Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The Scaramucci of Soomaaliya

Recommended Posts

Cabdirisaq Caato oo noqdey Scaramucci-gii Soomaaliya

pjimage-1.jpg

Cabdirasaaq Xuseen Aadan, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Caato, ayaa shalay noqday mid ka mid ah raggii ugu cimri xilka gaabnaa siyaasadda Soomaaliya, markii laga qaaday xilka xoghayahii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo uu hayey toddobaad kaliya.

Cabdirisaaq Caato ayaa la mid noqday agaasimihii hore ee warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka Anthony Scaramucci, oo uu Trump xilka ka qaaday toban maalmood un markii uu xilka hayey.

Caato iyo Scaramucci ayaa arrimo badan isaga mid ah, sida in labaduba la magacaabay bisha July, xilkana laga qaaday toddobaad ama toddobaad un ka badan markii la magacaabay, iyo inay xilka ku waayeen fudeyd iyo qaladaad ay sameeyeen.

Sidee lagu magacaabay xilkana ku waayeen Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato?

Anthony Scaramucci

Madaxweyne Trump ayaa Scaramucci u magacacay agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad 21-kii July 2017. Magacaabistiisa waxaa ka hor yimid Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas Sean Spicer, oo isla maalintii la magacaabay ku dhowaaqay inuu is-casilay.

Sida ay xilligaas werisay New York Times, Spicer ayaa iscasilay marii uu Trump ku wargeliyey inuu kasoo horjeedo magacaabista Scaramucci. Madaxii shaqaalaha Aqalka Cad ee xilligaas Reince Priebus ayaa sidoo kale si xooggan u diiday magacaabista Scaramucci.

26-kii July 2017, Ryan Lizza oo ka tirsan wargeyska New Yorker ayaa shaaca ka qaaday inuu soo wacay Scaramucci uuna ka codsaday inuu u sheego cidda siisay xog ku saabsan khilaaf u dhaxeeyay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus iyo la-taliyahii Trump ee xilligaas Steve Bannon.

Maalin kadib Scaramucci ayaa twitter soo dhigay inuu wedyiistay FBI-da inay baaraan Priebus isaga oo rumeysan inuu yahay qofka xog maaliyadeed oo isaga ku saabsan uu siiyey wargeyska Politico. Qoraalkaas twitter ayuu daqiiqao kadib tiray.

28-kii July 2017, waxaa is-casilay Preibus, waxaana Trump uu isla maalinkaas madaxa shaqaalaha Aqalka Cad u magacaabay jeneralka howl-gabka noqday ee John Kelly.

31-kii July 2017, Trump ayaa xilka ka qaaday Scaramucci, kadib markii uu sidaas dalbaday Kelly. Kelly ayaa Scaramucci ku sheegay nin aan aadaab lahayn, fudfudud, oo lumiyey kalsoonidii lagu qabay, kadib markii toddobaad gudihiisa uu qaladaad badan sameeyey. Scaramucci ayaa 10 maalmood gudahood ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan Aqalka Cad.

Cabdirisaaq Caato

25-kii July 2020, Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa saacado kadib markii la magacaabay wuxuu isna Cabdirisaaq Caato oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Villa Somalia, si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka xoghayaha joogtadaha ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xilkan wuxuu u dhigmaa xilka agaasimaha madaxtooyada oo kale, waana shaqsiga kala wada dhammaan howlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, oo ay hoos yimaadaan shaqaalaha xafiiska.

26-kii July waxa uu Cabdirisaaq Caato billaabay olole uu doonayey inuu ku xisaabiyo dhammaan baabuurta aanay xabadda karin ee ay isticmaali jireen shaqsiyaadkii ku dhowaa ama la shaqeyn jiray ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre, isaga oo doonaya inuu ka wada qaado.

29-kuu July, qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay wajahayaan cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, oo kaga imanayey maamulka cusub.

31-kii July, waxaa is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaraaha Calinuur Salaad. Calinuur Salaad ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre. Calinuur ma sheegin in iscasilaaddiisa ay la xiriirto dhib uu ka tirsanayey Caato.

Galabnimadii 1-dii August, Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa xadgudub kula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada. Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Caato ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad uga carooday arrintaas ayaa u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka lagula kacayo raggii la shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Isla shalay galab, Madaxweyne Farmaajo waxa uu la xariiray sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dalbaday in Cabdirasaaq Caato uu si deg deg ah u bedelo, taasi oo Mahdi Guuleed uu horey ka fuliyey, xilkana ka qaaday Caato.

Cabdirisaaq Caato ayaa toddobaad gudihiisa ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan dalka.

Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Caato-ba waxay na barayaan cashar ku saabsan in marka xil lagu dhiibo, wax kasta oo aad horey maskaxda ugu haysayba, ay habboon tahay inaad marka hore sal dhigato, kadib qorshayaashaada aad tartiib u fuliso.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa keenay xil ka qaadista degdega ah ee C/risaaq Caato

Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in sababaha xil ka qaadista Xoghayihii KMG ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/risaaq Caato ay la xiriirto xadgudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ahaa ragga aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo maanta la isku dayay in gaari uu watay in lagala wareego.

Yaxye Cali Hareeri oo gaariga aan xabadaha karin la socday oo ku tagay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, waxaana markii uu ka degay, gudahana u galay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, ayaa waxaa markiiba gaarigiisa hareereeyeen Ciidamo uu soo diray C/risaaq Caato, kuwaasoo darawalka waday gaariga ku amray inuu ka dego, dabadeedna la wareegay.

Arrintan oo ay ka caroodeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa u tagay Madaxweynaha, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab dhaqanka qalafsan ee lagula kacayo raggii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, isla markaana C/risaaq Caato uu maalmahan beegsi iyo xadgudub ku hayay raggii la soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Intaas kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u amray in xilka laga qaado C/risaaq Caato, waxaana uu la xiriiray Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo durba xil ka qaadis la socotay iyo Magacaabis soo saaray, waxaana xilka si KMG ah loogu magacaabay C/raxmaan Mucaawiye oo horay u ahaa Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xigasho

________________

@Saalax, do you know this Caato dude? Ma tolka siihayaha ra'iisul wasaarahaa? Deg deg badnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhacdadii xilka looga qaaday Cabdirisaaq Caato oo la sheegay in uu amray Mahdi Maxamed Guuleed

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Doodda ku saabsan in shaqaalaha xafiiska, gaar ahaan kuwii ku dhowaa ra’iisul wasaare Kheyre, laga soo celiyo baabuurta ayaa keentay in xilka laga qaado xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato.

Cabdirisaaq Caato ayaa waxaa xilka ka qaaday Mahdi Guuleed, kadib markii la sheegay inuu ciidan ku dalbaday Yaxle Cali Hareeri, si uu uga qaado baabuur xabadda aysan karin oo dowladdu leedahay, hase yeeshee xubno ka tirsan xafiiska ayaa sheegay in Cabdirisaaq uu ahaa nin ku shaqeynayey amar ka sarreeya.

“Cabdirisaaq Caato, waxaa amray Mahdi Guuleed, markii arrintu dood dhalisayna asagaa ayuu eedda dusha u saaray, waa nasiib darro,” ayuu yiri qof ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuna dhow Caato.

“Cabdirsaaq kama suurtoobaan ficillo qalafsan. Waa shaqsi aad u afgaaban aqoon sare leh, shaqo yaqaan ah, haddana si xushmad leh ula macaamila dadka ay shaqo wadaagta yihiin, isagoo ammaan badan ku kasbaday howlihii uu ka qabtay madaxtooyada, oo uu ka ahaa agaasime ku xigeen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, shakhsiyaad ku dhow Cabdirisaaq Caato ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in amarka markii hore ka yimid Mahdi Guuleed uu ahaa qorshe iyo shirqool abaabulan oo ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin iyo xildhibaano doonayey in xilka laga qaado Caato, kuwaas ooh adda ku guuleystay sidaas.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is getting weirder.

Cabdirisaaq Caato oo markale loo magacaabay xoghayaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Cabdirisaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa markale loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib warqad ka soo baxday xafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale xil kii ka qaaday xoghayihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye oo xil kaasi hayey muddo 40 cisho ah, kadib markii la eryey Cabdirsaaq Caato oo hadane markii labaad loo soo magacaabay xil kan.

Caato oo muddo todobaad ka yar hayey xil kaasi ayaa sababta markii hore looga qaaday waxa ay aheyd xad-gudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee la eryey, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo markaasi waxaa jahwareer xoogan ka taagnaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo is-bedal deg-deg ah uu ku yimid markii la riday Khayre, waxaana isla habeenkii ku simaha loo magacaabay Mahdi Guuleed uu xil kii ka qaaday Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaasi.

Sidoo kale waxaa shaqada ka tegay inta badan raggii aadka ugu dhowaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo uu ka mid ahaa Cali Nuur Salaad.

Si kastaba ha’ahaatee lama oga sababta rasmiga ah ee hadda keentay in xafiiska Ra’iisul wasaaraha loogu celiyo Cabdirisaaq Caato, balse sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Caato wax shaqo kuma laheyn amarka ahaa in baabuurta aan xabadda karin dib loo soo celiyo, islamarkaana uu bixiyey sii-hayaha ra’iisul wasaaraha.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.