Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Ganafka ku dhufatey Go’aan xasaasiya oo ka soo baxay Dawladda somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland oo Ganafka ku dhufatey Go’aan xasaasiya oo ka soo baxay Dawladda somaliawhatsapp sharing button
email sharing button
2020716637304877111275923.jpg

Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo ah in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada  Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. 

Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanu qabin covid19, loo aqoonsandoono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baadhista Covid19.

 

16/07/2020: WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Caafimaadka DFS waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya Shaybaarka Qaranka pic.twitter.com/8MC2axMFDu

— Ministry of Health- Somalia (@MoH_Somalia) July 16, 2020

Balse, qoraal kasoo baxay  Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland leedahay shaybaaro lagu baadho cudurka Covid19 islamarkaana cid walba oo Puntland ka duulaysa ay heli karto shahaadadaas.

Puntland waxay sheegtay in ay magaalooyinka Garowe iyo Bosaso yaaliin shaybaaro caalamku aqoonsan yahay, sidaas darteedna uusan iyagu khusayn go’aanka dowladda federalka kasoo baxay.

Dhowaan, dalal badan oo deris la ah Soomaaliya iyo kuwa ka fogba waxaa dib u furayaan hawadooda, balse sharuudaha lagu xidhay shirkaddaha duulimaadyada ayaa ah in cid aan sidan shahaadada baadhista covid19, lasoo qaadi Karin.

Sidaas darteed, qof kasta oo Soomaaliya ka dhoofaya ayay khasab ku ahaan doontaa in uu qaato shahaadadaas caafimaad, taasina waxay keeni kartaa in qofku bixiyo khidmad uu ku dalbado.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this