku jiraan oo malaha uu meesha ku ogaa. Qof walba intayadii joogtey ayuu kabbasha biyaa siiyey, dhuunta ayuu u qooyey. Kadibna wuxuu yiri isagoo meel xoogaa fog farta ku fiiqaya, buurtaas ma u jeedaan, gadaasheeda weeye magaaladii (Kafra) oo aynu u soconey, waa dhownahay, caawaba waa geleynaa, halkiina igu suga, dadkii maatada ahaa ayaan soo ururinayaa, waana soo noqonayaa, gaariga ayuu mooteeyey waana dhaqaaqay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 18:

 

Buurta Dusheeda Iyo Bahalkii Dadka Cunayey!

 

 

Meeshii ayaan Salaadii Maqrib ku tukadey, waqtigu waa mugdi xoogaa dabaylana wey socdaan, todobadayadii waan isku ururnay, hal meel ayaan fadhinaa, wax yar ka dib waxaa nasoo weeraray bahal aanan anigu horay u arag, dadku qaar leeyihiin waa dhurwaa, waxaanu ku tuurnay dhagax iyo qori wixii aan heli karney, mase dhaqaaqayo, waxaaba ka go’an inuu caawa cashadiisa naga helo!

 

Waxaan filayaa inuu meelahaan uga bartay waliimooyin badan, sidaa darteed, bahalku wax kasta oo aad ku tuurto ma tegayo, waa soo laabanayaa, waana weerar. Dadka qaar ayaa ooynaya, qaar waaba cabaadanayaan, qaarna waa cararayaan, laakiin dadka kama fogaan karaan, waayo bahalka ayaa cunaya.

 

 

Xaggii hoose ee dadka iyo baabuurku naga jirey ayaan u cararnay, waxaanu gaarney wiilashii meydka ahaa iyo gabadhii oo uu gaarigu meel dhigay, alaabtii dadkana agtooda ku daadshey, uuna tegey, intaa haddaanu aragnay waxaan garanay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, halkanina malaha ay tahay meeshii aanu ku dhiman lahayn dhamaantaya!

 

Wax yar ka dib waakan bahalkii oo na daba socda...waar wax ku tuura, ku qayliya oo yur dhaha, maba tegayo..haddaanu dhinac isu buusnay, waxaa meeshii ku haray meydkii wiilasha. Mid ka mida labadii meydka ahaa ayuu dhurwaagii garabka dilaacsaday oo muruqa kala baxay!! Wuuna naga tegay.

 

 

Waagii hadduu meeshaas noogu beryay iyadoon waxba la seexan, waxaanu aragnay meydkii oo mid bahalkii cunay, kii kalena ag yaal, dadkii kalana meelaha wada daadsan yahay, baabuurkiina tegey, wixii kaloo dhintay iyo kuwii hore midna ma aasi karno, kuwa taahaya iyo naftu kusii daba yartahay toona wax uma tari karno.

 

Intayada xisku ku haray ama dhaqdhaqaaq u dhimanyahay ayaa talo ku caddaatay waxaanu go’aansanay anagoo shan qof ah, inaanu bal iska socono ilaa meeshii naftu nala gaarto, xagii buurtii uu tilmaamayey inaan fooda saarno, waana dhaqaaqnay, wixii kalena meeshii ayaan uga tagnay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 19:

 

 

30 June Maalintii Nafta Laga Quustay!

 

 

Waxaa waagu noogu beryey sidaan hore usoo sheegay buurtii yarayd ee dareewalkii tahriibku inooga tagay anagoo is dhex naal, meyd iyo nooleba, bahalkuna xalay meydkii qaar ka gigay, dadka waxa noolina aaney hurda ledin, taaha iyo alalaadka ka baxaya inta naf ku jirtana uunka joogaa maqlayey.

 

Annagoo shan ah oo intii dhaqaaqi kartey ah ayaanu qaboonadii meeshii kasoo dhaqaaqney waxaanuna u ruqaansanay xagga buurtii noo muuqatey oo meel fog ka bidhaameysa. Waxaanu ku qanacnay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, intii marka uurku buki lahaa, adinku ha buko, meeshii nololi nala gaarto.

 

 

Waxaanu socono oo qorraxdii soo kululaataba waxaanu barqa dheer soo gaadhney buurtii ninku nagu lahaa magaaladu wey ka dambeysaa, laakiin markaanu dhakadeeda istaagney wax aan saxaarihii ahayni indhaha masoo celin!! Wax magaalo iyo deegaan u eg toona carriga kama dhowa kamana muuqdo. Halkaas ayaa rajadii yarayd oo nagu jirteyna ku go’day!

 

 

Maxaa tala ah! Iyo kala bax!

 

Shantayadii wada soconay waa qaybsanay, saddex wexey yiraahdeen: Annagu horay ayaan usii soconeynaa intii ay nala gaadho.. Anigu waxaan iri: Meeshii aynu dadka kaga nimi ayaan dib ugu noqonayaa, iyadaa nalaku ogaa..Waxaa naftu iigu sheekayneysey: Amaa ninkii dareewalka ahaa, ama gaarigii aad ka timaadeen, meeshii iyo dadkii kusoo noqdaa..Sidaa darteed waxaan ku adkaystay inaan noqdo, wiilkii kalena aniguu igu soo raacay. Sidaas ayaanu kusoo kala tagnay.

 

 

Fuusto Meel Ka Bidhaantay!

 

Haddaan aniga iyo wiilkii ila socday oo qudhaadhad ku sita xoogaa (kaadiya) ilaahay haydin ka magan geliyee, qadar nus saac ah soo soconey, waxaa meel fog nooga muuqday Fuusto!

 

 

Waxaanu is nidhi, amaa biyo ama wax nolol ahi meeshaas ka dhowyihiin, dabadeedna xageedii ayaanu u jihaysaney. Qoraxdu waa kulayl, anagana nolol badani naguma jirto oo naf la caari ayaanu nahay, laakiin rajada ayaanu xoogaa ku soconaa.. Cabbaar ka dib ayaanu soo gaadhney fuustadii, Subxaanallaah! Mise waa fuusta salka ka go’an, oo madhan, malaha muharibiintu ay meesha u dhigeen iney wadooyinka qaar calaamad ugu noqoto!

 

 

Halkaas markaanu mareyno naftii waa ka quusanay, kulaylkii iyo gaajadii iyo harraadkiina meel xun ayuu naga gaadhey.

 

 

Iska Tag Oo Taleefankan Iga Qor...Halkaan Ku Dhimanayaaye!

 

 

Sidaa waxaa igu yiri inankii ila socdey oo meeshii fuustada agteeda ahayd ku dhacay, awalna aad u liitay oo iga darnaa! Wuxuu yiri: Walaalow halkan ayaan iskaga dhimanayaaye, taleefankan iga qor oo hadaad noolato, Ilaahayna meel nabad kugu geeyo, dadkayagii u sheeg!

 

 

Waa mararkii iigu naxdin badnayd, ninkii aan wada soconey oo meeshan geeridiisu iney noqoto ku cataabaya, anna aanan waxba qaban karin, hadalna xitaa ku dari karin.

 

 

Saxaaraha marka lamarayo, dhibaataduna halkaa gaarto ruux ruux kale wax u tari karaa ma jiro. bani aadamka daciif nimadiisa iyo taag daridiisa ayaad arkeysaa. Waxaan ku idhi: Walaal miyidh aan wax ku qoro maba hayee, Ilaahay wuxuu qadaro ayaa dhacaya, waanan ka dhaqaaqay anigoo is leh bal adna iska soco ilaa meeshey kula gaarto.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 20:

 

Jaah Wadheedh!

 

 

Markaas aanu fuustada agteeda taagnayn oo raja beelnay waxaa naga luntay jihadii, meeshu waa saxaraa nag ah oo calaamadna aan lahayn, waa kulayl cad ceedu indhaha kaa rideyso, waa gaajo iyo harraad aragtidii saamaysay!

 

Waxaan garan wayney meeshii aan kaga nimi nimankii saddexda ahaa, iyo meeshii aan u soconey oo baabuurku nagaga tegey dadkuna joogey iyo jihada ay naga jiraan.

 

 

Salaadii Sagootinta!

 

 

Cabbaar haddaan socdey jihana garan waayey waxaan yaqiinsaday in anigana saacadaydii lasoo gaarey oo meeshan ay naftu igaga bexeyso. Sidaa darteed ayaan waxaan go’aansaday meeshayda aan taagnahay inaan 2 rakcadood ku tukado, Ilaahay baryo, naftu haddeey halkaas iiga baxdo.

 

Qibladu jiha ay iga jirto ma garanayo, laakiin meeshaan u maleeyay ayaan u tukadey. 2 rakcadood oo aan is leeyahay waa kuwii kuugu dambeeyay oo macaan ayaan tukadey, Ilaahayna waan baryay dhexdooda iyo sujuudda.

 

 

Mucjiso!

 

 

Wuxuu Ilaahay badbaadinayo sabab iyo sabab la’aanba wuu ku badbaadiyaa. Markaan salaama naqsaday, oo salaama naqsigii sidaa uga soo jeestay waxaan hortayda si toos ah indhaha ugu dhuftay caagad biya ah oo kuwa nus litarka ah oo afkeedu xaggayga qummaati ugu soo aadanyahay.!

 

 

Waan rumaysan kadhi waayay indhahayga...waxay ii jirtaa masaafa 5 ilaa 7 mitir ah...Waxaa hal mar igu soo degay farxad iyo nashaad aan caadi ahayn.

 

Waan istaagey, caagaddii xageeda ayaan u dhaqaaqay, mise waa caagad biya ah oo nus litar ah oo xidhan...Waa cusubtahay lamaba taaban.. caagad yar oo faaruqa ayaan watey, nus ayaan ku shubay oo cabbey, nuskii kale ayaan wiilkii ii dhowaa ee aan goor dhoweyd kasoo tegey kula soo noqday oo biyihii isagana xoogaa siiyey, intii kalena waan soo qaadnay aniga iyo isaga si aan dadkii kale wixii naf ku jirto ula gaarno.

 

 

Dhimashdii Oo Sii Badatay!

 

 

Cabbaar ayaa jihadu naga wareersanayd laakiin Ilaahay fadligiis markii dambe wey noo toostay oo goor duhurkii xoogaa la dhaafay ayaanu soo gaarney meeshii dadku daadsanaa ee buurta yar hoosteeda ahayd.

 

Biyihii yaraa ayaanu gabadhii nala joogtay oo keligeed ahayd iyo raga intii ugu liidatey afka ugu qoyney..Saaka markii aanu ka tagnay meesha waxaa yiiley 2 meyd ah sidaan horay u sheegay laakiin hadda markaanu soo noqonay waxaanu ugu nimi 4 kale oo meyd ah oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah (Ilaahay Ha u Naxariistee).

 

Sidaa darteed geeridu ilaa hadda Soomaalida waa 9 qof oo gaajo iyo harraad u dhimatay, halka eritriyaankana dad badan oo aanan tiradooda garanayn ay ka dhinteen.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 21:

 

Ferejkii Ilaahay Oo Furmay!

 

 

Gaarigii shalay naga tegay sidaanu u malaynay ma noqon oo cidla noogama cadharin. Biyihii Jirigaanka ku haray ayuu gaarigii kale ula cararay, halkaasoo ay telephoneka Thurayada ah kula hadleen muharibiintii waaweynaa ee magaalada (Kafra) ee liibiya, wexeyna u sheegeen in dadkii dhamaanayo, oo gurmad deg deg ah lala soo gaadho.

 

 

Halkaas ayaa 4 gaadhi oo biyo iyo cunto iyo gargaar badan wada ay kasoo direen. Wexey isugu yimaadeen subaxnimadiiba meeshii gaarigii kale, dadkii halkaas joogey wixii noolaa markey soo qaadeen, ayey anaga gaarigayagii oo biyo iyo cunto ka buuxa noo soo celiyeen.

 

 

Iyadoo Rajada dadku sii gureyso, ayaa abbaaraha 3 galabnimo gaarigii oo biyihii iyo cuntadii wadaa nasoo galay. Dadkii ayaa biyihii ku qamaamay, ilaa ay ganaca iney gooyso ku sigteen. Markaas ayuu dareewalku fikrad keenay.

 

 

Biyihii Oo Dadka Lagu Rusheeyey!!

 

 

Dadkii oo dhan ayuu wuxuu amray iney dhulka caloosha u seexdaan, iyagoo is dhinac jiifa. Ka dibna tuubadii uu dadka ku garaaci jirey, ayuu biyaha geliyey, wuxuuna ku dul furay dadkii oo jiifa sidii beer la waraabinayo oo kale! Arrinkaasu wuxuu dhaliyey in dadkii qaboobaan, oo nololi kusoo noqoto. (tuubadii dadka lagu garaaci jireyna manta waxbey tartay).

 

Biyuhu wax walba noloshooda iney yihiin sidii Qur,aanku sheegayna wey caddaatay. Dareewalku markuu dadkii biyihii ku shubay shhahina u kariyey ayaa xoogaa naftu kusoo noqotay, laakiin dadka qaar ayaan biyaha si caadiya u cabbi Karin oo lagu siinayaa dhalada caruurta caanaha lagu siiyo, qaarna weli waa suuxsan yihiin, qaarna ma hadli karaan, waa dad u baahan baxnaana waqti dheer.

 

 

Intaa kadib ayaanu gaariga dadkii ku gurnay anagoo dadka liita qof qof u qaadeyna qaadeyna, meydkiina meeshii ayaanu uga tagnay oo ma aasi Karin, waxaanu haleelnay gawaaridii kale oo aanu meel isugu nimi, waa saddex gaari oo kale, qoladaasu meydkoodi wey soo qaateen oo halkan aanu isugu nimi ayaa lagu aasay.

 

 

Nimanka gurmadka soo sameeyey ee muharibiinta waxaad moodaa iney kuwan dareewaladaa ee na wada ka jaga sareeyaan. Markii ay hawshii garteena wey tageen waxaa haray labadayadii gaari iyo mid kale oo ay nooga tageen.

 

 

Saddexdii gaari mid waxaa la saaray dadka xiskii wareeray oo la qaqabanayo oo wax waashay oo kale ah iyo dad cel celiya si aaney gaariga isaga tuurin. Midna waxaa la saaray dadkii sakaraadka ahaa, iyo dad haya, kii kalena dadkii xoogaa roonaa.

 

 

Ilaa galabnimadii ayaa meeshaas la joogey, waxaana laga soo dhaqaaqay 5 galabnimo, habeenkaas oo dhan waan soo soconey.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 22:

 

 

GABADHII NALA SOCOTAY OO DHIMATAY! 1 JULY.

 

 

Habeenkaas intaan soconey waxaa dhimatay gabadhii nala socotey (Ilhaahay Ha u Naxariistee) Waxay aheyd gabadh reer Somaliland ah.

 

Waa gabadhii aanu wadada dheer iyada iyo sideed kaloo dumara isla soo marnay wadada dheer ee saxaraha laga soo bilaabo Khartuum.

 

Dadku markey waqti dheer safar soo wada galaan qisooyin badan ayaa dhex mara. Waa gabadhii habeenkii yaabka lahaa ee jabhada Daarfuur na heshay ee ninka jabhadkaa gabdhahayaga damacu ka galay diiday inay ag fadhiisato nin aan maxram u ahayn, markaanu ku badbaadinaynay in gabar walba la qabo.

 

 

Aniga iyo dareewalkii (Adam) ee aan u baxshay (kooda ugu naxariis badan) ayaa gabadhii aasnay aroortii, wadada meel dhineceeda ah ayaanu ku aasnay, ilaahay ha u naxariisto.

 

 

Wexey ahayd arrin naxdin leh oo aan aad uga xumaaday...Waa gabadh Soomaaliyeed oo keligeed socota, maxramna la socon, oo tahriibeysa, yurubna u jeeda, dadkeedii iyo dalkeedi kasoo tagtay, laakiin geeridu wexey ku sugeysay saxaraha Liibiya! Cidina ma oga meesha mawdku ku qabanayo iyo berri wexey kasban doonto.

 

 

KHALID LAGA SOO TEG!

 

 

Labadii gaari ee nala socotey mid ayaa jabay, dadkii ayaa kii kale laysugu geeyey, anaguna waan ka horrayney, wiil Soomaali ah oo (Khalid) la odhan jiray ayaa meeshii gaarigu ku jabay looga soo tagay, mar dambana warkiisa ma maqal, intaanu Liibiya joogney oo dhan waa la la’aa, isaguna wuxuu ahaa reer Somaliland (hauu dhintay Ilaahay Ha u Naxariisto).

 

 

1 July (Kafra) duleedkeeda!

 

Saacaddu markey ahayd 11 subaxnimo ayaa gaarigii annaga na wadey soo galay magaalada kafra ee xadka Liibiya ku taal, si toosana nalooma soo geline, meel duleedka magaalada ah, oo beera ah, ayaa nala ku shubay, labadii gaari oo kalena casarkii ayey nasoo gaareen anagoo degney, halkaas ayaa dadkii daawooyin iyo faleebooyin iyo baxnaano lacagtooda ah lagu bilaabay.

 

Waxaanu nahay dad sidii xoolihii oo kale loo wado, oo meeshii la rabo lagu xeraynayo, ma dhaqaaqi karno, meel ma naqaan, waa beqeynaa, halkii ayaa nala dejiyey, oo la leeyahay, halkan ayaad joogeysaan ayaamo, inta Bani Qazi iyo Daraabulus laydiin qaadayo. Waxaanu isugu sheekayneyney markii loo fiirsho waxaanu soo marnay in hawshayadu soo dhamaatay, laakiin wax badan ayaa soo baxay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this