Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wasiirka kaliya ee diiday shirka golaha wasiirada tan iyo xil ka qaadistii Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa marna ka soo muuqan shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya tan iyo markii kalsoonida lagala noqday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in wasiirka amniga uu ka maqnaa labadii shir ee qabsoomay kadib riditaankii Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka. Waa wasiirka kaliya ee shirka diiday marka laga reebo wasiiro farsamooyin iyo howlo kale uga baaqday.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wasiirku uu madaxda qaranka u sheegay in uusan ku qanacsaneen qaabkii loo riday xukuumadii hore iyo sida ay hadda wax u wado Villa Somalia.

Weriyaheena magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale maanta xaqiijiyay in qof ka socda wasaaradda amniga uusan maanta goob joog aheyn munaasabaddii lagu furayay machadka sare ee daraasaadka amniga oo laga daah furay Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyrre, waxa uuna ka soo muuqday kaamirada isagoo buuq ka sameynaya fadhiga baarlamaanka.

Waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee ka tirsan xukuumadda Kheyre ee si shaacsan u diida xil ka qaadista Kheyre, kuna dhiiraday inuu mowqifkiisa caddeeyo, inkasta oo ay jireen wasiiro ku fakar ahaa balse aan mowqifkooda banaanka soo dhigin.

Villa Somalia ayaa aad uga carootay tallaabada Ducaale, waxaana maalmo kadib xil ka qaadistii Kheyre soo baxay warar sheegayey in Ducaale xilka laga qaadayo, waxayna u badan tahay inuusan soo gelin golaha wasiirada cusub, ee lasoo dhisayo marka la magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaa lagu tiriyaa inuu ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Ra’iisal Wasaare Kheyre. Waxa uu ka mid yahay wasiiro faro ku tiris ah oo aan la bedelin tan iyo markii uu xafiiska yimid Kheyre.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this