Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo si adag ugu hanjabay Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkey ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus.

Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus,

Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”.

Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baaritaan arrintan ku saabsan.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo si adag ugu hanjabay Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this