Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni: ifafaalaha hadda socda waxaad moodaa in la baabi’inayo Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo, oo Gaalkacyo lagu qabtay, ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay duminayaan Aqalka Sare ee Baarlamanka dalka.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalku ay doonayaan, in ay burburiyaan Nidaamka Federaalka oo ay ku dhisan yihiin Dowlad Goboleedyada Dalka, si meesha looga saaro Maamul Goboleedyadaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, in Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisu ay rabaan in ay maroorsadaan Awoodda Dalka, kadib markii ay burburiyaan Aqalka Sare oo Wakiil u ah Dowlad Goboleedyada, sidaasna ay ku baabi’iyaan Nidaamka Federaalism-ka.

ifafaalaha hadda socda waxaad moodaa, in la baabi’inayo Aqalka Sare, in la baabi’inayo Federaalismka, in la maroorsanayo Taladii dalka, waa u yara egtahay wixii Dimoquraaddiyadii Soomaaliya 69-kii lagu maja-xaabiyay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Halkaan ka daawo Muuqalka

PUNTLAND POST

The post Deni: ifafaalaha hadda socda waxaad moodaa in la baabi’inayo Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this