Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

What is cooking in Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Khilaafkii u dhexeeyey dowlada dhexe iy maamul goboleedyada oo la xaliyey

Madaxda-Soomaalida.jpg

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia.

Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in dadaal badan oo la sameeyey kadib meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Deni ayaa intaasi ku daray in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala warrami jiray, balse ay haatan dhammaatay, islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan labada dhinac.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la joogo xilligii Midnimada,loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee Dhuusamareeb

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee la filayo in saddex toddobaad kadib uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in shirkaas ay ka qeyb-galaan xubnaha mucaaradka dowladda ee kala hoggaamiya xisbiyada dalka ka jira.

Maareeye ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo geba-gebeeyey Dhuusamareeb ay dhinacyadii ka qeyb galay ee madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada dalka, oo muhiim u ah siyaasadda dalka.

Waxaa uu sheegay inay waajib aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu si cad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan.

Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, islamarkaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in xisbiyada mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la filayo in uu 15-ka Bisha Agaust ka dhaco magaalada Dhuusamareeb.

Hadalka Maareeye ayaa imanaya xilli ay isbedello ay ku yimaadeen aragtidii Villa Somalia ee doorashooyinka dalka. Horey ayaa madaxweyne Farmaajo u diidanaa inuu maamul goboleedyada kala hadlo doorashada, isaga oo ku doodi jiray inay matalaan xildhibaanadooda, taasi oo ugu dambeyn uu ka tanaasulay kadib markii uuu ka qeyb-galay shirka Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celisay in dowladda ay doorashooyinka kala tashato dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana hadda muuqata in ugu dambeyn ay dowladda qaadatay taladaas.

Shirka 15-ka August ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo, ayada oo ay kasoo shaqeyn doonaan guddi dhowaan la dhisayo oo ka kooban dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Share this:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir afar geesood ah oo ka socda Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan shir gooni u socdo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kaas oo ah mid saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa caqabadaha hortaagan furitaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb,sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kaloon yahay oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

Wararka qaara ayaa sheegaya in shirka sababta uu u furmi la’yahay ay tahay maqnaasha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin caasimada Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa safar ugu maqan dalka dibaddiisa, gaar ahaan magaalada Niarobi oo uu qaliin caafimaad ku galay, halka Deni oo weli ku maqan dalka Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa la filayaa inay soo gabagabeeyaan socdaalladooda, kuna biiraan shirka Dhuusamareeb 3, walow ay saluug ka muujinayaan shirkaasi.

Tan iyo xalay ayaa waxaa mashquul badan laga dareemayaa madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo ku wada hoydeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo shalay gaaray magaaladaasi.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid xasaasi u ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii ka dhacay Dhuusmareeb 

Madax-goboleedyada.jpeg

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxda ay iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni.

Waxay sidoo kale si wadajir u cambaareeyeen weerarkii gaadmada ahaa ee argagixisadu ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.

“Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.”

Shirkan ayaa imanaya ayada oo madaxda maamul goboleedyada Jublanad iyo Puntland ay ka maqan yihiin kulamada. Puntland ayaa xalay si rasmi ah u qaadacday shirka, waxayna shuruudo adag ku xirtay ka qeyb-galkiisa. Halkan ka aqriso qoraalkaas.

 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe iyo Deni oo ka war helay dabin siyaasadeed uu u dhigi rabay Qoorqoor

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, mowqifkii Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo ay ku mideysnaayeen dhammaan madaxda maamul Goboleedyada  ayaa si lama filaan ah isku badalay kadib markii uu heshiis hoose la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxweynaha Soomaaliya la galay heshiis ah in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabo shakhsi uu isaga wato taas badalkeena uu Axmed Qoorqoor ballan qaaday inuu madaxda Maamul Goboleedyada ka dhaadhicin doono inuu dalka aado doorasho qof iyo cod ah si taas loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in Dowladda hadda jirto la siiyo muddo 2 sano ah.

Heshiiska ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhigaya in uu madaxweynaha Galmudug soo gudbiyo liiska shakhsiyaadka uu doonayo in loo magacaabo xilka Ra’isulwasaraha isla markaasna uu madaxweyne Farmaajo ka doorto qofka uu rabo, waxayna xogta sheegeysaa in Qoorqoor uu gudbiyey liiska illaa 5 musharax oo kasoo jeedo Beeshiisa ****.

Tan iyo markii uu Qoorqoor heshiiskaan la galay madaxweyne Farmaajo, wuxuu bilaabay dadaal ku aadan inuu ka miro dhaliyo waxyaabihii ku qornaa heshiiska, wuxuuna shirar kala duwan la yeeshay Guddiga Farsamada doorashada oo ay ka maqan yihiin kuwa matalayey Jubbaland iyo Puntland illaa uu Xalay Dhuusamareeb kaga dhawaaqay inuu furan yahay shirkii Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe xilli ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Deni.

Madaxweynaha Galmudug oo kaashanayo Dowladda Dhexe ayaa ku guuleystay in madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed lagu qanciyo inay taageeraan qorshaha muddo kororsiga ee Dowladda Soomaaliya taas badalkeedana iyagana loo ballan qaaday in la siiyo lacago iyo in Madaxweynaha Hirshabelle laga caawiyo sidii uu mar kale xilka ugu soo laaban lahaa.

Axmed Qoorqoor oo taleefoon kula hadlay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ku guuldareystay in Axmed Madoobe iyo Deni ay kasoo qeybgalaan shirka Dhuusamareeb3 taas badalkeedan ay soo saareen go’aano culus oo ay ku diideen shirkaas.

Illo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimadda Online u sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay fahamsiin yihiin heshiiska ay gaareen Qoorqoor iyo Madaxweyne Farmaajo, shirka Dhuusamareebna uu yahay shirqool siyaasadeed oo la doonayo in loo dhigo, sidaas darteedna aysan marnaba ka qeyb geli doonin shirkaas illaa laga helo Xukuumad heshiiska la galo fuliso iyo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto waxyaabaha lagu heshiinayo.

Maamul Goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku heshiiyey in shirka la furo isla markaasna laga soo saaro war murtiyeed iyo is faham ku aadan nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonto inkastoo uu jiro cadaadis ka imaanayo beesha Caalamka oo u aadan in shirka uu noqdo mid ay ku dhan yihiin dhammaan maamul Goboleedyada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is had to believe the above machiavellian treachury, but Farmaajo has shown complete dishonest in implementing the DM agreement with state governers.Sadly this will not work and he will not be able to extend his term. He had enough time of 4 years to make major accomplishment such as defeat of Shabaab and removing foreign troops from Somalia and he utterly failed .The elections will and should be held on time. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

International partners encourage participation by all leaders in crucial elections meeting

Somalia’s international partners (listed below) welcome the arrival of the Federal Government leadership and that of several Federal Member States in Dhusamareb, on 15 August, to begin their follow-up meeting, as scheduled.

They also welcome the commencement of work by the joint technical committee tasked with developing options for a compromise electoral model for consideration by the leaders.

The partners strongly encourage Federal Member State leaders who have yet to join the meeting to directly engage with their colleagues now in Dhusamareb to resolve any outstanding issues in order that all may participate.

The partners emphasize that the participation of all leaders in this summit is critical to sustain the consensus-building process and produce a broad-based agreement on modalities for the 2020/21 federal elections that satisfy all Somali stakeholders. 

They remind all leaders of the importance of safeguarding Somalia’s state building progress and honoring previous commitments.  

In this regard, the partners once again stress that any attempt by a single stakeholder, or a few stakeholders, to impose electoral modalities will lack legitimacy and will not be implementable without the essential support from all other stakeholders.

The partners are closely monitoring developments in Dhusamareb and follow up on the actions agreed and stand ready to offer such support as may be requested by all participants to facilitate implementation.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.