Sign in to follow this  
Deeq A.

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Xariga Ka Jaray Machadka Sare Ee Daraasaadka Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed , ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Mahdi Guuleed, ayaa lagu sheegay in ujeedada machadka loo a’saasay ay tahay kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga Waddanka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda ay dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga islamarkaana guul laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka.

2-1.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1 3-1.jpg?w=1000&ssl=1 4-1.jpg?w=1000&ssl=1 5-1.jpg?w=1000&ssl=1 6-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Xariga Ka Jaray Machadka Sare Ee Daraasaadka Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this