Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha oo ‘eray bixin cajiib ah’ u sameysay dowladda Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa erey bixin cajiiba u sameeyay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo muddo xileedkeedu ay ka hadhay bilooyin dhowr ah.

Madasha ayaa xukuumadda Farmaajo ku sheegtay mid ‘Xil-Gaarsiineed’ taasi oo ay ku macneysay inaysan xiligan laheyn awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah.

Dowladda Farmaajo ayaa muddo xileedkeedii waxa ka hadhay dhowr bilood, taasi oo kaga eeg horaanta bisha February ee sanadka 2021-ka.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay muddooyinkii dambe waday qorshe muddo kororsi, kaasi oo si cad uga hor imanaya heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulada dalka, iyo weliba baaqyadii kala duwanaa ee saamileyda siyaasadda.

Qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga ayaa dhawaan galaaftay xilkii ra’iisal wasaare Kheyre oo si lama filaan ah ay xilka uga tuuren xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya xukuumadda.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa isku mari waayey arrimaha doorashooyinka, taasi oo ugu dambeyntiina daaqada ka saartay xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaarihii hore ee dalku, Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Farmaajo ayaa wajaheysa cadaadisyo badan oo dhanka beesha caalamka iyo saamileyda siyaasada, kaasi oo aan la ogeyn inuu si dhab ah u horseedi doono inuu meesha ka baxo rabitaankiisa muddo kororsiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this