Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi soo wajahday Mareykanka oo qarka u saaran in Maalintiiba xanuunka Coronavirus ku dhaco 100,000 oo Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabsi soo wajahday Mareykanka oo qarka u saaran in Maalintiiba xanuunka Coronavirus ku dhaco 100,000 oo Qof

usa

 

Khabiirka ugu sarreeya cudurrada faafa ee waddanka Mareykanka, Anthony Fauci, ayaa waxa uu ka digay in haddii Mareykanku uusan maareyn faafitaanka fayraska korona, uu heerka uu cudurkaasi ku socdo uu maalintii gaari karo 100 kun oo xaaladood.

Dr Anthony Fauci ayaa waxa uu u sheegay Aqalka Senate Mareykanka in uusan la yaabi doonin haddii xaaladaha cusub ee cudurkaasi ay maalintiiba gaaraan 100 kun. Tiradii ugu dambeysay ayaa ahayd 45,000 oo qof oo hal maalin laga helo cudurkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi, Joe Biden, uu si kulul Donald Trump ugu weerraray habka uu ula tacaalayo fayraska safmarka ah ee korona.

Biden waxa uu sheegay in Trump oo xagal-daaciyay dedaalladii lagula tacaalayay xakameynta faafitaanka cudurkani safmarka ahi.

Dr Anthony Fauci waxa uu sheegay in dal ahaan aysan haatan wali u suurtagelin in ay xakameeyaan faafitaanka cudurkaasi, waxa uuna inataasi ku daray in dad badan aysan xiran af-saabka isla markaana aysan u hoggaansamin talooyinka khubarada caafimadka.

Shalay oo Talaada ahayd, in kabadan 40,000 oo qof ayaa gudaha dalkaasi Mareykanka hal maalin laga helay cudurkaasi, waana tiradii ugu badnayd muddo shan maalmood oo xiriir ah oo hal maalin dad tiro ahaan intaasi gaarayo laga helo cudurkani.

Arrintan ayaa sababtay in ilaa 16 gobol ay dib u dhigaan in ay qaadaan xayiraadihii saarnaa gobolladaasi ee lagula tacaalayay cudurkaasi.

Dr Fauci waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay dadka u qeybiso af-saab ama maaskaro.

Tan iyo markii ugu horreysay oo cudurkan uu ka dillaacay gudaha dalkaasi Mareykanka, waxa uu soo ritay 2,682,897 oo qof, halka dhimashadu ay haatan mareyso 129,544 oo qof

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this