Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Oo Shaacisay Kiisaskii Ugu Dambeeyey COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomalaiya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka Coronavirus  ku sheegtay in maanta guud ahaan dalka laga helay 13 kiis oo la xiriira COVID-19.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska cusub laga diiwaan geliyey Gobolka Banaadir 7, Somaliland2 iyo Puntland 4 ah. kiisaska la sheegay 9 kamid ah waa Rag halka 4 ay yihii Dumar, majiro kiis dhimasho ah oo laga  sheegay dalka.

Xanuunka COVID-19 ayaa waxaa ka soo bogsooday 51 ruux, oo tirada ka dhigeyso  1,147, guud ahaan waxaa uu dhacay muwaadiniin gaarayo  3,028 ruux, waxaa xanuun dalka ugu geeriyooday tan iyo markii uu dilaacay 92 ruux.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this