Sign in to follow this  
Deeq A.

Kilaaf xoogan oo ka dhashay ansixinta golaha adeegga Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen dhaleeceynta loo jeedinayo Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka ayaa waxaa arrintaasi si faah-faahsan uga hadlay, Maxamed Yuusuf Keynaan oo ah guddoomiye ku xigeenka maxkamadda gobolka Galgaduud.

Keynaan oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xaq u leedahay magacaabida Golahaasi, balse looga baahan yahay inay talo-geliso dowlad goboleedyada dalka, ururada bulshada rayidka iyo cid walbo oo ay duqeyso arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay khilaafka ka dhashay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka uu sababay xilliga lagu soo aadiyey oo uu dalku jiro marxalad kala guur ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo 30-kii bishii la soo dhaafay July Golaha Wasiirada xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay meel-mariyeen xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka dalka oo si weyn loogu dhaliilay, maadaama xukuumadda federaalka dhowaan lagala noqday codka kalsoonida, islamarkaana aan weli la soo dhisin xukuumad cusub.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this