Xaaji Xunjuf

Ethiopia to upgrade its diplomatic office in Hargeysa Somaliland

Recommended Posts

WAJAALE NEWS

DAWLADDA ETHIOPIA OO XAFIISKEEDA HARGAYSA GAADHSIINAYSA HEER SAFAARADEED!

July 20, 2020 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N), Dawladda dalka Ethiopia ayaa xafiiska Arrima Ilaaliyaha  (Mission) ee ay ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaadhsiinaysa heer Safaaradeed (Embassy), Sidaana Waxa Arabsiyo Online u sheegay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Debadda ee Ethiopia iyo Somaliland, kuwaasi oo codsaday in aan la magacaabin.

Sida ay Saraakiishani sheegeen, talaabadani ay dawladda Ethiopia qaadayso, waxay ka dambaysay ka dib markii ay todobaadkani dhexdiisa wada hadalo dhinaca Telefoonka ahi dhexmareen masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Ethiopia.

Wada hadaladani ayaa la sheegay inay salka ku hayeen, ka dib markii ay dawladda Ethiopia ka shakiday ujeedada Wefti  heer sare ah oo booqasho dhawr maalmood qaadatay ku yimid Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debada ee Jamhuuriyadda Somaliland  Liibaan Yuusuf Cismaan oo waraysi arrintani la xidhiidha siiyay Wargeyska Daily  News Egypt oo ah maalinle madax banaan oo ka soo baxa dalka Masar, waxa uu sheegay inay Somaliland  iyo Masar  isla soo qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen is-dhexgalka  dhinaca ganacsiga, gaar ahaana xoolaha iyo  Beeraaha.

https://dailynewsegypt.com/2020/07/18/somaliland-says-keen-on-stronger-ties-with-egypt/

Sidoo kale Mr. Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir KU xigeenka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha D ebada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ka jawaabaay su’aalo la  xidhiidha in imaatinka  weftiga Masar ee Hargeysa  ay cabasho ka muujisay dawladda Ethiopia, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “waxaanu wada xaajood la geli  karnaa dal kasta oo aanu danahayaga kala hadli karnaa, taasi waa shaqadayada’” ayuu y idhi, Wasiir ku x ixgeenku. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Xidhiidhkayaga Masar wax dhaawac ah u geysn maayo, xidhiidhka aanu la leenahay Ethiopia, waxaananu ugu baaqaynaa labada dhinac ee Ethiopia iyo Masar in  khilaafkooda dhinaca Biyo  XIdheenka Ethiopia inay wada hadal ku dhamaystaan, haddii loo baahdana annaga laf ahaantayadu  waanu dhex-dhexaadin karnaa, maadaama oo aanu khibrad u leenahay xalinta khilaafaadka” .

Hase yeeshee, dawladda Ethiopia  ayaa sida ay wararku sheegeen waxa  ay bilawday sidii ay kor ugu qaadi lahayd xidhiidhka saaxiibtinimo  ee ay la l eedahay Somaliland, tan  iyo markii ay  Jamhuuriyadda  SOmalilanad  Madax Banaanideeda kala soo noqotay dalka sannadkii 1991-kii oo  ay ahayd d awladda  keli ah ee iyadu goob joogga ka ahayd goobtii lagaga dhawaaqay madax  banaanida Somaliland ee magaalada  Burco, halka ay  dawladda Masar oo waqtigaasi doonaysay inay  wefti u soo d irtana  la sheegayy in loo diidday  saababo la xidhiidha taageero military oo ay siin  jireen d awladdii hore ee Maxamed SIyaad Barre oo xasuuq  baahsan ku  haysay dadweynaha Somaliland sannadihii  sideetamadii..

Maamulkii  xilligaasi ee dalka Massar waxa uu talaabadaasi kaga jawaabay inuu u ololeeyo go’aamo go’doomin ah  oo ka dhan ah madax banaanida Somaliland oo  uu ka ansixiyay ururkii midnimada  Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba, aakhirkiina Qaramada Midoobay.

Isku soo duuboo, khubarada caalamiga ah ee ka faaloodda arrimaha GObolku waxa ay ku sheegeen xidhiiddhka Cusub ee Somaliland Iyo Masar, mid ay ku doonayso inay noqoto dal samaysanaya saaxiibo cusub, isla markaana aan luminaayn saaxiibadiisii  hore.

  • Like 1
  • Thanks 1
  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.