Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu aasay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo Aaskiisa ay ka qeybgaleen, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa aaska Marxuumka ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Isimo iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu Aasay qubuuro ku yaala dhanka bari ee magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal.

Meydka Ra’iisul Wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe.

Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu Wasiirka koowaad ka soo noqday  dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Marxuuma Xasan Abshir ayaa sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday Xildhibaan Qaran.

 

2eca3606-f591-442a-9286-e8b03e10e77f.jpg4f9896c5-484c-4631-aec2-4ef916a6ddda.jpg 8fe06cef-f61d-4564-b737-fe53aacb835f.jpg 054c8df5-80bc-4ca0-90b4-78fa6e53fc04.jpg 93ec1212-100a-4697-9381-099ed8c456b6.jpg 823a53fa-b113-435f-a42c-fa67be4d056a.jpg 5230d063-8755-489b-b41e-ea527ecfdc4b.jpg a9de9534-bb0c-4316-a3fa-84f75af9912f.jpg a48c5dfc-707c-4b94-bb00-eba33e5bc4e8.jpg b72016d9-3ada-44f0-831d-9a141d8afe54.jpg d973a3e5-dcd6-4e2c-88ad-7d5956287cdc.jpg d6512701-3675-4626-95fc-de05b5402368.jpg ea1451f7-b6c6-4af0-86a8-9bc2f7f08873.jpg

109697539_3237173929667753_6441260288391

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this