Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Gaashaanle Ismaaciil C/Maalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada ciidamada ururka 5-aad ee Danab.

Taliyaha wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay sarakiisha ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo, wuxuuna kala hadlay sidii loo fulin lahaa hawlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Taliyaha wuxuu u sheegay ciidamada iney dar-dar galiyaan hawlgallada dalka looga saarayo ururka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Jubbaland.

Al-Shabaab waxey badanaa weeraro ka geystaan deegaanada Jubbooyinka, waxeyna isku dayaan iney saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM mar walba beegsadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this