Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiladda Oo Dacwad Ka Dhan Faysal Cali Waraabe U Gudbiyay Xeer Ilaalinta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanta Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta Somaliland.

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe, iyagoo Eedeyn kulul u jeediyay.

Garyaqaan Cabdiraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanadda dhanka sharci ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu u sheegay in Golaha ay Xeer ilaalinta Somaliland u gubiyeen Dacwad ka dhan Eng. Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaanada Golaha ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka Somaliland.

Sidoo kale Eng. Feysal Cali  ayaa eedeeymaha loo jeediyay waxaa kamid ah in uu Abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenka Bulshada Somaliland, sidaasina Dacwada looga gudbiyay.

Si kastaba Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa shalay si kulul uga Jawaabay eeda loo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas kuwo looga been abuuray, isagoo sheegay in aanu jebin Dastuurka, eedeynta noocaas ahna laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this