Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Salaad Cali Jeelle: Nimaan dhaxeynin

Recommended Posts

I know and very aware of his ugly actions during Xabashi occupation of Muqdisho in 2007, especially defending the indiscriminate shelling of suuqa Bakaaraha as a minister of then dowladii kumeelgaarka. Lately, he seems like he is redeeming himself when he keeps telling the failed politicians the reality of a new Soomaaliya. Some of them did not even want him to speak at the venue until Cali Mahdi forced them to listen to him.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuq hareeyey Shirka **** kadib markii Salaad Cali Jeelle Khudbad Lama filaan ah ka Jeediyey

salaadka.jpg

Buuq ayaa hadheeyay Shirka Mudulood markii la isku dayay in loo diido Salaad Cali Jeelle hadal jeedinta Shirkaasi.

Inkastoo Cali Mahdi Maxamed uu Salaad ku taageeray hadal jeedintiisa, haddane waxaa muuqanayay in Jawiga Shirka marqura isbadalay oo buuq billowday.

“Shirka hadduu shir ****yahay, sooma kaceen, laakiin doorasha laga hadlay, sidaas u soo kacay, doorasho dadban la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan” Ayuu yidhi Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle Isagoo hadlaka sii wata ayuu hadalkan ka jeediyay. “Xasan Sheekh 6 bilood inuu ku darsaday maad moogtihiin, Shariif inuu 1 sano ku darsaday maad moogtihiin. Madaxweyne Farmaajo anigaa la taliye u ah. Lakin Qof iyo Cod doorasho ah ayaa dalka ka dhaceeyso

“Waxaa la isku diray madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. Waa ogtihiin dadka ka shaqeeyay. Nabad iyo Nolol ayaa dalkaan ka taliso, Iyagaana amarka doorashada iskaleh”.

Salaad Cali Jeelle ayaa madasha ka yiri “uma maleeneyn in wahaabi mowlacaan iiga adkaanayo” faafaahin kale inkastoo uusan sii raacin.

Madasha shirkeedu qasan yahay waxaa jooga labadii Madaxweyneyaashii hore  Xasan Sh. Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeele oo ku baaqay in culeyska laga yareeyo Madaxweyne Farmaajo

Salaad Cali Jeele ayaa ku baaqay in culeyska laga qafiifiyo Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla-markaana ay dowladdu ka shaqeyneyso, sidii ay doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtigeeda.

Salaad Cali Jeele oo ka mid ah La taliye-yaasha Madaxweynaha Qaranka ayaa su'aal geliyay culeyska intaa le'eg ee lagu hayo dowladda haataan jirta, bacdamaa sida uu sheegay ay horeyba muddo kororsi u sameeyeen dowladihii hore.

"Xasan Sheekh inuu lix bilood ku darsaday maad moogtihiin? Shiikh Shariif Kampala Accord hal sano inuu ku darsaday maad moogtihiin? Soomaalinimadu cadaalad bay rabtaa." Ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Salaad Cali Jeele oo maanta ka hadlayay Shirka Beesha Mudulood ayaa yiri "Ninkan haddii ay u dhammaato uu farsamo la imaan waayo, isagaa laga rabaa."

Waxa kaloo uu yiri "Madaxweyne Farmaajo anaa la taliye u ah doorashada inay waqtigeeda ku qabsoomtaa ka shaqeynaa, laakiin dadkaan suggi karin oo fitno uun dawo u tahay ayaan anagu diidanahay. Ilaah baan idinku dhaarshee fursadiisa hala siiyo."

Jeele ayaa intaa ku daray "Hadda dhibaatada la geliyay, inta laga wacay meesha la yiraahdo Dhuusamareeb ayaa Ra'iisal Wasaarihii saaxiibka ahaayeen inta leesku diraa, la riday."

UniversalTv

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeelle oo 10 sano kadib xil muhiim ah looga magacaabay DF

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay.

“Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

“Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxaana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaaliya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle, waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay.

Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi.

Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taageersanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.