Sign in to follow this  
BOB

Socdaalkii Geerida.

Recommended Posts

BOB   

By Sheikh Mohamed Idris Ahmed:

 

 

Part 1:

 

 

(Ma aha Riwaayad beena ee waa sheeko dhab ah oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa shaqsi ka mid ah kumanaan Soomaaliyeed oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey. Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin. Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato Insha Allah. Lana is weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodii ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

***

 

 

Magacaygu waa Cabdi. Waxaan ahay nin Soomaaliyeed oo dhalinyara ah. Waxaan ku dhashay gobol ka mida gobolada Geyiga Soomaaliyeed ee xorta ah Sanadku markuu ahaa 1987.

 

Waxaad halka ka garan kartaan inaan Adduunyadan indhaha ku kala qaaday iyadoo Qarankii Soomaaliyeed naf yari ku jirto oo uu sakaraatul mawtka laxawgiisi la rafanayo.

 

Markii aan garaadsadeyna waxaan lasoo kulmay Dal burbursan oo aan Dawladi ka jirin.

 

Illaa waqti dhaw waxaan u haystey – welina in badan u haystaa – in dalka aan la kulmay weligii sidaa aan ugu imi ahaan jirey, waayo wax ka duwan ma aanan arag, iimana sawirna, wax badanna kama maqal wixii horay u jiri jirey, waxaana filayaa Soomaalida maanta joogta ee da'deyda ah iyo inta ka yarba iney sidaa u badan yihiin.

 

 

Baadiyaha Gobolkayaga markaan ku dhashay waxaa lay keenay magaalada degmada ah. Aabahay wuxuu igu daray dugsi Qur’aan kadibna Waxaanu nimi Magaalada Muqdishu 1998 anoo toban jirsadey.

 

 

Magaalada Muqdisho ee dadka waaweyn qaarkood ka sheekayaan anigu ma arag mana suuraysan karo. waxey ila tahay aniga sidaan ugu imi iney weligeed ahayd. Magaala burbursan, xaafadaha qaarkood aan la gelin, xabbaddu ay joogta tahay, cisbitaalla aan lahayn, wadooyinka bacaad ka buuxo, qashinkuna meel walba taallooyin yahay. Iskuulada ciyaalku tagaanna waa lacag, ma fahmi karo anigu inuu jiri jirey iskuul aan lacag ahayn. Ilaahay mahaddiis iskuulna waa la i geeyay, nasiib wanaagsan ayaan arrinkaa u yeeshay, waayo walaalahay badankood iyagoo 20 ka badan nasiibkaas ma helin. Qur’aankana walaalkay ayaa i baray oo kor ayaan ka qabtay kitaabka Qur'aanka 114 ka Suuradood Ilaahay mahaddiis, sidoo kalena waxaan ku ababay inaan Masaajidka ku xirmo anoo yar.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 2:

 

 

Dhallinyaro badan oo aniga ila mid ah oo xaafadda deganayd wadooyin kala duwan ayey qaadeen, haba ugu badnaadeen iney maleeshiyaad u noqdaan kooxaha dagaalama.

 

Dagaalladii socdey waxaan ka qayb ahaa oo keliya kuwii lagaga hortegayey gumaysigii Itoobiya ee dalka kusoo duuley dabayaaqadii 2006, waqtiyadaas ayaan aniguna dhameeyey Dugsiga Sare. Waxaan isku dayay inaan helo deeq wax barasho, laakiin iima suurta gelin, reerkeyguna awood uma laheyn inay iga bixiyaan mid lacag ah.

 

 

Bartamihii sannadkii 2007 ayaan usoo bokhoolay dalka Suudaan anigoo wax barasho raadinaya.

 

Haddaan imi Magaalada Khartuum waxaan mudda yar ka dib helay Jaamacad ku taal Magaalada (Qadaarif ) Laakiin waxaa aad iigu adkaatay nolol maalmeedkii meeshaan kasoo saari lahaa, ehel dibadda ii jirta oo xagga masaariifta nolosha iyo waxbarashada iga soo kaalmaysana ma lahayn. Qoyskayagu wuxuu wada jiraa dalka gudihiisa.

 

Dhawr bilood ayaan la ciirsanaa noloshii anigoo Jaamacadda ku jira, markii dambana waan wadi kari waayey.

 

 

DHALLINYARADA IYO DHOOFKA:

 

 

Dhallinyaradu wexey ku sheekaystaan kuna taamaan sidey dibadaha ugu dhoofi lahaayeen, gaar ahaan wadamada yurub oo annagu markaa aan u haysanno Jannadii Adduunka inaad gashay markaad cagaha soo dhigato!

 

Wadooyinka tahriibka oo la marayana waxaa ku hilmaansiinaya markaad ku riyooto iney tahay safar yar oo rafaadba ha ahaatee raaxo ka dambayso.

 

Waxaa kaloo dadka aad u sal kiciya, ninkii shalay meeshan kula joogey, oo gaajada kula qabey oo bil ka dib Yurub taleefan kaaga soo diraya oo ku leh:Hello Cabdi...weli ma meeshii afrika iyo kulaylkeedi ayaad joogtaa? Waxaan kaala hadlayaa Stockholm, Oslo, Geneva, London, Amsterdam!! markaa ayaa calooshu ku xanuuneysaa oo waxaad leedahay adiguna ka gaar, midda kale dadka soo hadlayaa kuuma sheegayaan sida badan dhibaatooyinka ay lasoo kulmeen ama wadada ay soo mareen cadaabkii yaalley waqti uma hayaan ay kaaga sheekayn karaan si tifa tiran dadkii wadada ku dhintay, badda kuwii ku daatay, bahaluhu kuwey cuneen, iyo sida Ilaahay ku badbaadshey, sidaa darteed, wadadii dadku ku le’deen nafteedii ayaa kuwayaga kalena soo daba haynaa, xitaa dhibtey la kulmeen sideedi ayaan anaguna usoo celineynaa.

 

 

Muddo haddaan hurdada ku laba gaddoomayey, talada isu geeynayey, riyada anoo hurda iyo anoo soo jeediba Yurub ku riyoonayey, waxaan go’aansadey inaan wadada Tahriibka cagta saaro, Khartuumta aan joogo markaasna qorshaha ka bilaabo ilaa aan Yurub ku gaaro.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 3:

 

 

BILOWGII QORSHAHA TAHRIIBKA:

 

 

Waxaan bilaabay inaan raadiyo dadka ka shaqeeya tahriibka iyo qaababka aan arrinka ku heli karo, waxaan soo ogaadey iney jiraan niman (Mukhalisiin) ah oo isku xiran, iyaguna kusii xiran (Maafiyo) kala duwan oo xiriirsan ilaa iyo Suudaan, Liibiya, Xuduudaha iyo Magaalooyinka kala duwan oo dadka halkaa ka daad gureeya, Khartuum ka qaada, xuduudaha dhaafiya, saxaraha marsiiya, kadibna Liibiya magaalooyinkeeda waaweyn sida Bani Qaasi iyo Tripoli geeya, kadibna halkaa doon laga saaro ilaa xeebaha Talyaaniga, haddii Talyaaniga la gaarana Jannadii cagta u horraysa la saarayo!

 

Laakiin Wadadan dheer iyo Saxarahaan side lagu gooynayaa? Dhib ma leh, dad badan ayaa habeen iyo maalin mara, qofkii Ilaahay u qadarayna waa dhintaa, kii kalena waa gudbaa. Qof walbaana wixii Allah u qoray ayuu la kulmayaa.

 

Dadka qaar ayaa 5 cisho ku gaara xuduuda liibiya, qaarna ilaa 7 cisho ama 10 ugu badnaan.

 

intaa ayaa laguu akhrinayaa marka ay ugu badantahay laakiin cidina kaaga sheekayn mayso Khartuum ilaa xuduuda maxaa lala kulmaa? xagee la maraa? yaa ku wada? sidee laguula dhaqmayaa? heshiiska haddii lagaaga boxo ciirsi beel maxaa kuu tala ah? meel ma gaari kartaa? sahaydu hadey kaa dhamaato xagee wax ka heli kartaa? arrin aan la filanayn haddeey dhacdo sidee wax noqonayaan? haddii Liibya xuduudkeeda la gaaro maxaa lagala kulmaa? maafiyada tahriibku dadka sidee ula dhaqmaan? guryaha dadka lagu xirtay iyo dadka la kala gatay sidee ayey ku dhacdaa? qaabkee ku timaada?, ma dhici kartaa in adigana lagu kala gato? dumarka in la kufsado? in sanado gurya lagu haysto amaba la kaxaysto oo la addoonsado?

 

 

Waxaas oo dhan wax laga sheekayey si tafaasiil ah maahan. Sidaas darteed qofka wey la fududahay marka la yiraahdo: Waa tahriib, dhibaatooyin ayaa lala kulmaa, qofkii Ilaahay u qorayna waa ku dhintaa, mar walba naftu mar ayey go’i lahayd, wuxuu is odhanayaa: Hadee awalba dhib iney tahay waad usoo diyaar garowdey ee ku nasiibso.

 

 

Asbuuc walba waxaa baxaya boqolaal, isla wadadii iyo dhibkii ayey marayaan, kan dambena kan hore war kama hayo, xittaa wax ku dhahaya meel heblaayo iska jira, oo maafiyada dadka gadata halkaasey joogaane ka digtoonaada, oo meel heblaayo haddii gaari kaaga jabo, harraad ayaa loogu dhintaaye ogaada, wax haba yaraatee wacyigelin ahi ma jirto.

 

 

SHABAKADA LUGTA LA GAL!

 

 

Sidaas ayaan aniguna isugu soo tuuray wadada cadaabka iyo geerida ee Saxaraha Liibiya.

 

Shabakada maafiyada tahriibintu waa Soomaali iyo Suudaan iyo Chad/Libyaan, isku xiran. Ragga madaxda ka ah shabakadaha waa badan yihiin. Laakiin qaar waaweyn ayaa ugu caansan, iyaguna wexey leeyihiin (mukhalisiin) (out reach) dadka usoo daba.

 

 

Waxaa ku jira Soomaali xawaaladaha meelahaas (dadka) laga ganacsado jooga oo lacagaha u qabta maafiyada tahriibka, kuwaas oo macaamilkoodu kala duwan yahay, qaar aad moodeyso inaaney insaanba ahayn, wuxuushtana ka daran, naxariis darada, cadaabta iyo cadaadiska ay ku hayaan dadka la kala gadanayo.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 4:

 

 

HESHIISKA HORE:

 

Khartoum 20/5/2008

 

 

Mid ka mid ha ragga wax tahriibiya kuwa ugu waaweyn Khartuum oo Soomaali ah oo nin Oday ah ayaa la ii geeyey, wuxuu yiri:.

 

"Adeer ma waxaad u baahantahay in Liibiya lagu geeyo?" Waxaan ugu jawaabay:.

 

"Haa adeer." Wuxuu yiri:

 

"Guri ayaa lagu geenayaa ilaa bixitaanka waqtigiisa. Waa guri u kireysan dadka tahriibaya lagu aruursho inta aaney bixin...waa (Departure Lounge)Waad cabbeysaa waad cuneysaa inta aad ka bexeyso, isbuuc walbana waxaa baxa koox. Lacagta lagaa qaadayo ilaa xuduuda Libya waa 500$ ilaa 600$.

 

Dadka meeshaan lagu soo ururshey qaar ayaa (Mukhalisku) kasoo daayey xabsiyada Suudaan si ay usii tahriibaan.

 

 

Dadka halkaa ku urursan wexey ka kooban yihiin rag iyo dumarba reer ahaana waxayna kasoo jeedaan Gobolada Waqooyi iyoKoonfur,Bariga shishe cidi kagama jirto.

 

Intii walba oo isku cida ama isku gobola ama beela waa isku jicsin iyo isku fadhi, waxaa loo sameeyaa hoggaan qola walba lagala hadlo, waxayna isugu jiraan, m00ryaan dagaaladii sokeeye ama hoggaamiye kooxeedyadii u ahaan jirtey maleeshiyo, dad dhawrsan, dad faalka dhiga, dad tukada ama qur'aanka yaqaan.

 

 

Luqada carabiga inta taqaan ama tacliinta lihi wey ku yartahay, waxaan filayaa gruupkayga aniga ayaa Turjumaan u noqon doona.

 

 

Khartoom ilaa Baadiyaha – Bilawgii Safarta

Saacaddii la bixi lahaa ayaa soo dhowaatey, dadkuna lacagtii wey baxsheen...waxaanu nahay 76 qof oo Soomaali ah, 9 ayaa dumara inta kalena (67) waa rag. Dumarka mid keliya ayaa la qabaa oo ninkeedii la socdaa...caruur kooxda yada lama socoto.

 

Dumarka da’doodu waxay u dhexeysay 20 -30, waa hablo dhalinyara ah, hal kaliya ayaad moodaa iney da’ahaan 40ka ku dhex jirto....Raggu waa wada dhalinyaro. Aniga oo hadda 20 jira iyo aynigayga. Wax 30ka gaarey wey ku yar yihiin.

 

Ninka na tahriibinaya waa nin xariifa, Suudaanna ilaa xukuumadda si weyn looga yaqaan. Askarta iyo Saldhigyada dadka jooga oo dhammi wey yaqaananaan...baabkiisa lama geli karo.

 

Haddaad xisaabto lacagaha tahriibka waxaad ka xisaabisaa tusaale ahaan: 76 qof X $500 = $38000. Isbuuciiba 50 ilaa 100 ayaa sidaa u baxaya.

 

Waxaa ka dhex shaqeeysta sil silad isku xiran ilaa Tripoli Liibya. Laakiin dhibka aanaan ogeyn markaas oo gadaal nooga soo baxay waxa weeye, MUHARIB KASTA markuu gacanta kugu dhigo lacag cusub ayuu kaa rabaa, haddii kale meel ayuu kugu xiranayaa mana ka bexeysid ilaa aad bixiso...Sida xoolihii oo kale ayaa markaa naloo kala gadanayey sida aad arki doonto.

 

 

FUULA GAARIGA:

 

 

Habeenkii saq dhexe ayaa nala toosiyey, gaari caasiya ayaa nalagusoo guray ilaa nala keeno magaalada bannaankeeda, halkaas oo nalagu ururshey. Kadibna waxaa nalagu guray Gaari Loori ah oo weyn dhabarkiisa anagoo kada-loobsan.

 

Meel naloo wado iyo dhinac adduun naga jiro ma naqaan...rag iyo Dumar gaariga ayaa nalagu cayayuubay...xagee naloo wadaa?

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 5:

 

 

FEKEDH:

 

 

Gaadhigii wadaduu cagta saaray, kadib markuu na sagootiyey (Atoorihii) tahriibka, dhinaca Khartuum, dabayla xagaa ayaa nagu garaacayay gaariga korkiisa, gidaarka dhigaha gaariga ayaan ku tiirsanahay, fekedhka ayaa xoogaa i jiitey, waxaan is weydiiyey: Maxaa qadartu kuu qarineysaa oo kaa horreeya? Ilaa yurub sidee xaal noqon doonaa? Wadankee u gudbi doontaa? Shaqada aan heli doono iyo reerkayagii oo aan qaarna baadiyihii uga soo kacay qaarna Muqdisho oo dagaalla ka socdaan uga imi sideen wax u tari doonaa?

 

Waxaan xasuustay hooyaday oo aan kasoo dhaqaaqay iyadoo ii baahan, aabahay oo da’ sii noqonayey oo tuuladii mar walba intuu salaadda casar ka istaago dhahaya: "Muslimow faataxada iisoo mara wiil ayaa iga maqane inuu ilaahay nabad ku geeyo."

 

 

Waxaa maskaxdayda soo hormartay ardayda Suudaantaa oo dhulkooda ku nool, Dawladda haysta, Jaamacadda la siinayo, haba dhibbanaadaan laakiin fursadooyin aanan aniga haysan heli kara...waxaan is iri: Idinka yaa dalkiinii idiin diidey inaad ku noolaataan? inaad waalidiintiinii la joogtaan? eheladiina ku dhex jirtaan? Yaa idin baday inaad qaxooti iyo Tahriib ahaataan? silican iyo saxariirkan martaan?

 

Fekerkaas dheer anoo ku jira, gaariguna hawada cabbayo, wadooyin qardajeexa oo aan dad iyo duunyo u dhoweyn marayo ayaan ku soo baraarugay iyadoo la leeyahay subaxnimadii kasoo dega halkan ayaad degeysaan.

 

Meeshu waa dhul cidla ah, geeda yar oo gaa gaaban ayaa ku yaal, ciid ayey u badantahay. Halkii ayaa la yiri ku daata gaarigiina waa tegey. Hal nin oo dameer haysta ayaa meesha jooga, oo biyaha kusoo dhaamiya wax kale ma yaalaan.

 

 

Waxaan soo gaadhnay goobtii saxaraha ahayd ee dadka lagu ururin jirey Khartuum bannaankeeda, waa meel cidla ah oo saxara ah, geedaha hoostooda dadka lagu daadiyo. Waxaad goglaneysaa maradaada, boorsadaadana waad barkaneysaa, cirkuna waa kuu furanyahay dabayluhuna hadba dhinac ayey kaaga imaanayaan.

 

Dadka intooda bandanna ciidda ayeey seexdaan. Halkaas ayaa baabuur kale loogu keenayaa oo ay usii ruqaansanayaan xagga xuduudda, iyadoo mar walba saan filayo ay (Muharibiintu) dhawrayaan wadada iyo sida xaalkeedu yahay.

 

Sida caadada ah waa iney dadku maxadadan ka gudbaan maalin ama labo gudohood. Laakiin annagu sagaal cisho ayaan fadhinay. Hal mar ayaa wax la cunaa. Waa bariis qaxar ah oo basal (koosaar) looga dhigay, biyahana waa la helaa.

 

Maalmahaas aad ayaan ula yaabbanayn bariis qalalan oo basal lagu qusaarayo laakiin maalmihii ka dambeeyay bariiskaa baa wuxuu noo noqon doonaa sida kuwa laga kariyo sida hoteel(5 Star) ah oo aan la heli karin...2 maalin wexey noqotay 9 cisho!

 

 

Waxaa naloo sheegay markaanu Khartuum kasoo baxnay meeshaas in dhaqso nalooga qaadi doono maalin ama laba gudohood laakiin sagaal maalmood ayaan fadhiney oo dabayshu dhinac walba naga geleysey...waxa noogu daran wexey ahayd dabaysha iyo bacaadka, waxaa dhici karta inaad seexato, kadibna aad soo kacdo adigoo *****lmay oo ciid ku qarisay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 6:

 

 

Dadka meesha isugu yimi:

 

 

Dadka aanu socdaalka wadaagno waa dad kala duwan dhinac walba. Qaar waa m00ryaan ahaan ama maleeshiyadii hoggaamiye kooxeedyada, qaadka ayey cunaan sigaarkana aad ayey u cabbaan, shaxda ayey ciyaaraan maalintii salaadna ma tukadaan laakiin markii aad tiraahdo "Walaalayaal salaadda tukada, qaar ayaa ku caynaya: Hooyadaa waxaa iyo waxaa..qaarna wexey leeyihiin daahir ma ihi, dharkuna daahir iima aha, kuwa ugu fiicanna waa kuwa ku yiraahda ilaahay ha isoo hanuuniyo.

 

 

Qaarna faal ayey dhigayaan, sida mid ka mid ahaa kooxdayadaas, faal ayuu dhigay maalmo ka dib, wuxuuna yiri: "Gaadhi ayaa jabi doona dadna waxbaa gaaraya...waa dhici karta inuu maskaxdiisa ku dhisay waayo saxarahaan dhibka badan iyo gawaaridan oo kuwa wada fac weyn ahaa iney jabayaan shaki kama taagna.

 

Qaar ayaa meesha isku shukaansanaya...Wiil dhalinyarada ka mida ahaa ayaa igu yiri: Gabadhan aanu isla tahriibeyno igu meheri! Waa muuqatey iney is shukaansanayeen...waxaan ku idhi: sideen kuugu meheriyaa weligeedi iyo dadkeedii cidba kama haynee? kadib waxey yeeleen ma garanayo oo safarta hawsha badan ayaa nakala mashquulisay.

 

 

Kooxdayada oo dhan oo 76 qof ahaa waxaa dumar ka ahaa 9 keliya inta kale waa rag dhalinyaro u badan Waxey u qaybsanyihiin dadkoo dhami in ka timi koonfur iyo in waqooyi ka timi. Goboladi Bari cidi kagama jirin. 27 wiil iyo gabar ayaa dhanka waqooyi ka socdey. waxaa goobta loo kala degay sidii loo wada socdey ama isku raas loo ahaa ama isku jicsin koox yariba meel ayey degtey.

 

Salaadda 40% ayaa tukata, dumarka ilaa 5 waa tukadaan. ragga tukada meel ayaan maalintii isku jamacsan jirney, subaxa iyo habeenkana nin walba meeshiisa. Ragga oo dhan da’doodu waa 20 -30 inta u dhexeysa. Dumarkuna sidoo kale, hal haweeney ayaad moodeysey iney afartanaadka gashay. Dumarka hal mid ayaa ninkeedu la socdaa, inta kalena waa wada tahriibayaan.

 

 

AYAAMA KULUL:

 

 

Waxaa ninkii nasoo tahriibiyey ee Khartuum naga soo qaadey ku heshiiney in meeshan maalin ama 2 maalin aanu joogeyno, laakiin 9 maalmood ayaanu meeshan cidladaa fadhiney oo dabaylaha xagaagu na garaacayeen. Waxaa kaaga daran kulaylka oo darajada hawadu isku shareereyso 50 darajo. Laakiin qof walbaa wuxuu leeyahay, dhib ma leh, beri ayaa laga gudbayaa, Yurub ayaad tegeysaa waxaana waad hilmaameysaa!

 

 

Mukhaliskii ma aragnaa?

 

Markaan la hadalno maxaa naloo qaadi waayey, mukhaliskii Khartuum ayuu ku mashquulsanyahay, jabhad ayaa jirta, jidka ayaa xun, mar ayuu noo yimi raashin kiish boorasha iyo kiish basala ayuu noo keenay, markii dambe oo aan soo baxeynana wuu nasoo sagootiyey.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 7:

 

 

Wadadii Xuduudda Liibya ayaan ku jeednaa:

 

 

Barqadii ayaan 2 gaari oo looriyaal ah fuulnay, asizu iyo PJ luga badan. Bacaadkaa la dhex marayaa. Suudaan ayaa baabuurta dareewaliin ka ah. 2 Dareewal, 4 Kirishbooy, iyo (Samaani) oo ah batrooniga safarta wada kulligoodna waa Sudani, Qandaraaska ninka soo qaatay oo kii soomaaliga ahaa kasoo qaatay.

 

Meesha la marayaa waa qardajeex tahriiba. Wada gaari loogu tala galay ma aha. Gawaaridu waa qanax aan meelna gaarayn. Hawadu waa kulushahay. Sidaa darteed xoogaa yar markii la socdaba waa la istaagayaa. Bir ayaa xun. Lug ayaa banjartay. Biyahaa kululaaday, soo dega dhulka fariista.

 

 

Maalintaas oo dhan ayaan soconey, habeenkii oo dhan ayaan tukubeyney, marna soco marna fariiso, Subaxdii dambe waa berigii ayaa la yiri ma dhaqaaqi karno.

 

Ilaa 150 km ayaan soconey 24 saacadood. Guddi 3 Soomaali ayaa soomaalidu leedahay oo kuwan kale la hadla.

 

 

Gaarigii waa jabay:

 

 

Markii aan meesha fariisannay, waxaan la hadalnay ninkii Suudaaniga ahaa ee (Tahriibka) wadey. Soomaalidii wexey tiri ninkii Soomaaliga ahaa ee Khartuum fadhiyey nala hadalsiiya, wey la hadleen, wuxuu yiri meeshiina jooga waan idiin imaanayaa. Raashinkii iyo biyihii waa yaraaday, dadkiina waa tabar yareeyey, meel dhul bannaana oo geeda aan lahayn, geedaha yarna caleen lahayn, bacaad, ayaa la yiri ilaa berri ayaan joogeynaa.

 

 

Biyaha halla cabbiro!

 

 

Habeenkaa meeshii ayaa la baryey, ciiddaa layska seexday, waxba lama karsan. Waa 2 habeen iyo labadooda maalmood aan wax la cunin, wixii yaraa ee dadka jicsinka uga haray mooyee, taasoo 9kii cisho kusoo dhamaatay. biyaha waxaa la bilaabay in naloo cabbiro, koob yar ayaa nala siinayaa, caag yar oo nus liitarka ah ayaa dhexda laga goynayaa,rubuciis 25 mg, ayaa subixii lagu siinayaa ama wax ku karso ama cab, hadii shaah kuu daran yahay shaah ku karso, hadii kale hal mar fuuqso, manta oo dhan biya dambe il saarimeysid ilaa berri subax.

 

 

War saxarihii aan 9ka maalmood fadhiney ayaaba noo roonaa, saa biyaha ayaanba heli jirney oo ninkii shaqaalaha ahaa ayaa Dameerka mar walba kusoo dhaamin jirey. Laakiin shaaha maxaad ku karsaneysaa? Ma maqal miyaa, qalabka jidkan wax lagu karsado.! Gasacadaha fuulka ama furutka laga dhamaystay ayaad shaaha ku karsaneysaa, kuna cabbeysaa, haddaad doonto faruuryaha ka gubo ama haku dillaacaan ama haku guduutaan, Galabnimadii ayaa markii dadku naf gaarey qaarna daatay ayaa intii oo kale loo miisay!

 

 

ODAYGII YIMI:

 

Subixii dambe ayaa ninkii Soomaaliga ahaa ee Khartuum naga soo tahriibiyey welina isagu masuulka naga ah ilaa aan kuwa Liibiya ku wareegno meeshii yimi, biyana ma keenin,laakiin gaarigii ayaa birihiisa lasoo samaynayaa ayaa la yiri, halkiina jooga! Ilaa saddex maalin ayey qaadaneysaa, in Khartuum la geeyo lasoo sameeyo, gaariga hoostiisa hala seexdo, ninkii meelahaas duurka ah aadaya waa isaga. Laakiin haddaad socotaba xageed aadeysaa. Waxaa bilawday Su’aal: war ma sidan ayaa lagu jirayaa ilaa xuduuda liibiya? Sow lama oran dhulkaba waxaa lagaga gudbayaa 5 ama 7 cisho? haddana waxaan ku jirnaa 13 maalmood oo maalmaha u dambeeyey aan waxba dhuunta la marin.

 

Allah nimanka tahriibka sameeyaa been badanaa oo arxan daranaa! Halkii ayaa dadkii ku daatay, nafina waa haysaa, mar ayey yiraahdeen nimanka suudaantaa ee gawaarida wadaa: qorya soo gurta aan shah idiin karinee! Laakiin yaaba socon kara! Hadduu socdana yaaba qorya meesha ka helaaya. Inta aanu cabbaar soconey ayaanu qori qallalan oo shah lagu karsado weyney.

 

 

Isha durdurkaa iyo Askartii Suudaan:

 

 

Subixii afraad ayaa anagoo naf ah meeshii nalagasoo dhaqaajiyey, waxaan soconey 24 saac oo xiriira, laakiin qardajeexa oo baabuurku marna ciid gelayo, marna fariisanayo oo kolba meel saacad iyo ka badan la fadhinayo.

 

Subixii ku xigay ayaanu nimi meel dur dura oo il biya ahi ka socoto. Ilaahay baa mahad leh, waxba yaan la cunin haddii biya la helayo ayaanu is niri. Biyihii ayaa nala ku sii daayey, sida xoola xerada laga soo daayey ayaanu ugu qamaamney wixii socon karey. Biyihii ayaa si fiican loo cabbey.

 

Kadibna waxaa nalagu guray hal gaari oo weyn 76 qof. Markii aanu saa u dhaqaaqnay mise waa gaadhi cabdi bile ah (Toyota Landcruiser) nooca askartu qaadato ee dhabarka qaawan ayaa halkaan mudh kasoo yidhi, waxaana dushiisa saran unug askartii Suudaanta ah ee xuduudaha iyo duurka ilaalineysey. War Illey tanina waa inoo laabnayd, anagii naxdin ayaanu is eegnay, qof walba waxaa u sawirantay in dhaqsi lagu celinayo Khartuum, xabsiyadii suudaantana lasoo booqanayo.

 

 

Ka Daata:

 

 

Gaarigii ayaa la joojiyey askartii ayaa isku kaaya hareeraysay, waxaana nala amray inaan gaariga kasoo daadanno. Meel halkaana ayaa nala tubay. Aniga ayaa laygu yiri soo bax si aan u turjubaano. La hadal adaa afkooda yaqaane! Mexey naga rabaan? Askartii wax badanba masii sugine wexey yiraahdeen: qof walba waxaanu ka rabnaa $100$ haddii kale waa idin xidh xidheynaa, Khartuumna dib ayaan idiinku celineynaa, haddii kale na af garta! Talaa nagu caddaatay dadka qaarkood lacagba ma haystaan. Maxaan yeelnaa?

 

 

Dadku waa 76 qof oo Soomaaliya oo hal gaari lagu guray. Askartii ayaan waxaan ku iri: Nimanyohow anaga Soomaali masaakiina oo tahriibeysa oo adduunkaa Ilaahay calaf ka doon ah ayaanu nahay, dhib idiin ma wadno, waxna ma haysanno. Askarta ninkii u madaxda ahaa: Waan ognahay inaad tahriib tihiin, dhibna idin lama rabo, laakiin qofkiiba $100 ha bixiyo waa idin sii deyneynaa, haddii kale, dib ayaanu Khartuum idiinku celineynaa.

 

Waxaan ku iri: Ikhwaanii dadku muddo ayey hadda safar kusoo jireen, duurka rafanayeen, sahaydiina waa ka dhamaatay, waxba ma haystaan waa dad masaakiin ah. Wuxuu yiri: idinkey idiin taallaa.. Qofkiiba $100 ha bixiyo, dumarka ayaanu idiin dhaafeynaa. Sidaan nimankii u gor gortamaynay, waxaan isla gaarney, $20 qofkii iney ka qaataan, dumarkana iska dhaafaan. Lacagtii ayaan u ururinay, markaas ayey yiraahdeen: Fuula gaariga.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 8.

 

 

ALLAHAYOW MAXAA NOO QORAN?

 

 

Qofna waxa looxa loogu qoray ma oga. Markaanu is niraahno dhibkii wuu dhamaaday oo waa la soconayaaba waxaa noo bilawda bog cusub oo kii hore ka daran. Dad badan oo tahriibka soo mara ma oga waxa dhib la marayo si maalin maalin ah, waxaa looga dulmaraa uun dhib ayaa jira. Sidan xitaa annagu marna uma suuraysan, laakiin maalinba maalinta ka dambaysa wey kasii adagtahay.

 

 

80 KM maalintii oo dhan!

 

 

Maalintii oo dhan waxaan soconey wax aan ka badnayn 80 km. Ka dibna gabbalku markuu noo dumey ayaa la yiri halkan ayaa la baryayaa, caawa, oo baabuurtii Liibyaanka ayaa halkan innoogu imaaneysa. 3 Gaari ayaa la keenayaa oo laydinku kala qaybinayaa. Laakiin subixii waxaa la helay hal gaari oo Landcruiserka (Cabdi Bile) Soomaalidu u taqaan, Annaguna waxaanu nahay 76 qof. Waxaa la yiri, labadii gaari oo kale goor dhow ayey imaanayaan ilaa galabta, gaarigan haddana qaybi hasii raacdo. Koox 27 qof ah oo wada socotey oo isku jicsin ahayd ayaa gaarigaas raacday. Mar dambe ayaan ogaaneynaa iney naga nasiib wanaagsanaayeen. Qofna waxa u qoran ma dhaafi karo.

 

 

16 MAALIN IYO GAARIGA HOOSTIISA.

 

Gawaaridii kale galabta ama berri ayey imaaneysaa wexey noqotay 16 maalmood inaanu meeshaas fadhino! Maalinba maalin naloogu dhiibo. Meesha aanu joogno geed kuma yaal. Waa saxaraa cidla ah dhul kaa dheer cir kaa dheer!

 

Haddaad dhinac kasta u socoto, qoray qalalan inaad hesho lagama yaabo. Maalin walba qofka waxaa la siiyaa: 4 xabo oo balaxa (timir busura)iyo hal kabbasho oo biya ah, 24 saac qof walbaa intaas ayuu leeyahay. Maalinta oo dhanna wax kale indha saari mayo.

 

Dadku maalma ka dib tabar darro iyo xanuun ayey la daateen. Qaar ayaa suuxsan, qaar ayaa taahaya, qaar ayaa xanuunsan, gaar ahaan dadkii sigaarka cabbi jirey oo dhibaata weyni qabsatay. 16ka maalmood, hal habeen ayey bariis qalalan dadka u kariyeen, hal maalinna qorya raadsada ayey dheheen shaah aan idiin karinee? Saxaraha ayaa intayadii socon kartey ku yaacday, hal qorina waa lasoo waayey dab lagu shito.

 

 

BANI AADAM BAHAL ISU BEDELEY.

 

 

Waxaa la yaab leh, Bani aadamku marka diinta iyo dareenku ka dhamaado inuu isu bedelayo bahal aan haba yaraatee wax naxdina iyo naxariisa midna lahayn.

 

 

Nimanka dareewalada iyo shaqaalohooda iyo ninka safarta tahriibka hoggaaminaya ee Suudaantaa wexey wataan (neef weyn oo lo’a hilibkiis) oo la qallajiyey, oo baabuurka korkiisa u suran. Hadba xoogaa ayey goostaan oo karsadaan, maraqiisana cabbaan, hilibkiisana cunaan, xitta hal kabbasho qofna uma taagaan.

 

Dadkii oo meesha daadsan oo indhaha kusoo eegaya oo dhimanaya ayey halkaas kore dabkooda ku shidanayaan, waxna ku karsanayaan. Meel aad u cararto ma taqaanid, gabdhihii ayaa yiri waan soconeynaa, markey cabbaar socdeen oo haddeey 100 km socdaan aaney geedna arkayn ayey soo noqdeen!

 

Habeenkii dadka intiisa badan gaariga hoostiisa ayey jiiftaan, maalintiina meesha ayaa lawada harsadaa. Dadka intiisa badan maba dhaqaaqi karaan oo naftii ayaaba kalxamaha u taagan. Qof qof ayaa weli dhaq dhaqaaq ku sii yar yahay.

 

 

Maalintii 17aad!

 

 

Subixii 17aad ee aanu goobtaas fadhiney ayaa la yiri, baabuurtii Liibiya ka imaaneysey waa diyaar, soo fuula meel dhow ayeynu ugu tegeynaa. Waa soo luudnay, gawaarida dadka qaar maba fuuli karaan, waa in la qaado, qaarna naf weyn maba hayaan. Waxaanu nimi 2 buurood oo yar yar dhexdood, halkaas oo aanu ugu nimi 2 gaari oo kuwa soomaalidu u taqaan (cabdi bile) ah. Waa nimankii Liibiyiinta ahaa ee nagala wareegi lahaa Suudaanta.

 

 

Wajiyo Cabsi leh & Gadasha Cusub!

 

 

Nimanka Liibiyiinta ee 2da gaari wadaa waa 5 nin. Waa niman dalka Chad iyo Liibiya u dhexeeya oo mad madow. Waa niman wajigooda laga boqo oo naxariisi aaney ka muuqan. Guul guulka iyo canaanta iyo hadalka ayaad durba ka garaneysaa waxa ka dambeeya. 2da gaari ee cabdi bile, xagga liibiya ayey u jeedaan. Gaarigii looriga ahaa ee Suudaantu wadateyna wuxuu u jeedaa xagga Suudaan. Waxaa u dhexeysa masaafo aan ku qaddari karno 25 ilaa 30 mitir. Gaarigii Suudaanta haddii aan kasoo deganney ee dhulka nala tubay, waxaa nala hadlay ninkii Suudaanta u weynaa, wuxuu yiri: "Nimanka Liibiyaanka Lacag cusub ayey rabaan! Waayo kharash cusub ayaa lasoo galay."

 

Waa arrin ay isla wada ogyihiin kooxahaan wax tahriibiya, mid kastaa markuu kan kale gacanta kuu gelinayo ayuu kaa iibsanayaa!!

 

Maxaa yeelay wax damaana ah ma jiraan, wax lagaaga baqayana ma leh. Haddaad meesha ku dhimato, iyo haddii lagugu hilmaamo, cid iskaa weydiineysa malaha, xagga ehelkaagii iyo Soomaalidana waxaad tahay nin tahriibka ku dhintay, haddiiba lagu ogaado oo lagu soo sheego, cid aad u qorantahay, cid la xisaabtameysa nimankaan, cid ka dambaysa oo ay ka baqayaan midna ma jiro.

 

Waxaa la yiri, 2 kooxood ayaa laydiin qaybinayaa, qayb kastaa gaari ayey fuuleysaa. Qola kastaa $1000 ayey bixineysaa.

 

 

Ka Jab:

 

 

Anagii ayaa is qabanay. Qolo wexey tiri, lacagtii weynu soo bixinay ilaa Liibiya, mexey tahay lacagta cusub ee aan bixineynaa. Qolona wexey tiri, war meeshaan waa saxara cidla ah, wax aynu qaban karnaana ma jiraan, aan lacagta iska bixino.

 

Qoladaasu maba daahin, koox wada socota oo hal qoys u badan ayey ahaayeen, lacagtiina kaash ayey u bixiyeen. Annaga kooxdayada qaarkood lacagba ma haystaan. Anaaba ka mid ahaa oo 20 doolar oo kaliya ayaanba lacag dhanba markaa ka haystaa.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 9.

 

 

SURWAALKA LAABKIISA HOOSE:

 

Lacagaha meela adag oo hoose oo doqon ma garata ah ayaa la gashtaa. Sida sadhwaalka laabkiisa hoose oo lagu tolo, iwm. Ninkii Suudaanta Watey ee (Sammaani) ayaan la gor gortamay, waxaanu is jiid jiidnaba waxaan la gaarey kooxdayada inuu ka qaado $400. Ka dibna markaan u dhiibey wuxuu iisoo celiyey $50 maadaama aan turjumaan u ahaa, oo igu yiri, adigu jidka ku mar.

 

 

Gaarigii Eritreanka:

 

 

Xaaladdu markey halkaa mareyso nimankiina aanu kala baxnay qoladii Suudaantu ay kuwii kale nagu wareejiyeen laakiin aan weli gawaarida la fuulin Suudaantiina ay weli taagantahay ayaa waxaa qolada Liibiyaanka u yimi gaari kale oo cabdi bile ah oo dad Eritrea ah wadey oo meel dhow intuu kusoo daadiyey, kuwan u yimi si ay isula jaan helaan. Dhinacooda ayuu gaarigii soo istaajiyey xagga Liibiya isagoo u jeeda oo matoorku u shidan yahay ayuu kasoo degey, albaabkuna waa u furnaa. Kuwa annaga na qaadi lahaana wexey ku foororeen shag baabuurta mid ka mida ka halaysan oo ay hagaajinayeen. Wuu soo dul istaagey, isagoo leh miyeydaan dhaqsanayn? Suudaantiina xaggaas meel ah ayey weli taagan yihiin, oo iney dhaqaaqaan ayey isu diyaarinayaan, annaguna dhexda ayaan tubannahay.

 

 

JABHADDA CADLI WAl MUSAAWAAT WAATAN MUDH SOO TIRI!

 

 

Iyadoo sidaa loo yaallo, waqtiguna galab yahay, casarkii galay, ayaa halkaa waxaa kasoo mudh yidhi gaari cabdi bile ah oo ay saarantahay koox askar ah oo tobaneeya ah oo hubaysan oo Jabhadda Cadli Wal Musaawaat ee Suudaanta Mucaaradka ku ah.

 

Daqiiqado yar kadib wexey kasoo daateen gaarigii iyagoo meesha isku hareereeyey. Qaar wexey markiiba qabteen Gaarigii Suudaanta gacanta ayeyna ku dhigeen. Kuwa kalena dhinaca kuwii Liibiyaanka ayey soo aadeen.

 

Ninkii watey gaariga Eritreanka ah, gaarigiisu wuu shidnaaye, markiiba shirka ayuu ku boodey, marshuuna geliyey oo luguhuu wax ka dayey!

 

Waxaa ka daba boodey oo gaariga dushiisa haleelay laba nin oo kale oo kuwii na wadi lahaa ah. Gaari xoogaa cusaybana wuu ahaaye, caguhuu wax ka deyey. Gaarigii Jabhadda oo dhawr nin saarantahay ayaa ka daba tegey xabadana ku ridey. Gaariga Jabhadda Qori weyn ayaa saaran, sida kuwa Soomaalidu ku dagaalanto oo teknikada loo yaqaan.

 

 

Wax yar ka dib, qadar 20 daqiiqadood ah ayaa Gaarigii Jabhadda oo Gaarigii cararay soo qabtay soo noqday . Durawalkii Eritreanta wadey furihii gaariga ayaa laga qaaday, nin Jabhadda ka mid ah ayaa loo dhiibey oo lagu yiri: Gaarigan kexee oo saldhigii geey..Sidaas ayaa Gaarigii cararka damcay lagu qaniimaystey.

 

 

Suudaantii Maxaa ku dhacay?

 

 

Jabhaddu wexey markiiba hawsha waraysiga ka bilaabeen kooxdii Suudaanta ahayd, Waxaa lagu yiri: yaa madax ka ah kooxdaan? Ninkii (Sammaani) ahaa ayaa yiri: Waa aniga. Ninkii Jabhadda watey ayaa ku yidhi: Waan ognahay inaad dadkaan masaakiinta ah 16 cisho aad meeshan dhow ku haysay oo ku rafaadisay.

 

Mid mid ayey u waraysteen, magacyadooda, qabiilooyinkooda, waxaa soo baxay nin ay caddaatay inuu reerka Madaxweynaha Cumar Al Bashiir yahay, kaas dhinac ayaa loola baxay, markiina garaac ayaa lagu bilaabay, waxaa lagu yiri: adigu marti qaad gaara ayaad leedahay!

 

 

Waxaanu u qaadanay ineyba dhici karto iney ama dilaan ama xirtaan! Kuwii kalena meel ayaa lagu ururshey. Annagu meesha ayaanu tubanahay cidi wax nama yeelin. Maxaa tihiin? Anigaa la hadlay: Soomaali tahriibeysa oo masaakiina ayaanu nahay. Kooxdii Eritreanta ahayd ee meesha uu ku daadshey gaariguna waa la soo qaaday oo dhinacayaga ayaa lasoo tubay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Waad mahadsantahay, waxaan akhriyey ilaa 4, Waan usoo laaban inta kale.

 

Waxa la yaab leh ummad dhan oo intii xirfada lahayd ay hawl gab noqdeen, aqoonta ka jirtaana ay yartahay, ama cida heli kartaa ay in kooban tahay, intii wax barateyna sidan u dhamaanayaan, Burburka dhismaha, dhaqaale, Kan bulshada ku dhacay baaba ka wayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 10:

 

 

Gawaarida ku fasaxa:

 

 

Waa taan idiin sheegay inaanu 16 cisho waxba naga degin aan ka ahayn 4 xabo oo busur ah iyo kabbasha biyaa maalinka oo dhan. Jabhaddii wexey na yiraahdeen: Gawaarida fuula dadyohow oo wax walba oo aad ka cuni kartaan ama ka cabbi kartaan xor ayaad u tihiin ee cuna. Iyaga laftoodu wexey wateen buskud ay xoogaa noo daadiyeen.

 

 

Nimankii Muharibiinta ee Cadawga ahaa Ilaah waa nooga aaray:

 

 

Gacan ka xoog badan ayaa heshay. Baabuurtii ayaa lagu yaacay, nin biya hela nin cunta hela, nin gasacad garaacda, nin xabbad kibisa oo qalalan meel ka hela, rag iyo dumar qof walbaa wixii kusoo hagaaga ayuu cunay!

 

Kuwiina iyagoo dullaysan ayey na daawanayaan annagoo baabuurtii faganeyna. Kuwa soodaantaa, 16kii maalmood raashinkii ay iyaga keligood cunayeen ayaanu hadda hortooda, Ilaahay amarkiis, ku cuneynaa. Ilaahow adigaa qaadira!

 

 

Waxaanse la yaabay dadka Soomaaliyeed qaar ayaa ka dhawrsaday nimanka xoogga lagu haysto woxooda iney boobaan, sidaa darteed dadkii ku yaacay kama ay qayb gelin!

 

 

Xoogaa biya ah oo Jabhaddu wadatey ayey na siiyeen, oo markii u horrayseyba dadka naftii ayaa kusoo noqotay. Kooxdan Jabhaddaa waxaa hoggaaminaya nin da’diisa aan is idhi waa dhawr iyo sodon jir. Aadna uma dheera mana gaabna. Waa nin dhuuban, cimaamad shaal yar ah ayaa duub ahaan ugu xidhan, gar yar oo dhuuban ayuu leeyahay, surweel dheer iyo shaati aad moodo kuwa paakistaanta oo kale oo sii deysan ayuu gashan yahay. Buug iyo qalin ayuu gacanta ku sitaa.

 

Ragga la socdaa isku wada lebbis maaha. Qaar ayaa dharka askarta lebbisan. Qaarna cimaamad weyn oo cad oo tan suudaanta ayey xidhanyihiin. Qaarna marada sariirta la goglo ayey hoos gunti u xidhan yihiin. Midba wuxuu arkay ayuu sitaa.

 

 

Wuxuu amray gaari iyo 2 askari iyo 2 Soomaali ah iney baxaan iyo biya soo dhaamiyaan. Intayadii kalena anagoo baabuurtii faganay oo buskud iyo cuntaba wax dhadhaminay ayaa meeshayadii nala tubay. Dhinac waa Soomaalidii. Dhinac kale oo nagu dhowna waa Eritreantii 27 qof oo caruur iyo dumar u badan, sidaa waxaanu ku noqonay mar kale 76. Annaga awal waxaa naga tegey 27 qof. Haddana 27 Eritrean ah ayaa nagu soo biiray marka 49 Soomaali ah iyo 27 Eritrean ah ayaanu nahay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Askartii Jabhadda oo Gabdhihii Damac ka galay!!

 

 

Waa markii noogu darrayd intaanu soo soconey. Gaajo aragnay, harraad aragnay, askar iyo xabsi ku sigannay. Hadba baad cad nalaga qaad laakiin caawa waa imtixaankii ugu horreeyey uguna dhib badnaa oo ah nimankii Jabhadda qaar ka mida oo gabdhahayagii Soomaaliyeed hunguriyaynaya!

 

 

Waqtigu waa fiid..Nimankii biyaha doonay oo ninkii madaxda ahaa ku jiro wey maqanyihiin. Nimankii Tahriibka dhammaantood waxaa lagu kuusay hal meel. Jabhaddii wexey baarteen marka hore qolada Eritreanka ahaa, rag yar ilaa 8 ayaa ku jirey oo gaala u badan ka dibna anaga ayey noo yimaadeen. Qof walba xabbad sigaar ah ayey u taageen, xitaa dumarka. Kuwii cabbi jirey ayaa ka qaatay, intayadii kalena waa diidnay ka dibna wey na baarteen, waxba noogama tegin wixii ay heli kareen, oo meelaha hoose aan lagu qarin.

 

 

Ninkii Tahriibka Hoggaaminayey ee (Sammaani) iyo Mid (Jucali) ah Qabiilka Madaxweyne Bashiir, Xitaa Cimaamadihii Suudaantu duubnayd intey ka diireen ayey dadkayagii u soo tureen iyagoo leh: "Cadceeda ka harsada".

 

Fiidkii markii la gaarey ninkii Jabhadda u madax ahaa iyo colkuu kaxaystana ay weli dhaankii ku maqan yihiin, 2da reer ee Soomaalida iyo Eritreankuna is ag yaalaan, anigu waqtigaas intaan maqrib iyo cishe tukadey ayaan xoogaa seexday. Wax yar ka dib waa laysoo kiciyey inaan la hadlo nin noo yimi.

 

Mise waaba askari ka mida jabhaddii na haysatey. Madaxa iyo afkuba waa u duuban yahay, qorina wuu wataa garabka u suran oo xagga dhulka afkiisu u jeedo. Annagu waa urursanahay, dumarkuna dhinac ragguna dhinac. Gabdhaha sidaan sheegay waa 8 mid keliya ayaa ninkeedii la socdaa inta kale keligood ayey tahriibayaan! Habla dhalin yar ayeyna u badan yihiin waxaan hal qof ka ahayn.

Ninkii jabhadka ahaa markaan la hadlay wuxuu yidhi:

 

waxaan rabnaa dumarka inaan waraysi ka qaadno, mid mid!!

 

Waxaan ku idhi: Dumarka keligood sidee u waraysaneysaa? Miyuu arrinkaasu idiin bannaanyahay?

 

Wuxuu yidhi: Amarku waa sidaas.

 

Waxaan ku idhi: Qof walba iyadoo maxramkeedu la socdo halkaan hortayada ah waxaad rabtaan ku weydiiya. Isla mar ahaantaas waxaan – afsoomaali – ku dhex geliyey, anigoo dadka la hadlaya: nimankan dumarka ayaa damac ka galay xaaladduna waa khatar, gabar walba qof ayeynu dheheynaa waa ninkeedi, rag iyo dumar sidaa hala ogaado, gabar walbaana nin agtiisa ha fariisato, mataabaneyso, laakiin agtiisa uun ha fariisato, sidaas ayaa uga dhib yar in ninkaanu jiito!

 

 

Dabadeedna waxaan idhi anigoo carabi iyo soomaali is dhex gelinaya, si jilid iyo dhaq dhaqaaq yari la socdo oo aanu askarigu igu dareemi Karin:

 

Heblaayo: intaan gabdhaha xagooda eegay: أج ل سي ج نب سوجك ninkaaga agtiisa tag, Hebel: خذ

سوج تك xaaskaaga agtaada fadhiisi, ninkii askariga ahaana waxaan ku leeyahay, anoo marna xaggiisa eegaya, marna xagga dadka: eeg haweeney kasta ninkeedi waa kan. Waxaan filayaa iney ahayd fikrad Ilaahay i waafajiyey, si fiicanna aan u jilay, Ilaahayna nagu guuleeyey.

 

 

Waxaa xoogaa hakatay gabar gabdhaha ka mid ah oo tidhi: sideen u dhinac fadhiistaa nin aan maxram ii ahayn!!! Saxaraha Liibiya ayeyna jeexeysaa maxram la’aan, yurubna wey ku socotaa!! Waxaan ku idhi: haddaadan sidaa yeelin waxaad khatar ugu jirtaa ninkaan inaanu kaa celin kari weyno, dhaqsi u istaag, dadkiina waa ku qayliyeen, markaas ayey yeeshay. Gabadhaas maalma ka dib saxaraha ayaanu ku aasi doonaa (Allaha u naariistee) gaajo iyo harraad markii loo le’day!!oo 12 qof naga dhinteen saxaraha dhexdiisa.

 

Gabadhii ninkeedu dhaanka ku maqnaana sidii ayaan ugu sheegay si hadalku dhab u noqdo: waxaanan iri gabadhaa soo hartay waa midda ninkeedu dhaanka ku maqanyahay!! Iyadana gabdhaha kale ag fariiso ayaan niri.

 

 

Wuxuu yidhi isagoo qoriga xagayga u soo jeediyey: Riwaayad ayaad dhigeysaa, haddaadan ka leexan xabbad ayaan kugu dhufanayaa.

 

 

Waxaan ku idhi: Anigu sidii wax u jireen ayaan kuu sheegay, haweenkaan waa dumar la qabo, mid walbana ninkeeda ayaa la socda (dadkana faraha tag taaga) ayaan ku idhi.

 

 

Xoogaa hadduu handadaad iyo caga juglayn igu sameeyey, qorigana xabadka iga saaray, dadkuna i dhiirra gelinayaan oo leeyihiin: ha baqin, haka cabsan, kulligeen waa ku wada dhimaneynaa, Dumarkuna oohin iyo wel wel isku darayaan, ayaa ilaahay naga kaxeeyey, oo uu dib u gurtay.

 

 

Alxamdulilaah, neef weyn ayaa naga soo baxday, Ilaahayna waan ugu mahadinay bahalka naga kaxeeyey. Laakiin nasiib darro, wax yar ka dib, waxaan maqleynaa dumarkii Eritreanka ahaa oo bahalkii jiitey qayladoodii oo bexeysa iyagoo la fara xumaynayo!

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Part 12:

 

 

DHAANKII WAA YIMI

 

 

Saq dhexi ayaa ninkii jabhadda watay iyo dhaankii soo noqdeen, biyo fiicanna way keeneen, ilaa 2 jirigaan oo waaweyn, biyahana meel ilaa 80 km jirta ayey ka dooneen. Dadku biyihii ayey cabbeen, si fiican uga noolaadeen, inkastoo qofku maadaama uu muddo cunta la’aan, iyo biya la’aan ahaa, oo aad u liitaan, taasoo keeneysa inaan biyaha xitaa lagu wada fasixi Karin. Habeenkii sidaas ayaa lagu baryey.

 

 

SUBIXII DAMBE

 

 

Ninkii Jabhadda watey ayaa noo yeeray, wuxuu yiri: Soomaalidiina 3000$ (saddex kun oo doolar) ayaad bixineysaan haddaad rabtaan in laydin sii daayo, haddii kale, saxaarahaan ayaad gaaja ugu dhimaneysaan, waayo baabuurtu annagey qaniima noo tahay oo qaadaneyna.

 

 

Waxaan ku iri: ninyohow 16 cisho ayaanu waadi “malak” fadhiney sidaad ogtahay, kahorna 20 cisho ayaanu safar Suudaan dhexdeeda kusoo jirney, Askartii Suudaanta ayaa lacag naga qaadatay, oo kuwan tahriibka ayaa naga qaatay, oo kuwii hore ee khartuum ayaa naga qaatay, oo xalay askartaada ayaa na baaratay oo wixii ugu dambeeyey naga furtay, dadkaanu waa rafaadsanyihiin, waana dhibaataysan yihiin, inaad iska kaaya deysaan ayaanu codsaneynaa. Haddeydaan na deyn karinna bal xitaa noo dhoweeya meel magaalo iyo degaan bani aadam ka dhow yahay. Xitaa Daarfuur na geeya haddaad dooneysaan.

 

 

Wuxuu yidhi: Xukuumadda Suudaan side u aragtaan?

Waan ognahay iney mucaarad keedi yihiin, haddaan amaanana nalaba dili karo waxaan iri: Waa xukuumad daalima oo gardaran oo tacadi badan dadkeeda ku samaysa.

 

 

Wuxuu yidhi: Waayahay waan idin sii deyneynaa, laakiin dadkan reer Eritereeya ayaad qaadeysaan, waayo baabuurkoodi waanu qaadannay. Labadiina baabuur ayaa Soomaali iyo eritereya wada raaceysaan. Ma diidi Karin xaaladdaas, wallow 80 qof sida 2 gaari oo cabdi bili ah loo saarayo aanan garanayn. Waxaanu niri: Samcan wadaaca.

 

 

FUULA BAABUURTA:

 

 

Baabuurkii koowaad ayaa la yiri Soomaalidu ha fuusho ilaa 40 qof, inta Soomaalida kasoo hartaana gaariga kale ha fuulaan, kadibna kaas labaad Eritereanku ha dhamaystiraan. Sidii ayaa la yeelay gaarina waxaa fuulay 39 Soomaali ah, 10kii kale ee Soomaalida ahaa iyo 27 Eritreanka ahaana gaarigii kale ayey fuuleen, intaa waxaa dheer nimankii tahriibka iyo dureewaladii.

 

 

Ninkii Jabhadda watey wuxuu dareewalka u qoray warqad ku socota ciidamada jabhadda ee naga horreeya wuxuuna u tilmaamay jidka uu marayo ee ugu dhow xuduudda Liibiya, wuxuuna yiri: Ciddii aad aragto ee ciidankayaga ah warqaddaa tusi waa lagu sii deynayaa, berritana barqadii waxaad gaari doontaa (kafra) oo xadka liibiya ah.

 

 

Waxaanu kasoo dhaqaaqnay ku dhowaadka 11 subaxnimo, labadii gaari oo ciir ciiraya, sida koronkorada oo kale loo saaranyahay dadkuna is dul saaranyihiin, 39 qof gaariga korkiisa saaran rag iyo dumar waad garan kartaa hadii qof ama labo kugu fariistaan ayaad nasiib badantahay oo aan intaa ka badani ku buuran:

Xagee loo socdaa?

 

 

Dareewalkii na wadey wuxuu ka baqay warqadda loo qoray iney shirqool tahay oo qolada kale ee jabhaddaa markuu gaaro ay gaariga ka qaataan, sida gaarigii hore ee Eritreanka loo dhacay, sidaa darteed wuxuu qaaday wadda kale oo fog, wuxuuna u jihaystay xagga xuduuda Masar, taasoo wareeg dheer noqoneysa. Taleefankii thurayada ahaa ee ragga tahriibkana waxaa qaadatay Jabhadda inkastoo ay markii dambe naga daba keeneen oo soo cesheen.

 

 

Gaarigii oo Jabay.. iyo Dagaal kharaar oo huray!

 

 

Abbaaraha duhurkii markey ahayd ayaa gaarigii aan saarnayn biri ka jabtay, ciidana afkuu la galay. Wuxuu dareewalkii tahriibka (waa liibimadow oo jaadi ah, naxariisina agtiisa aaney soo marin) wuxuu yiri: gaariga hoos ka mara oo ciida ka qaada.

 

Gaarigii ayaan kasoo deganey intayadii wax qaban kartey, gaarigii ayaan hoosta ka galnay annagoo isku deyeyna inaan ciidda ka bixino, gaarigii kale oo 10 soomaalidaa iyo Eritereanka wadeyna wuu na ag taagan yahay wuxuu noo jiraa ilaa 200 tallaabo, iyadoo halkaa la joogo, waqtiguna kululyahay, saxaara cidlaana la joogo, ayaa Soomaalidii gaariga kale saarnayd iyo Eritreankii la socdey dagaal ka dhex dillaacay, hal mar ayaanu waxaan ku war hellay gaarigii kale oo dagaal ka huray, gacan iyo addinna laysku garaacayo.

 

War ma dadkii maatada ahaa ayaa diriraya? Waa haahey.. Soomaalidii halkan ciidda faraha kula jirtey hal mar ayey dhanka kale u yaaceen, si ay dagaalka uga qayb galaan. Markii raggii Soomaalida iyo Eriteriyaanka fooda is daray, ayaa labadii dumarna isku soo boodeen! mid timaha la jiido, iyo mid qaniinya lagu dhego, iyo mid hoosta la marsado ayey noqotay.

Nimankii tahriibka wadey dagaalkii waa qaboojin kari waayeen. Dabadeed mid ka mida ayaa gaarigii mooteeyey, dadkiina is haystey ayuu ku keenay inuu dul marsiiyo, markaas ayey kala carareen, wuu ku cayrsadey, oo marba dhinac ugu qaaday, ilaa fiin firirtay la kala noqday, oo gabar yar oo baabuurka korkiisa saarnayd oo 12 jir meeleheeda ah gaarigii dushiisa kasoo duushay, oo dhinac iyo garab ka jabtay, kuwii dagaalamayey markuu kala cayrshey ayuu intayadii gaariga kale hoos joogtey ku keenay, malaha wuxuu ku tashaday inuu qaar badan saxaaraha ku aaso!

 

 

Ilaahay ayaa naga sabata bixiyey, anigu waxaan dusha uga boodey dhagax weyn oo gaarigii soo mari waayey.

 

Markuu gaarigii joojiyey ayuu yiri: dhammaan wixii mindiya haysta halkaan hasoo dhigaan, qof mindi ama bir wax goysa wataa ma fuulayo gaariga. Qofkii juuq yidhaahda ama madaxa kor u qaada, wuxuu ku garaacaya tuubo dheer oo uu wato oo laba mitir ah. Hadduu hadalka sii badiyana gaariga ayuu ka tuurayaa. Waa dad aragoodu ku cabsi geliyo.

 

Ninkii gaarigiisa Jabhaddu qaadatay oo nala socda ayaa ugu naxariis roonaa. Isaga keliya ayaa ka tukan jirey nimankaas. Soomaalida oo dhan waxaa markaa ka tukanayey aniga iyo wiil kale, mid saddexaadna mar mar ayuu nala tukan jirey. Sidaa darteed ayuu ninkan Suudaaniga ee tukadaa mar mar ii naxariisan jirey, maadaama aan wada tukano (magiciisa Aadam ayaa la dhihi jirey).

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this