Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war ka soo saartay baaqa Golaha Wasiirada ee doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu lagama maarmaan ku tilmaamay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirka ay yeesheen oo Khayre guddoomiyay ku sheegay inay dhici doonin muddo kordhin loo sameeyo dowladda.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo war ka soo saartay baaqa Golaha Wasiirada ee doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this