Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Madaxda Ha Ilaaliso, Waxa Lagu Wadajoogo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland   Axmed Maxamed Islaam oo habeenimadii xalay  ka qaybgalay Munaasabada kooban oo lagu xusayo Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta  ayaa khudbad ka jeediyey, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu ku dheeraaday Tariikhda xornimada dalkeena iyo sidii jiilkii naga horeeyay ay naftooda ugu hureen in Soomaaliya ay ahaato qaran xor ah oo natiijadii halgankaas ka dhalatay miraheedii aan hayno maanta” Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed aan ku booriyo aan xasuusanno, taariikhdii shalay aan soo marnay, aan xusuusanno odayaashii maanta waa ay joogaan, sida ay aheyd iyo aan dowladnimadii heerka aan u soo marnay iyo baahidii aan u qabnay. Gabdho badan ayaa ku waayey naftooda. Odayaal badan ayaa ku waayey naftooda, dhallinyaro badan ayaa lagu waayey, halgan dheer oo la garanaayo ayaan soo marnay. 60-kaas sano dalka waxaa uu soo maray dowlado kala duwan, oo qaarba ay heer ahaayeen. 9-kii sano ee ugu horeysay dowladdii rayidka aheyd, waxaa ay aheyd xukuumad ku dhisan Baarlamaan madaxweyne la doortay iyo Ra’iisalwasaare leh.

Sidoo  kale Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha Siyaasada dalka ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka

“Xaaladda maanta taagan, waxaan aragnaa in dhibaato, iyadoo ay jiraan dagaallo, amnigu waa waxa ugu muhiimsan oo qofka uu saari karo oo dareenkiisa ku cabiri karo, awoodan uu sari karo nolosha dhan ay ka bilaabmayso, xaaladda amini iyo firqooyin argigixiso ah Al-shabab iyo kuwo lamida ay dalka gudihiisa ay ka wadaan, oo dhibaatadaas ay keentay xaalado adag iyo burbur dalka uu sii maro. Arrimaha siyaasadda iyo bulshada oo intaba aan garaneyno maanta hoos udhaca iyo dhibaatada taagan inta ay la egtahay oo aan isleenahay wadanka sidii la rabay uma soconayo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhanka madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in amniga loo baahn yahay dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ay iska kaashtaan aysan cid kale aysan ka sugin in ay ka taageerto dagalaka ka dhanka ah Al-shabab.

“Amnigu waa furaha nolosha, Alshabaab waxaa ay ku jiraan iskaashi la’aan, maanta cid kawada shaqeysaa majirto, waxaan rabaa inaan idiin sheego haddii aan nahay cunsurka Soomaaliga ah, ha noqto heer federaal ama heer State, iyaga isku filan maanta in cadowga ay iska celiyaan iska difaacaan oo wadankooda xoreystaan, lakiin dhibka taagan waxaa ay tahay waxaa ka maqan isku xirkii, iyo wadooyinkii lagu wada shaqeyn lahaa iyo in loo soo wada jeesto waxa inoo yalla,. Waxaan dhaqan ka dhiganay inaan dhahno waxaan wax ka sugeynaa dowlado kale, waxaan sugeynaa in cidaas ay na difaacdo hebel ayaa wax noo tarayo kan ayaa wax na yeelayo, waxaan luminay wixii annaga aan laheyn iyo qofka Soomaaliga ah xoriyadda caawa oo  kale aan calankeena saareyno ee 60-sano laga soo wareegay nooma keenin AMISOM iyo dowlado reer galbeed ah iyo cid kale waa wax gacanta Soomaalida ku timid bey aheyd ” ayuu yiri.

Ugu dambeyn madaxweyne  Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxda dalka in lawada ilaaliyo dastuurka dalka iyo qawaaniintiisa ” Waxaan hadalka ku soo uruurinayaa Madaxweynaha, Raiisalwasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ha  ay ilaaliyaan  shuruucda dalka uu ku dhisan yahay, ha ilaaliyaan waxa maanta lagu wada joogo, wadankeenna inaga ayaa dhisan karna, dowlado daris ah , kuwo dibada jira iyo kuwa caraba midkoodna waxna nooma qaban karee waxa noo  yaalla aan inagu qabsanno oo aan ka tagno riyada aan ku jirno” ayuu yiri.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this