Sign in to follow this  
Mizz-HurriCane

AL WADUUD AYAAN KU DHAARTAY ... This is the REAL LOVE...!!

Recommended Posts

sallamu calykum

 

Waa in aan idinla qaybsadaa This mail by my muslim brother..

Wusu soo qoray......!!!!!!

 

Waxa mahadleh Ilaahay (SW) Nabi Maxamedna N.N.K.H iyo asxaabtiisi iyo ehelkiisi iyo intii xaqa ku raacaday ilaa maalinta qiyamaha.

 

Maxaad tahay Jacaylow? Waxa weeye Jacayl iyo wixii la jeclaaday laakiin taas way ka balaadhan tahay wayna ka mugwayn tahay, jacaylku waxa weeye kalgacalka dhex yaala gabadha iyo ninkeeda taas uu illaahay inooga waramay Illaahay (SW) waxa uu yidhi “AAYADA ILLAAHAY WAXA KA MID AH IN UU INA ABUURAY NAFIHIINANA KA ABUURAY LAMANAYAAL SIDAAD UGU DAGTAAN IDINKANA YEELAY DHEX DIINA KALGACAL IYO NAXARIIS TAAS WAXA KU JIRA AYADO DADKA FIKIRAYA”{Suuratul Ruun-21}

 

Waxa ay isku waafaqeen mufasiriintu in uu yahay muwadadu jacaylka uu u qabo ninku gabadhiisa ama ay gabadhu u qabto ninkeeda sidoo kale ibnu cabaas (RC) waxa laga weriyay in uu yidhi:- kalgacalku waa jacaylka uu u qabo ninku gabadhiisa Naxariistuna waa u naxariisashada uu u naxariisanayo iyada in aanu wax xumaan ah aanu taabsiin.

 

SIRTA GUUSHA EE LAMAANAHA

 

Hadii uu guriga uu ay soo dhex gasho is jacayl iyo is adeecid oo illaahayna waafajiyo taasi waxa ay ku yeelanaysaa qoyska raadwayn iyo isku soo dhowaasho labada qof sidoo kale adeecida illaahayna iyaduna raadwayn ayay ku yeelanaysaa sida ay xumaantu ugu yeelanayso raadwayn mushaakilka iyo khilaafka halkaa yimaada iyo iswaafaqla’aanta labada qof illaahayna waxa uu yidhi (SW) “IDIMA HELEELAAN DHIBAATO WAXAY GACMIHIINU SHAQAYSTEEN MOOYANE IN BADANA WAA LA IDINKA DHAAFA” {Suuratul Qasas-30}

 

Ibnu Qayimi illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi:- kalgacaylka ninka iyo gabadhiisa miyaa? Hadii aanu jacayl jiri lahayn waxa natiija ah muu yeelan lahayn dhamastirka jacaylkuna illaahay waxa uu inoogu dhamaystiri ayaada aanu soo sheegnay, Ibu Qayimi waxa uu jacaylka u qaybiyay laba qaybood 1.Jacayl faa’iido leh 2.Jacayl dhibaato leh, jacaylka faa’iidoda lihi waa jacaylka gabadha iyo waxa ay hantiyeen taas ayaa ah jacaylka dhabta ah waana kuu illaahay sharciyeyay ee guur leh iyo ku dhoorsanaanta aad ku dhoorsanaatid wixii ay gacmahaagu hantiyeen ee adoomaha ah, markasta oo uu jacaylku ahaado nin iyo gabadhii wuu xoogaystaa waanu dhamaystrimaa ujeedada looga jeedana waa taa.

 

Sababta aynu ku keenay mawduucan

 

QODOBKA KOWAAD

 

Waxa aan u fiirsaday xalada dadka is qaba markii aan waydiyay su’aalo badan la ina soo bandhigay mushaakilaad badan oo ku saabsan arinkooga markii aan u fiirsaday waraysiyo badana aan la yeeshay waa mushkulada ku soo noqnoqnaysaa lamanayaasha is qaba.

 

Waa maxay mushkiladaasi? Waxa weeye kalgacalkii iyo jacaylkii labada qof ee is qabay oo gaadhay heer uu ka maqan yahay meesha ama uu kala go ku dhacay, Sababaha ugu waawayn ee keena kala go’a iyo khalkhalka nolosha labada qof ee is qaba kuna keena in ay dhibaatadu ku badato waxa weeye waxaynu ku nool nahay casri ay ku badantahay qalabka is gaadhsiintu si wayna ugu faaftay sidoo kale door waynay ka qaadanayso faafinta ay faafayaan fidmada jacaylka iyo mugdiga jacaylku leeyahay.

 

QODOBKA LABAAD

 

Adadeega ay wataan dareenka lamanayaashu iyo iyagoo aan cabireen dareen kalgacayl ama jacayl wata oo midba midka kale tusayo hadii uu heloba jacaylku, dareemadani waa qaar ku culus carabka in uu soo saaro laakiin carabku garanayo.

 

QODOBKA SADEXAADA

 

Waa maqnaasha kalgacaylku ama jacaylku meesha ka maqan yahay waa sida iyadoo aanla is ixritaamin isna qadarin la’aan taas oo keenaysa kacdoon nafsaani ah murugo iyo dareemo diidmo bixinaya noloshii lamaanuhuna waxay ay isku rogaysaa dhanka kale, taas oo saamayn ku yeelanaysa guriga iyo umadka iyo dhamaan bulshada oo dhan.

 

QODOBKA AFRAAD

 

Waxa laga yaaba jacaylka oo laga ilaaliyo madax xanuunka in uu noqdo laban adkeeya xidhiidhka lamaanaha gurigana ka yeela beer hodan ku ah qurux iyo wanaag kana buuxa kalgacayl iyo naxariis wax wada qabsi iyo is fahan dareemaana mid kastoo ka mid ah lamaanu in uu dhexdooda yahay wanaag iyo in ay yihiin labada qof ee aduunyada isku wanaagsan kulankooguna uu yahay guusha kalgacaylka, ma jiraa halkaa waxa ka wanaagsan la kulanka qof jacayl qof uu jacayl yahay?! Ninku: waa dejiyahay nafta iyo ruuxda.. guriga: waa dejiyahay labada lamaane intay joogana waxay ay dareemaan amaan iyo xasilonaan waxa iyada kafeeyay anigana igu filan.

 

Hadaba furaha guusha boqortooyadan wanaagsan waxa uu ka bilaamaya labada lamaane oo kaliya.

 

QODOBKA SHANAAD

 

Cadaynta jacaylka dhabta ah waynaanta hamiga jacaylka cadaynta faro badnaanta cibaarooyinka hamiga jacaylka waxa ay soo noqnoqdaan sanadaha qofku ka gudbo marxalada qaan gaadhka marxaladaasi hadii ay tahay da ama fikir ahaan, hamiyada faraha badan ee jacaylka qaarkood waxay madmadow geliyaan in badan oo ka mid ah guryaha muslimiinta waxana ka mid ah guurku waa qalbiga jacaylka guur aan jacayl lahayn waa mid aan hirgelayn.

 

XAQIIQADA JACAYLKA DHABTA AH

 

Si aynu u fahano jacaylka dhabta ah maxaynu nidhaadaa jacaylka? Figrado ayaa odhanaya jacaylku waa aragtida u horeysa, jacaylku waxa uu sameeyaa mucjisooyin, jacaylku waa uu indha la yahay, jacayku waa cadaab, jacaylku muxuu dad laayahay, jacaylku dadka yar yar ayuu ciro ka soo saaray.

 

Jacaylku waa waraabiyahay nolosha iyo macaanka ruuxda jacaylku waxa uu ku sifoobaa nolol qurxisa nafta, jacaylka waxa lagu galaa danbiyada yaryar waxana uu soo badhigaa wanaagyada maalinta uu jacaylku dhamaado naftu waxay ay gashaa cidhiidhi cadhaduna iyo mushkiladuna waxay noqota mid aloosan, hadii ay badu ay leedahay xeeb hadaba jacaylku waaa mid aan lahayn xeeb, jacaylka dhabta ihi waa ka dhex mara lamaanaha xalaasha isku guursada sifo waafaqsan shareecada islaamka waxana uu ka bilaamaa ayaamaha ugu horeya guurka sanadada hore iyo kuwa dhex iyo ugu danbeen ayaamaha nolosha aduunyada, aduunyada hadalkeedadaa ilaa nolosha aakhiro illaahay waxa uu yidhi (SW) “JANOOYINKA WAXA GELAYA KUWII AY WANAAGSANAYEEN AABAYAASHOOD IYO DUMARADOODU IYO WIXII KA TAFIIRMAYBA”{Suuratul Racad-23}

 

Marka kalgacalku iyo jacaylku iyo isfahanku ay iswaafaqaan waxay ay sababaan in lamaanaha is qabaa iska kaashadaan wanaaga daacadka illaahay iyo khayrka, nolosha lamanuhuna waxay noqonaysaa mid nool oo dhalatay oo noolanaysana dhimanaysana, hadaba noloshani waxa ay ku shaqaysaa is fahanka labada aqli iyo caadifada ku jirta labada qof hadaba jacaylku waa shucuur iyo dareen la wadaago waana lagama maarmaan in ay dadku yeeshaan.

 

ARAGTIYAHA KHALDAN

 

Marka la soo hadal qaado jacaylka hadii lagu tilmaamo in uu yahay wax aanu meelna ka soo gelin sida hablo gayaankaaga ah oo la joogto meel aan cidkale joogin dadka aragtidaa qabaa jacaylka waxa ay u yaqanaan khiyaamo iyo caashaq iyo waali hadaba waalidu waa Jaclaysiga waxyaabaha naftu jeceshahay oo xadidneyn, wadamada islaamka waxa dhacda in habeen kasta loo soo badhigo fawaaxish iyo dhaqamo xun xun oo ka imanaya dhinaca reer galbeedka kuwaas oo ku sugan nolo waali ah ilaa uu noqday caashagu iyo shukaansigu waxyaaba ku dhex fida mustamaceena taasina ay keentay in dhaqan xumadani ay noqoto qadiyada ugu mihiimsan ee ay baahiyaan haayadadeena warbaahinteenu waxaa aad mooda in ay tahay qadiyada ugu horeysa uguna danbaysa waxana aad mooda in uu qofka muslimkihiba uu noqday mid hamigiisu yahay in uu daboolo baahidiisa jinsiga ah oo kaliya oo waxa aanu ilownay illaahay (SW) in uu arintan ka dhigay una yeelay hadafyo iyo ujeedooyin waawayn una sameeyay adaab waafaqsan shareecada islaamka iyo axkaam si aynu ugu noolano janada aduun yada, jacaylka dhabta ihi waxa uu ku dhisan yahay is cafiyid iyo is ixtiraamid ka fog xumaanta oo ka bilaabmata baahinta jacayl si aan madmadow lahayn iyo gacmo furan oo aan ku koobnayn marka lawada joogo oo kaliya, jacaylku ma wax qiimaha ayuu yeelanayaa hadii ay ka maqan tahay quruxdii wanaagiisa marka la soo qaado jacaylka hadii laga sheekeeyo qas iyo layla ama jamiil iyo basiina iyo kuwa kale oo badan, hadaba faraq intee leeg ayaa u dhaxeeya labadan jacayl isku xidhnaanta kuwan hore waa mid ku timid caadifad iyo raali gelinta waxyaabaha ay naftoodu jeceshahay laakiin jacaylka islaamku waa isku xidhnaan lamaanaha oo ku timid sifo sharci ah oo samaawi ah rabaani ah jacaylka ninku u qabo gabadhiisa waxa uu keena u dhowaasho iyo cadeeci illaahay waa jacaylka nacfiga leh waxana laga gaadha u jeedooyinkii illaahay u sharciyeeyay guurka oo ay ka mid tahay in indhaha oo aad ka ilaaliso xaaranta iyo qalbiga oo aad ka daalacado waxan ehelkaaga ahayn sidaa darteed waa jacayl la mahadi yahay illaahay agtiisa iyo dadkaba, hadaba jacaylka waalida ihi..magaranayo habeenkiisa mooyane waxana uu u noolanayaa darteed waxanu u dhimanayaa darteed hamigiisa ugu wayna waa in uu soo jiito aragtideeda jacaylka waalani waa kaa.

 

Jacaylka isku xidha lamaanaha maaha waraaqo la soo nashqadeeyay cadarna lagu shubay sida ay ku hamiyaan dhalinyarada badankoogu laakiin waa guri iyo ubad iyo hadaf ama u jeedo, waxanu leenahay waa kalsooni iyo xasiloonan guurku waa macaan iyo qadhaadh, in badan waxa la quruxbadan muuqaalka khiyaalka ah ee kuwa kale ay sitaan.

 

KALGACALKII GURIGII NABINIMADA MAXAMED (CSW)

 

Illaahay waxa uu og yahay hadii aanu albaabkani furnayn kumaan dhiiradeen in aan ka hadlo mawduucan oo kale waa albaabka Rasuulka (CSW) waxa uu inoo ahaa qaacido iyo asaaska dhismaha nolosha lamanaha oo ku dhisan ixtiraam iyo isqadarin kalgacal iyo jacayl iyo akhlaaqada wanaagsan qof kastaana ha ogaado in ay diinteenu tahay jacayl iyo kalgacal iyo dareen laakiin waxaba inagu ceeb ah in aynu tusaale u soo qaadano arinkaa.

 

Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (HOOYADU WAA BEER DHEER KA DIBNA WAXA MAQASHAY CAA’ISHA SI AAN LAHAYN GO NABIGU CAAISHA AYUU KU YIDHI BAL EEG GABADH YAHAY WAXA AAN KUGU JIRAA MEESHI AABAHAA HOOYADUNA WAXA AY BEERTAA BEER) Waxa weriyay Bukhaari iyo Muslim

 

Bal u fiirso ficilkan layaabka leh ee nooga yimi Nabiga (CSW) (Caa’isha waxa ay tiri waxa aan cabi jiray aniga oo leh cadadii dabadeena Nabiga (CSW) ayaa iga daba qaadan jiray afkiisana waxa uu dhigi jiray meeshii aan dhigay halkaas ayuuna ka cabi jiray, hilibka ayaan cuni jiray aniga oo leh cadadii waxana uu ka cuni jiray halkaan ka cuno) waxa weriyay Muslim, Nasaa’I, abu daa’ud, Ibnu Maaji, Iimaamu Axmed.

 

Hadii aanu xadiiskan in yar aanu sharax ka bixino Caa’isha waxa ay tiri hilibka waxa aan ku cunayay ilkahayga Nabiguna (CSW) waxa uu qaadanayay laftii waxanu ka cunayay bartii aan ka cunayay isagoo aan waxa dhibaato ihi aan ka muuqan taasina waxa ay inoo muujinaysaa jacaylkii iyo ishqigii uu u qabay habeenkiisa,

 

Marmarka qaarkood waa in uu ninku gabadhiisa umuujiyaa in uu jecelyahay dhinaca cuntada iyo cabidana dhibna malaha in uu ninku cuno hambada gabadhiisa isagoo u muujinaya gabadhiisa kalgacal iyo in uu u hayo qadarin.

 

ILLAAHAY AYAA WAYN ILLAAHAY AYAA WAYN

 

Bal u fiirso muuqalka kuumuujinaya kalgacaylkii ka jiray guriga Nabiga (CSW) (Caa’isha waxa ay tiri Nabigu (CSW) waxa uu dingiigsan jiray dhabtayda aniga oo leh cadadii quraankana wuu akhriyi jiray) Waxa weriyay Muslim, Bukhaari, Nasaa’I, Abu daa’ud

 

Bal u fiirso fadhigan layaabka leh ee ka dhaxeeya lamaanaha iyagoo cibaadaysanaya isna jecel, manhajkii Nabiga (CSW) ee kalgacalka waxa ka mid ahaa in uu garto dareenka dumarkiisa markay raalida yihiin iyo marka ay cadhaysan yihiinba Caa’isha (RC) waxa laga weriyay (Nabiga (CSW) ayaa igu yidhi anigu waan garanayaa marka aad iga raaliga aad tihiin iyo marka aad ii cadhaysantihiinba, taas sidee ayaa u garan kartaa Waxa uu yidhi Nabigu (CSW) marka aad raalida tihiin waxa aad tidhaahdaan illaaha maxamed ayaan ku daartee marka aad cadhaysantihiina waxa aad tidhaadaan Illaaha ibraahim ayaan ku dhaartee, waxa aan idhi dhab weeyan Rasuulkii Illahayow waxa meesha laga kaxeeya waa magacaagi uun) waxa weriyay Bukhaari, Muslim, Imaamul Axmed.

 

Taasina waxa ay inoo cadaynaysa jacaylka dhabta ah uu u yahay nabigu (CSW) dumarkiisa iyo dhankiisa wanaagsan.

 

MUUQALADA MAQNAASHAHA KALGACAYLKA IYO DAREEN LA’ANSHAHA KA DHAXAYSA 2 LAMAANE

 

Ugu horeyn cadhada faraha badan leh iyo doorbidida ninka sababtee doonto hanoqotee hadii ay had iyo jeerba hanoqotee ay noqoto mid laga waayo kalgacalka ama uu dhaqankiisu yahay mid aan lahayn kalgacal si dadbanba ha ahaatee.

 

Tusaale ahaan cadhada deg dega badan leh iyo wax aan cadho mutaysan oo uu ka cadhoodo markasta, gabadhuna waxa ay ku dhaqaaqnaa markaa in ay tuurto kalgacalkeedi ama ay su’aal ay iswaydiso ama ay samayso canaantoos ah markaasina waa marka ay waydo kalgacal iyo ishqi.

 

Talabaad dumarka oo loogu yeedho magac magacyadooda aan ahayn taasina waa wax ay ku caanbaxeen ragu Sida NAAYAA, NAAGTA, GABADHII CIYAALKAN DHASHAY IWM iyagoo ugu yeedhaya hadal cod dheer oo cadho wata.

 

Bukhaari Waxa uu ciwaanka dhigtay kitaabkiisa la yidhaado (AL DADAB MUFRAD) Naanaysta haweenka.

 

Caa’isha (RC) waxa laga weriyay (waxay tiri Nabigii illaahayow miyaanad naanees ii samaynayn waxa uu ku yidhi waxa aan kugu naaneesay inankaaga Cabdilaahi) taa waxa u uga jeeda Nabigu (CSW) inankii uu walaashi ay dhashay C/laahi binu subeer, Caa’isha wixii intaa ka danbeyay waxa lagu naaneesi jiray Umu Cabdilaahi.

 

QODOBKA SADEXAAD

 

Maqnaasha badan ee uu ka maqan yahay ninku gurigiisa sidaaso kalena gabadhu ay ka maqantahay gurigeeda waa waxa mushkilada keena ama kalgacalka yareeya, ninku hadii uu dalxiis iyo booqoshooyin u baxo gabadhuna reerkooga ay tagto sida munasabada ha noocay doontaba ah ahaatee waxa ay yareeyaan kalgacalka, hadii uu jiri lahaa kalgacal waxay ay ku dadaali lahaayeen in ay saacada wakhtigoogu iyaga ku yaraado

 

QODOBKA AFRAAD

 

Is qurxinta iyo xidhashada dharka gaar ahaan weliba dumarka waxay noqonaysaa masiibo marka ay isku qurxiso amba ay badalato iyadoo u baxaysa dibada iskuna qurxinaysa cid aan ahayn lamaanaheeda, isqurxinta dumarku waa in ay ahaataa mid gurigeeda gudihiisa ah, muuqalka lamaanaha quruxda leh ee midkood midka kale u muujiyaa qurux.

 

QODOBKA SHANAAD

 

Istixgelinta iyo isxitiraamin la’aanta oo gaarsiisan heer canaadnimo waxa laga yaaba in ay keento in la caytamo ama la isnacdalo iyadoo la isticmalayo kalmado nooqusinaya kalgacalka labada qof waxana badana akhlaaqiyaadka mushkiladaha keena waxayna leedanay sababo iyo maadado iyo heerar, waxay noqon kartaa sabab ka timid dhinaca awlaada, waxay noqon kartaa mid ka timid dhinaca ehelka mushkilado aan dhamaan lahayn, mushkilada dhabta ihi waxay tahay kalgacal la’aanta iyo waxyaabaha dareenka dejiya oo ay ka gaabsadeen ama midkood xaqa uu midi ugu leeyahay in uu u dulqaato waxana laga yaaba in ay rajeeyaan xal u helida mushkiladan in ay ka eegan meel aan xalkeeda laga helayn, baadhidu waxay noqonaysaa iyadoo laga eegay fahankeeda halkii doodu ka taagnayd, waxa lama huraan ah marka laga hadlayo arimahan in la isku miisaamo mushkiladaha oo la ogaado mushkilada keentay mushkilada kale oo ah waxa kalgacalka daciifiyay, mushkilada kale oo ku taxaluqa dhinaca ubadka ama dhinaca dhaqaalaha ama xidhiidhka ehalka iyo waxyaaba kale oo ka mid ah mushaakilaadka qoysaska, anigu waxa aan rumaysanahay hal u helida mushkilada kowaad waxa aan leeyahay waa kor u qaadis iyo horumar lagu sameeyo kalgacalka iyo jacaylka labada qof waana halbowlaha xudhunta u ah xalinta mushaakilaadka kale hadii uuna dhamaan xalkooga noqonba.

 

QODOBKA LIXAAD

 

Qofka naftiisa mooyane aan qiimay nafaha kale kuna ad adag aragtidiisa dadka kalena u arka in ay yihiin mashaakilka cida abuuraysa waxa ay ka mid tahay waxyaabah keena mushkilada qoyska, waxa ayaan daro ah in qofka samirka badan ee dulqaadka leh loo arko in uu yahay qofka mushkilada keenaya.

 

QODOBKA TOTOBAAD

 

Imisa ayaa rag ama dumar ka fikira in ay galaan xaaraan sino iyo wax la mid ah maxaa ku kalifay? Marka ay arki wayaan dareenka kalgacal ay mutaysteen wanaagooguna uu siyaadiyo waxana ayna munaasib ku ahayn wadiiqooyinka xumaanta loo maro ayaa laga yaaba in maalin maalmaha ka mid ah inuu cagta la helo tusaale ahaan waxa looga waramay nolol ay ku dheehantahay jacayl iyo kalgacal ninku marka uu maqlo ama uu arko waxa ay raadeen ay ku samaynaysaa caadifada naftiisa waxanu uu is barbardhigayaa waxa uu arkay iyo waxa uu maqlay iyo waaqaca ka jira qoyska uu la nool yahay taasi waxa ay ku noqonaysaa waji gabax ku dhacay naftiisa hadii aanay xalaal ahayn waa murugo iyo mashaqo joogta ah iyo mushkilado faro badan waxana laga yaaba in ay ku kalifto in uu xaaraan raadsado waa wax illaahay laga magan galo waxa damaanad ah dhibaatada ah baahi loo qabo kabasho biyo ah xitaa hadii ay tahay mid sun ah oo lagu dhimanayo.

 

JACAYLKU KALIGII WAXBA MATARO

 

Kani waa arin mihiim ah wax halkan ah laba mushtamaca oo hamigooga guur yahay in ay raaxaystaan oo kaliya kumana arkaan nolosha qoyska wax aan ahayn jacayl hadii kale xaq uma laha noloshani in ay sii waarto arintidoodu taas ayaana keenta in ay is badal ku dhaco lamaanayaasha ama midkood oo uu iska galo jacayl cusub oo hore leh laakiin mushtamaca islaamku waxa ay ka eegan arinta guurka dhinac kale weligoona muslimku waxa ay ku adkaysanayaan in ay jiraan halkan hadafo kale oo ah nolosha qoyska waxana ugu mihiimsan tafiirta iyo tarbiyada ubadka, ka dheeranta sinada, dhamaystirka diinta, is barashada qoyska iyo isku soo dhowaanta iyadoo la rajaynayo wanaag iyo kalgacal laakiin hadii aan la helin kalgacal iyo jacayl taasi maaha dhamaankii nolosha lamaanaha, waayitaanka wanaaga guurku illaahay waxa uu yidhi (SW) “WAXA AAN DHAXDIINA KA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD” [sUURATU-RUUN-21] run ahaantii illaahay waxa uu sees uga dhigay cilaaqaadka raga iyo dumarka laba arimood oo ah kalgacal iyo raxmad, kalgacalka oo ah jacayl marka uu u dhamaystirmo lamaanaha waxa u dhamaatay guushi guurka waxana ay isku waafaqaan si dhamaystirin jacaylkuna waxa uu meesha ka saara wixii nusqaan ah, hadii uu nusqaamo ama uu daciifo kalgacalku shay labaad ayaa xafida nolosha lamaanaha oo fududeeya sababna u noqda in uu sii jiro qoysku nabadna ku waaro shaygaas oo ah raxmada, Illaahay (SW) muu sheegay kalgacal kaliyga laakiin waxa uu raaciyay raxmad, Ibnu kasiir waxa uu yidhi ninku waxa uu u taabtaa gabadha jacayl uu u qabo ama naxariis uu u naxariisanayo iyada si ay ubadna ugu dhasho iyaduna ay u baahantahay in waxsiiyaan ama kalgacal ay isku qabaan IWM, ama sidii cumar binu Khadaab (RC) yidhi guryuhu kuma dhisna dhamaantoo kalgacal laakiin badankoogu waxay ay ku dhisan yihiin asturaad, run ayuu sheegayaa illaahay raali ha ka aadee markii uu yidhi guryaha badhkood lagama helayo jacayl iyo karaahiyo toona waxay ku taagan yihiin sama fal uu qof ahaan samaynayo illaahayna waxa uu yidhi “SI WANAAGSAN ULA DHAQMA”[suuratul-nisaa-19]

 

Tirakoobyo la sameeyay badhkood waxa ay sheegayaan in 88% dadka isku guursaday jacaylka aan sidkiisu dhamaan arinkoogu waxa uu ku danbeeyaa fureen iyo in ay kala tagaan waxayna badhkood is waydiiyan maxaa fashiliya inta badan dadka ku kulmay wax ay ku magacaabeen jacayl? Jawaabtu waa mid fudud waayo qofka wax jecel ma karo in uu toosiyo waxa uu ku eegayaa indho caadifadoodu kacsan tahay oo ay ka muuqato cadho xoog ihi kumana eegayo indhaha garashada oo ah mid sugtay guurka dabadii, marka ay caadifadiisu degto ka dib waxa saxan in ay caadifadu ka saarto wax mad madowku ku jiro oo ay baanka soo dhigto riyooyinka taasi waxa ay ka soo horjeeda sugnaanta qofka kale is waydiinta su’aalaha iyo ururinta macluumadka iyo arinka oo wax laga siiyo ehelka iyo walaalaha taasinta shaqsiyada qaloocan sideydoontaba ha ahaatee raga ama dumarka, sidaa darteed jacayl khaliya kuma filna mana damaanad qaadi karo in lagu dhiso guur lagu najaxo sida ay suura gal u tahay sugnaanta in guurka lagu najaxo, hadii aan meesha jacayl jirin waa in ay jirtaa raxmad iyo is ixtiraam isqadarin sida illaahayba yidhi (SW) “WAXA UU DHEXDIINA ILLAAHAY DHEXDIINA DHIGAY KALGACAL IYO RAXMAD” taasina waa raxmada illaahay

 

JACAYLKU WAXA UU U BAAHAN YAHAY WAKHTI IYO AASAAS

 

Iska ilaali in aad deg degto is waafiqida caadifada iyo caqliga labada qof ee isku guursanayaa waxa uu u baahan yahay wakhti dheer taasina ma dhamaystirmaysa sida caadiga ah kii aan midkood tanaasul ku samayn hab dhaqankiisi nololeeyd iyo caadooyinkiisi hore, hadii lagu soo baraarugo hawshii intii cuslayd oo tagtay gabadha khaas ahaan oo abuur keedu yahay in ay raacdo ninka, gabadha wanaagsani waa tii ku waafaqda ninkeeda wixii uu jacayl yahay iyo wixii uu karaahiyaysanayo oo ay ka ilaaliso xaqiijinta waxyaaba uu jecel yahay wixii aan ka hor imanayn shareecada, hadaba sifadan waxa aan u jeeda is waafiqida iyadu waxa aan jecelahay oo door bidayaa waxa la isku waafaqay in uu ahaado waxa ka soo jeeda ninka figrikiisa iyo caqligiisa marka loo eego sifooyinka dumarka, markaa wax samaysmaya jacaylkii, ku koobnaanta is fahanka iyo macamilada wanaagsan, waxa uu ku dhashaa jacaylka dhabta ihi ee ninka iyo gabadhu ayaamo bilo iyo sanado sidaa darteed waa in aan lagu deg degin.

 

ARAGTIDA AH JACAYLKA WAA HALACSIGA HORE

 

Aniga oo ka soo hor jeeda arintaa (halacsiga hore), illaahay (SW) waxa uu yidhi “MA SHAYGA LAGU AASAASAY DHISMIHIISA CABSIGA ILLAAHAY IYO RAALI AHAAN SHIHIISA AYAA KHAYR BADAN MISE MID LAGU AASAASAY DHISMIHIISA BOORAAN GUNTA KA DALOOSHA OO DUMAYSA LAGUNA GELAYO NAARTA JAHANAMA, ILLAAHAYNA MA SOO HANUUNIYO KUWA DALIMIINTA AH”[suuratul-Tooba-109] shay kasta oo dhismihiisu aan lahayn sees adag waa mid dumaya, jacaylka khiyaaliguna ma dhaafsana caalamka riyooyinka iyo sheekooyinka iyo filimada qofka ku noolada xaqiiqada waxa uu helayaa jacayl munaafacaadka leh, waxa aan kula dardaarmayaa ninka iyo gabadhaba in ay samraan oo aanay deg degi ilaa ay isku bartaan si dhamaystirin oo kalgacal leh bal inankan eeg waxa uu gacantiisa ku qoray adiga waan ku jirabay waxana u diray ninkasta iyo naag kasta in ay soo saraan kalgacal dhibatada ka dib anigu waxa aan ahaa nin dhalinyara ah oo waan guursaday waxana aan ahaa bilays intaanan guursan ka hore waxa aan guursaday gabadh aad u quruxbadan oo kaliya wax kale mabaan doonayn imikana waxa aan guursaday ilaa labaatan dumar ah, markaan habeenkii la aqal galo waxaba aan ka wayaan quruxdii ilaa ay reer kayaguna ay igu yidhaadan maba quruxbadna waa sidan waa sidan iyo sifooyin aan wanaagsanayn ayaa la igu yidhaa ilaa arinkayagu ku dhowaado in aanu kala tagno, waxa aan go’aan ku gaadhay in aan iska yara samro inta illaahay nakala furanayo isagaa arinkiisu fulayaaye intan samrayay waxa aan arkay quruxdii ruuxdeeda iyo macaamiladeedi wanaagsanayn jacaylkeedi dhabta ahaa daacad nimada iyo xishmaynta diinteeda taas ayaana igu kaliftay in aanan raali ka noqon in la igu badalo ta aduun yada ugu quruxda badan, shayga aanan ilowbayn waa sidii ay salaada u tukan jirtay wakhtigeeda iyo siday salaatul laylka u tukan jirtay iyo sida deg deg ah ee ay iigu keeni jirtay waxa aan ka dalbado, sida ugu dhamaytirin uguna wanaagsan mana qarinayo in aan jecelahay imika, kumanaan raaci qurux man awaalka ah waa quruxda dhabta ah waa quruxda ruuxda maaha quruxda wajiga ee dhamaanka leh, inankaasi miyuu wax dhaafay? Gabadhaa ma waxbaa seegay? Waa sida aan idiin rajaynayo idinka ayuu ku koobay hadalkiisi.

 

Waxa uu I xasuusiyay kii yidhi gabadha degani waa ta karaysa in ay ku beerto quruxdeeda qalbiga ninka xitaa hadii ayna quruxbadnayba hadii aad I tiraahdaan side ayay ku dhacaysa waxa aan leeyahay waxa la gudboon in ay ahaato mid karaysa ilhaaminta iyo abuurida nolosha qoyskeeda, waxa aad iga rajaysaa gabadh yahay in aad ku gaadho quruxda hadalkaaga iyo dhaqankaaga dharajo aan ku gaadhin quruxda wijigaaga, Sidaa ma yeeli kartaa?

 

HAMIYADA JACAYLKA

 

Waxa aan rajaynayaa in ay baraarugeen dhalinyaradii yar yaraa inamo iyo hablaba ********a in aanu hamiyada jacaylku ee lagu dhiso reer in ay khatarteeda leedahay oo ay tahay khiyaamo iyo xubaan baahaysa oo is badal ku keenaysa dareenka, jacaylka dhabta ihina suura gal maaha in uu soo baxo ilaa la gaadho guurka dabadii wakhtigaas oo aad fursad u helayso in aad soo bandhigto kalgacalkaaga dhabta ah oo aad is waydaarsataan munaafacaad iyadoo oo la turjumayo kalmado camal ahaan loo fulinayo, ka dheeraanta sharka ayaana daliil u ah jacaylka waxa kale oo daliil u ah runta iyo dareenka jacaylka raganimada leh waa ka lagu qaado masuuliyada, intan oo dhan waxa ka horeya marka ay dadku jacaylka u ku sheegan aragti ee lagu heeso ee cidla loogu baxo muduci kastana hadii dadka la siiyo waxa uu doonayo jacaylka lama rumaysto mana dhamaystirmo guurka dabadii maayaane, naftu waxa ay kaga raysataa gadgadoonka iyo indha oo lala raaco xaraanta iyo caadifada oo degta, waxa u soo baxaya si dhab ah wax illaahay u xalaaleeyay, jacaylkan ay inoo sawirayaan heesuhu iyo qisooyinka iyo musalsaladu waa riyooyin lagu koryay muuqaalo oo dadka ka dhigayaba qof arkaya muuqal isaga oo kale ama gabadh iyadoo kale ah oo ku nooleen caalamka waaqica ah, waxa ay caqabad ku yihiin dariiqa nolosha dhabta ah sidaa darteed ayay dadka fanaaniinta ihi in badan oo ka mid ihi ay ugu fashilmaan noloshooda dhinaca quurka .

 

 

Amaa bacad waxaan idiin rajeneyaa in uu qalbigiina ku dhabicmaday jeceelkan daadka dhan ayka hadleeyan inay tahy khurafaad ayu in aay tan tahy tii runta ahey iyo in ay sida angu aan uu qiiroday in aad ila qiiroteen uu tas maye tulake ALLAH swt anad kabaryin..

 

WaLashiin FiL caqiiidah smile.gif

Until next time inshallah

 

WABiLLaHi TowFiiiiiiiiiiiQ

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG Moti   

Salaam, marka hore a man who did research can not be rejected and wuu iska hadlay lama orankaro... qaybta labaad smile.gif

 

Maxaad tahay
Jacaylow
? Waxa weeye Jacayl iyo wixii la jeclaaday laakiin taas way ka balaadhan tahay wayna ka
mugwayn tahay
, jacaylku waxa weeye kalgacalka dhex yaala gabadha iyo ninkeeda

Maxaatahay jeceelow? << waaba dagaal sidan .. ala afsomaliga jeceel maba loogu tala galin, waaban naxay markuu yiri maxaatahay jeceelow? waa nin dagaalamaya, naxariis kuma jirto hadalkaas,

 

Qodobka sadaxaad smile.gif

 

what is this Balaarantahay, kana mugwey tahay waa dagaal kale, mug weyn aa ? war ileen anagaa wax aragnay....

 

Qodobka afaraad

 

lamaanaha what is that? ma labada isqaba buu kawadaa... war waa cajiib, waligey hadal ka ad adag ma arag, hadalkani jeceel maba ku xaboona...

 

mizz this is not jeceyl... inkastoo xikmad kujirto hadalka.. laakiin waa dhagax ... peace

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this