Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan iyo Shariif oo mar kale la kulmay Mursal iyo Muudey iyo qorshe cusub oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo  Shariif Sheekh Ahmed ahna hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran aya galabta markale xarunta Madasha shir kula yeeshay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa yimid ayada oo uu socdo qorshe la doonayo in lagu heshiisiiyo guddoonada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in kulanka maanta uu daba socday shirkii maalin ka hor ay xarunta Madasha ku yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo madaxweynayaashii hore.

Sida lagu sheegay qoraalka Madasha ujeedka kulanka maanta ayaa ahaa in qodobadii laga wada hadlay la dar-dar geliyo, waxaana si gaar ah diiradda  loogu saaray kulankan sidii loosoo celin lahaa wada shaqeynta labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Intii uu socday kulankan waxaa warbixin laga dhageystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay lasoo kulmay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin muuqata ka cayaarto dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee dowladda federaalka oo khilaaf uu hareeyey, sida guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan aysan ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah.

“Waxaa socda dadaal ballaaran oo Madashu ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal goor dhaw kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this