Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

What is cooking in Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Jartii loo degay mee ku dhici rabaan odeyaasha maamul goboleedka? Mise madaxda qaranka ayaa siriq loo dhigaayaa. We will see.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta u safraya Dhuusamareeb

KH-1.jpg?ssl=1

Warar laga helayo ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxay HOL u xaqiijiyeen in la filayo maanta in uu u dhoofo magaalada Dhuusamareeb ra’iisul wasaaraha, isagoo aqbalay casuumaaddii ay u sameeyeen madaxda maamul Goboleedyada dalka, isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo halkaasi uu uga socday shir looga hadlayo arrimaha masiirka qaranka iyo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isagana aqbalay inuu ka qeyb-galo shirka ka soconaya magaalada Dhuusamareeb, Wararka madaxtooyada laga helayo ayaa sidoo kale qeexaya in uu madaxweynahu u dhoofi doono magaalada Dhuusamareeb Khamiista soo socota.

Habeen hore ayaa waxay madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ay soo saareen war saxaafadeed 4 Qodob ka kooban , kaas oo ah mid kamid ah qodobada uu dhigayay in ay casuumeen madaxda dowladda Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan shir looga hadlayo xaaladda dalka oo ka dhacaya Dhuusamareeb.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey safarka madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb

Farmaajo-1.jpg

Saacadaha soo socda waxa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu wadaa inay gaaraan wafdi hordhac u ah madaxweyne Farmaajo, kaasi oo dhawaan safar ku tagaya magaaladaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn looga dareemaya qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo, xili ay maanta tagi doonaan wafdigaasi hordhaca u ah madaxweynaha, kuwaasi oo ay kamid yihiin ciidamada ilaalada u ah.

Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, xili ay ku sugan yihiin Kheyre iyo xubno sarre oo maamulada dalka ah, kuwaasi oo hore shirar ugu socdeen.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna shalay tagay magaalada Dhuusamareeb, isagoona kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madaxda maamulada dalka, ka hor inta aysan maanta u safrin Garoowe.

Kulamada Kheyre ayaa ahaa kuwo loogu gogol xaadhayo shirka lagu wado inuu dhawaan dhex-maro dowladda federaalka iyo maamulada dalka, kaasi oo qeyb ka ahaa war-murtiyeed ay soo saareen madaxda maamuladu.

Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ka wada-hadli doona arrimaha doorashooyinka oo xiligan taagan iyo sidii ay xiligeeda ugu qabsoomi laheyd, isla markaana looga baaqsan lahaa muddo kordhin.

Shirkaasi ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la go’aamin doono marka Madaxda maamul goboleedyadu ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ay u tageen magaalada Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khayre iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo tegaya Garoowe 

Kh-1.jpg

Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Qaban-qaabada iyo soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Ujeedada socdaalkan wafdigan ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeybgalaan Aaska ra’iisul wasaarihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya,Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Maxamed Cabdi Xaashi oo ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo muddooyinkan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa shalay ka baxay magaaladaasi, si uu qeyb uga noqday diyaar garowga aaska qaran ee loo sameynayo mas’uuliyiintaasi oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmnudug oo marti loo yahay.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid horudhac u ah midka ay dhowaan Dhuusamareeb ku yeelayanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka, shirkii dhawaan ku soo gaba-gaboobay Dhuusamareeb, wajiga labaad ee kulanka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo qodobo kale.

Waa shirkii ugu horreeyey ee ay yeelanayaan labad dhinac, kadib warmurtiyeedka sabtidii ka soo baxay shirka madaxda maamulka goboleedyada dalka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiye Xaliimo Yarey oo gaartay magaalada Dhuusamareeb 

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleeyada Galmudug.

Xaliimo Yarey ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya xubno ka tirsan guddiga qaran ee doorashooyinka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Gamudug.

Ujeedka safarkeeda ayaa sidoo kale salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda ku sugan magaaladaasi.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shirar looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashada waxaana ku ballansan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid isku cakarin, iyada oo lagu guda jiro marxalad kala guur ah.

Si kastaba ha’ahaatee dhowaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa shaaciyey in aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan wada-tashi guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo caawa kulan la leh 100 xildhibaan 

Farmaajo-1.jpg

Ku-dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa hadda madaxtooyada kulan kula leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaanadan ayaa Madaxweynaha kala hadlaya arrimaha doorashada dalka iyo hanaanka ay ku dhaceyso, waxayna diidanyihiin sida aan xogta ku helan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.

Xubno ka tirsan xuldhibaanadan waxay noo sheegeen in Maadaxweynaha ay ugu tageen inuu u cadeeyo mowqifkiisa ku addan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Xildhibaanadan ayaa ku doodaya in la fuliyo sharciga doorashooyinka dalka, isla markaana ay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah, sida ku cad sharcigaas oo kol sii horeysay baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay kulankii golaha ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dhawaan isku raaceen madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku baaqay in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban. Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

MURSAL oo ku dhowaaqay go’aan culus: “Marnaba ma aqbaleyno doorasho dadban”

maxresdefault.jpg

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si adag uga hor yimid go’aamadii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa jogaay kulanka ay Baarlamaanka uga hadlayeen maanta Akhrinta labaad ee dib u eegista sharciga xisbiyada dalka, wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan aheyn wax la aqbali karo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban.

Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in Maamul Goboleedyada aysan xaq u laheyn iney go’aan ka gaaraan jihada loo marayo doorashada dalka, taa badalkeeda ay iyagu masuul ka yahiin wax walba.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Gudoomiye Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha shacabka oo ku sugan Dhuusamareeb uusan matalin Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb,” ayuu yiri xilli wajigiisa laga dheeha karay carada uu ka qaaday safarka Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ee Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb dhawaan ka dhacay waxaa la isla gartay in dalka galo doorasho dadban, tiiyoo ay jirto in Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha lagu casuumay.

Xasan Cali Kheyre ayaa goor hore tagay Galmudug halkaas oo uu kaga sii gudbay Garowe, halka madaxweyne Farmaajo la filayo inuu wakhtiyada soo aadan gaaro halkaas.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda-dalka.jpg

Xog ku saabsan kulankii dhex-maray madaxda DF iyo madax goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu wehliyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Dhuusamareeb ku yeeshay kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.

Wararka aan ka helayo kulanka ayaa sheegaya inay u badan tahay in kulanka weyn ee looga hadlayo xilliga kala guurka uu dhici doono maalinta berri oo Talaado ah.

Sidoo kale warar kale oo la isla dhex marayo, oo aan weli xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka weyn ee berri dhici doona uu yahay mid hal maalin ah oo khudbado ay ka jeedinayaan madaxda, kadibna Guddi Farsamo oo heer Wasiiro Federaal iyo Dowlad Goboleed loo saari doono wada xaajoodyada, kaddibna la soo go’aamin doono kulan kale oo la isu imaan doonaan oo aan caddeyn halka uu ka dhici doono.

Guddiga heer wasiir ee la filayo in la sameeyo ayaa la sheegay inay kasoo talo bixin doonaan hab doorasho oo dhinacyada ay isku raaci karaan oo dalka laga qbato.

Kulanka maanta, ayaa ka dambeeyay kulamo gaar gaar ahaa oo xalay illaa shalay ay yeelanayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deni ma wuxuu bedelayaa mowqifkiisa ku aadanaa nooca doorasho ee dalka?

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan hanaanka doorashada qof iyo cod ee ay waddo VILLA SOMALIA, isagoona muujiyey dabacsanaan badan oo ku aadan qorshahaasi.

VILLA SOMALIA ayaa si weyn ugu adkeysaneysa inay dalka ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay xeelad uu Farmaajo ku rabo muddo kororsi.

Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inuusan marnaba ka soo horjeedin in la raaco hanaanka doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo go’aamadii shirka madaxda maamulada lagu soo saaray inaysan marnaba suurta-gal aheyn.

Deni ayaa si dad-ban usoo bandhigaya tanaasul dabacsanaan ah oo uu ka muujinayo qorshaha VILLA SOMALIA, inkasta oo uu sheegay in uu diidan-yihiin in la isku dhex qaldo qoorasho qof iy cod ah iyo nidaamka u baahan in laga gudbo ee 4.5.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in daruufaha xiligan ka taagan gudaha Soomaaliya ee kamid tahay amnigu uu suurtagal ka dhigeyn in doorasho qof iyo cod ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay doortaan cidii ay doonaan.

Deni ayaa u muuqda qof kasoo dabcaya mowqifkiisa ku aadanaa nooca doorasho ee dalka, kaasi oo uu hore meel adag iskaga taagay.

Hadalka Deni ayaa sidoo kale u muuqan kara mid laab xaadasho oo ku aadan shirka ay isku hor-fadhiisanayan madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo cadeynta in Puntland aysan kasoo horjeedin hanaanka doorasho ee qof iyo cod ee baarlamaanku ansixiyey, balse xiligan caqabadaha ku gadaaman aysan saamaxayn.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cumar Filish oo laba jeer xanuun uga baaqday safarka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa laba jeer uu xanuun uga baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusomareeb.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay duqa Muqdisho uu shalay iyo maantaba ka baaqday safar uu ku aadi lahaa Dhuusamareeb, sababo la xiriira xanuunkan.

Sidoo kale xogta aan ku helnay xanuunka guddoomiye Cumar Filish ma ahan mid darran, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, ayada oo qaarkood ay sheegayaan inuu gaas ku kacay, halka qaar kalena ay sheegayaan inuu isku arkay qandho.

“Waa xanuunsan yahay balse ma ahan mid darran, shalay iyo maantaba waan ka baaqanay safarka sabab arrintaan la xariirta,” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxyaabaha adkeeyay in la helo warbixin dhameystiran oo xaaladda guddoomiyaha ah ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Guddoomiyaha uu waayahaanba ku shaqeynayay gurigiisa maadaama uu dhismo ku socdo xarunta gobalka.

Si kastaba, Cumar Filish ayaa la filayaa inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb kana qeyb-galo shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo kulan dhacay caawa mar kale ku celiyey rabitaankiisa ah doorasho qof iyo cod ah oo dhacda

dc16974d-9319-4fc7-8f90-5aa4206c6dad.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda doorasho qof iyo cod ah in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

Farmaajo ayaa hadalkan sheegay isaga oo hoggaanka ururada Bulshada Rayidka kula kulmay magaalada Dhusamareeb, wuxuuna uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay uga shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.”

Ugu dambeyntii qoraalkan ka soo baxay Villa Somalia waxaa lagu yiri, “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.”

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa ku wada sugan Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in halakaasi uu uga furmo maalmaha nasoo aaddan wajiga labaad ee shirka wadatashiga, oo diiradda lagu saarayo arrimaha ku geedaaman ka wadashaqeynta siyaasadda dalka oo ay ugu horeyso doorashada soo socota.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mowqifka Farmaajo kadib kulamadii dhacay

Farmaajo-4.jpg

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka.

Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo.

Arrintan ayaa loo fasirtay in madaxweynaha uu raadinayo waqti kordhin hey’adaha dastuuriga ah si ay u suuro-gasho doorasho qof iyo cod ah. Muddo kordhinta ayaa noqon karta inta ay guddiga doorashada dalbadeen ama ka badan oo ah ilaa laba sano.

Dhankooda, madaxda dowlad goboleedyada ee la kulmay madaxweynaha iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ah waxaa ay madaxweynaha u sheegeen in laga tashto jidka ugu haboon ee doorasho loo geli karo, loona baahanyahay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda.

Caqabaddan oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee hortaagan inuu shirka furmo ayaa laga shaqeynayaa in laga gudbo, oo lagu qanciyo madaxweyne Farmaajo in xilligan aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah, loona baahanyahay in laga tashto badal fiican.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey kulan caawa ka socda Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay mar kale caawa u socdo kulan kadib kulankii halkaas ku dhex-maray maanta.

Kulankii maanta ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Sida aan xogta ku helnay kulanka maanta ayaa doodo adag oo ku saabsan doorashada ay harreeyeen, ayada oo aanay jirin wax isfaham ah oo laga gaaray ajendeyaasha kulanka weyn ee la filayo inuu berri furmo.

Kulanka caawa socda ayaa la sheegay in ujeedkiisa uu yahay in wixii maanta aan la isku fahmin xal laga gaaro, si kadib shirka si rasmi ah loogu furo berri.

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah in ayada oo wax la isku raacsan yahay la tago shirka weyn, maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin.

Dhinaca wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka, taasi oo ah caqabadda taagan.

Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.