Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka ku dhaqan Galbeedka Muqdisho oo qaati ka taagan taliyaha saldhig Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalmhan dambe qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo badaneyey jidgooyooyin lacago xad dhaaf ah dadka socotada ah iyo gadiidkaba looga qaado, taasi oo naloo sheegay in aysan dowladdu ka war qabin.

Melahaasi waxaa ka mid ah degmooyinka ku yaalla cirifka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi yaalla isbaarooyin sharci darro ah, dadkana lagu dhibateey.

Aagga dadkaasi lagu dhibateeyo waxaa maamullo oo isbarooyinkaasina ay hoostagaan sarkaal Boolis oo lagu magacbo Yuusuf Xundubey.

Degmooyinka Kaxdda, Dharkinley iyo Wadajir oo dhammantood dhaca galbeed Muqdisho ayuu mas’uul ka yahay Yuusuf Xundubey, sidaaas darteed cabasho dad-weyne oo soo gaartay Shabelle ayaa sababtay inaan ka war doono dhibaatooyinka ka jira halkaasi.

In kabadan 7 isbaaro ayaa waxay yaallaan galbeed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lacago xad dhaaf ah looga qaAdo maatidda ku safreysa halkaasi, waxaana intaasi sii dheer in ciidamo ka mara qata sarkalkan ay handadaad ku hayaa dad degan xaafaadahaasi, kuwaas loogu hanjabay in xabad looga saari doono guryahodda, sida ay Shabakadda Warbaahinta Shabeelle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Halkan hoose ka dhageyso codadka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WAR-KHADAR-DHIBATADA-SHACBKA-LAGU-HYO-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this