Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaafkii Xaaji Muuse Suudi iyo Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo la xalliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada beel weynta Mudullood ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaaf aad u culus oo soo kala dhaxgalay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu xaliyay khilaafka labadaan mas’uul iyadoo ay goobjoog ahaayeen siyaasiin iyo shaqsiyaad miisaan culus leh.

Waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa qeyb ka ah in qabashada shirka Mudullood aan la siyaasadeynin, islamarkaana loo dhiibo culimada, si looga madaxbaneeyo arrimo siyaasadeed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa culimada u sheegay in Mudullood uu ka socon la’yahay shaqsiyaad dano gaar ah leh oo ku xiran Villa Somalia, taasina ay tahay in meesha laga saaro.

“Waxaan idin leeyahay Allah ha idin fududeeyo, laakiin ogaada dad naga mid ah ayaa rabin midnimada Mudullood,” ayuu Senator Muuse Suudi Yalaxow u sheegay culimada loo dhiibay hoggaanka shirka Mudullood.

Sidoo kale, culimada Mudullood ayaa xaliyay tabashooyin kale oo ay dhinacyo qabeen iyagoo sidoo kale la kulmay Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Wasiirka amniga iyo mas’uuliyiin kale.

Mudullood ayaa hadda rajo wanaagsan ka qaba qabsoomidda shirkan oo ah mid la kulmaya cadaadis badan oo dhanka dowladda ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this