Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u raxmado Xasan Abshir Faarax

Recommended Posts

Xasan Abshir Faarax: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Turkiga

xasan.jpg

Ra'iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu BBC-da u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Jaamac Cabdilaahi Maxamed.

Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da.

"Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay", ayuu yiri Jaamac.

Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra'iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay. Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah.

Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sanidihuu u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin.

Taariikh nololeedkiisa oo kooban:

Xasan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii.

1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray

1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da'da Yaraa

1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas'aasayaashii Dowladda Puntland .

2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wasaare.

2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay VOA u sheegeen ehelladiisa.

Xasan Abshir Faarax ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa 77 sano jir.

Xasan Abshir waxa uu xilal ka duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isgaoo soo noqday Ra’isul Wasaare xilligii dawladii Madaxweyne Cabduilqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale Xasan Abshir Faarax waxa uu soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Sannadihii u dambeeyey Xasan Abshir Faarax waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka hor intii uusan ka fariisanin siyaasadda.

Dhinaca kale waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday xalay Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa jagadaasi ka beddelay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed markii u noqday madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2004-ka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.