Che -Guevara

Siyad Barre on Salad Gabeyre

Recommended Posts

25 minutes ago, Che -Guevara said:

I wrote dear Dear H@bros, it was changed into Dear Somalilanders.

Ha ha ha...😁

I guess the edict givers of SOL believe that these creatures are a particularly disadvantaged and traumatized minority that are in need of special protection on SOL. 😂

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
5 hours ago, Che -Guevara said:

Oodka, 

Who said anything about Somalinimo. After all, we have these crazies running around In Hargeysa why therapy is needed first.

As for debating, since being old-timers on SOL, we have beaten the subject of Somaliland and Somalia to death.

Raila odinga yaa afsomaliga nagu baray

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 2

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ilaahay aadanaha makala fadilin (ilaa bitaqwa) taqwada mooyee, mana fiiriyo muuqaalkooda sida xoogga, qabiilka, quruxda, maalka iwm.

Wuxuu fiiriyaa quluubtooda iyo alle ka cabsigoodu intuu le'egyahay.

Ninkaan iminka hadlaya, haduu balaayada asagu gacanta ku hayn lahaa waxba kama reebeen koonfurta.
Allaha soo hadeeyo.

Su'aashu waxay tahay waan tagay waqooyi xataa miyiga tuulo iyo meel kasta wali kuma arag dad sidaa u calool xun, karam,deeq iyo dhaqanba waan ku arkay.

Miyay qarsadaan oo xasuustaa ka lunta markay microphone soo hor istaagaan?

Ma inta saxaafadda la hadashaa mise waa dhamaantood?

Maxaa u diiday samirka mowtida Iyo inay ilaahay xisaabtiisa, ay faraha kala baxaan?

Ma jilicsan yihiin oo qalbiga dumarkaa ku jira?

Ma aqoosigaa ku xiran in aysan xumaantu joogsan oo waa heshiis hoose oo aan la ogaan karin.

Ma sheekadii alif layl wa laylbaa oo gabadha carbeed baryaha ku noolayd?

Waa su'aalo aysan cid walba ka jawaabi karin (Ű§Ù„Ù‰ من Ű±Ű­Ù… Ű±ŰšÙ‰ )

Dagaal soomaaliya ka dhaca kii ugu fududaa yaa ka dhacay waqooyiga waa xaqiiq warkaygu.

Gaajo ma lahayn, cudur ma lahayn kufsi ma lahayn biyo la'aan ma jirin walaalahood Ethiopia yaa wax walba l garab taagnaa si ay gurigooda u gubaan.

I have no idea what so ever, almost three decades what's called this disease in eglish?


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, waxaa i soo xasuusisay wareysi my old man, Rabi ha u raxmadee, laga qaaday bartamihii sanadkii 2000. Wargeyska Kasmo oo London ka soo bixi jiray ayaa ka qaaday, goobtana Xamar ayee ahayd.

Wareysiga wuu dheeraa laakiin qeyb ka mid ah wareysiga waxaa ku jiray su'aalahaan iyo jawaabahaan:

Kasmo: Ma jiraan wax xil ah oo aad ka qabatay maamulkii ciidamada?

Sh. Mukhtaar: Waxba kama qabanin. Markaan xabsi-gurigii ka baxayba beer aan dhoobey ku lahaa ayaan iska aaday.

Kasmo: Wax talo iyo tusaale oo uu maamulkaas kuu soo raadsan jiray ma jiraan, maadaama aad waayo-arag ahayd?

Sh. Mukhtaar: Inuu ii soo raadsado ma jirin, anigaaba raadiyay, waraaqa u qoray oo aan u tegay markii dadka ciriiri la geliyay, suus galley ah aan laga soo qaadi karin Afgooye, la keeni karin Xamar. Wax beled laga qaado aan beled kale la geyn karin. Iyadoo sidaas jirto, ayaan Maxamed Siyaad xaanshida u qoray oo u tegay. Waxaan iri, "Sicirka badeecadaha u goyneysaan ee waddanka gudihiisa ah ka dhaafa. Alaabta beled laga qaadaayo oo beled kale la geynayo, aad u diideysaanna dhaafa, sicir-gooye Ilaahay waaye, laakiin wixii badda ka yimaada sicir u gooya, sidii rabtaan yeela."

Waxaan iri maaddo cilmi ah oo caqiido Islaamka ku saabsan waxaan ka rajeynayaa inaad sikoollada ku dartaa. Maxaa yeelay ayan iri askartii gurigeyga waardiyaha ka haysay nin ka mid ah labo alifle ahaa ayaa sidaan u sheekeysaneynay wuxuu yiri, "Ruushka anagoo joogno ayaa nin gaal ah Ruush ah wuxuu na yiri, 'Idinka Ilaahay adduunkaan dhan suubiyay; dhulka, cirka iyo waxaan dhan suubiyay ayaad leedihiine, Ilaahayga naftiisa yaa soo suubiyay?'

Wax jawaabo waa la waayay ayuu yiri. Marka Soomaalida dhan ayaa sidaas ah ee maaddo cilmi ah oo caqiiddo ah iskoollaha ku dar adaa diktator (kali-taliye) ahee waxa dhan suubin kartid.

Kasmo: Markaad intaas tiri, muxu kaaga jawaabay?

Sh. Mukhtaar: Shib ayuu iga yiri, waraaqddiina waa u dhiibay, wax uu ka qabtayna ma jirin. Mar dambe juuq uma dhihin, maadaama xaalkaas aan ula tegay uu wax ka soo qaadi waayay. Habeenkii uu xabiska iga bixinaayay dad buu ii soo diray. Ninkii askarta aniga ila joogtay xukumay iyo aniga ayaa fatuuro nalagu qaaday. Asagaa noo yeeray, waana u tagnay. Markaasuu i yiri; ‘Raalli ahow, dambi maad lahayn, laakiin siyaasad ayaa nagu kalliftay, adduunka dhaba saas waaye. Ninkii madaxweynaha jamhuuriyadd ah xabis lama geeyo, laakiin waa layska xareeyaa. Hadda ka horna inaan ku sii deynaan rabnay, Salaad Gabeyre sababtiisaa waqtigan ku soo gaartay. Mar Alle markii Sheekh Mukhtaar aan iska deyno aan niraahaba, wuxuu dhahaa ‘Aadan Cabdillena ha la daayo. Aadan Cabdiilena markii horaa naga xumaataye oo siyaasaddii ayaan ku darnay soddonkaas Afgooye ku xiran, si kaligiis aan u soo saarnana waa weynay. Mudadaan Salaad Gabeyre sabatiisa ayaad ku soo gaartay, haddana raali ahow, dambi ma lihid, meeshii rabtana mar.

Kasmo: Maxay ahayd sababta uu Salaad Gabeyre soo-deyntaada iyo tan Aadan Cadde isugu xirayay?.

Sh. Mukhtaar: Soddogiis soo ma ahayn? Gabadhiisuu qabay. In anigana lay daayo, asigana la daayo ayuu rabay. Markaan saas leenahay waa xiran yahay Salaad Gabeyre, dambigii inqilaab uu suubinayaa ayuu u xirnaa. Markaasaan iri, "Salaad Gabeyre ninkii inqilaabka suubiyay, gacantaada midig waaye lagu sheegayay, waa sidee?" Markaasuu (Maxamed Siyaad Barre) yiri, ‘Gacanta Alla ha ka gooyo, gacantay midig ma'aha.' s1012.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

 

Odweyne 
Clipka mujaahidiinta dhagayso adigoo mahadsan.

Inta indhaha madaw koonfurta way habaaraan 

Inta ilkaha la'na koonfurta way caayaan

Awoodda snm waligeed intaasay ahayd.

I hope you agree with me.

Usoo noqo mowduuca

Mikiin Macruuf.

Sheekh mukhtaar wuxuu ahaa nin fiican oo saalax ah sidaan maqlay allaha u naxariisto.

Carabtu waxay ku maa-maahdaa xanta wanaagsan waa qalimada ilaahay.

Reer koonfurkuna waxay ku ducaystaan masagadii kal iyo mooye dhexdeeda ku barida allaha kaa dhigo.

Golihii kacaanka arrintoodu waxay ahayd qooru ama 'qoodh' xero kuma heshiiso, in lakala baqo waa dimuquraadiyadda afrika.

Kala dambayn la'aan ama kala baqid la'aan sodon sano oo khibrada bay soomaalidu haysaa.

Hadii mahdi ama caydiid midkood samo diidow loo qaadi lahaa, waxaa ka dambayn lahaa nolo wanaagsan. 

Sadex malyan oo dhimasho ah iyo sodon  sanoo magac xuma ah ma dhacdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
2 hours ago, Oodweyne said:

Gooni,

".....Hadaad Hiil Hinaastey, Aadse Itaal U weyday, Ma Afkaad Ku Ciil Bixi, Ileyn Cidlaad Ka Hanjabeysaaje....."

 

Gabaygu booskiisii mahaysto mudane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 7/10/2020 at 7:44 AM, maakhiri1 said:

MMA, Eebe ha u naxariisto Aabe. You should write book about him.

Aamiin. Wareysiga aan kor ku xusay oo aad u dheeraa wariyihii ka qaaday ayaa rabo inuu buug ka qoro. Mar dhow soo daabici doonaa, hadduu rabi idmo.

Haddaa rabtid wareysigaas oo dhameystiran inta ka aqriso. Wax badan ayaa ka ogaaneysaa maalmihii u dhaxeysay dilkii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Kacaanka markuu talada la wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 7/10/2020 at 7:38 AM, gooni said:

Mikiin Macruuf.

Sheekh mukhtaar wuxuu ahaa nin fiican oo saalax ah sidaan maqlay allaha u naxariisto.

Carabtu waxay ku maa-maahdaa xanta wanaagsan waa qalimada ilaahay.

Reer koonfurkuna waxay ku ducaystaan masagadii kal iyo mooye dhexdeeda ku barida allaha kaa dhigo.

Golihii kacaanka arrintoodu waxay ahayd qooru ama 'qoodh' xero kuma heshiiso, in lakala baqo waa dimuquraadiyadda afrika.

Kala dambayn la'aan ama kala baqid la'aan sodon sano oo khibrada bay soomaalidu haysaa.

Hadii mahdi ama caydiid midkood samo diidow loo qaadi lahaa, waxaa ka dambayn lahaa nolo wanaagsan. 

Sadex malyan oo dhimasho ah iyo sodon  sanoo magac xuma ah ma dhacdeen.

Wareygsiga oo dhameystiran aqriso. Wax badan ayaa ka ogaaneysaa taariikhda Soomaaliya sanadihii kontomeyadii iyo lixdameyadii.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.