Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabay go’aankii golaha wasiirada ee doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

“Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii Khamiis-laha ahaa ayaa si qota dheer isaga wareystay  arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020-2021-ka, waxaana gaba-gabadii kulankaas oo ku qabsoomay qadka Internet-ka hadal ka jeediyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo shir guddoominayey.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this