Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo hal arrin uga digay madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in warbixintii ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey ay muujineyso in aysan u diyaarsanayen qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu uga digay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inay sameysato muddo kororsi hor leh, isaga oo tilmaamay inay ka dhalan karto fowdo siyaasadeed iyo qalalaaso xoogan.

“Haddii sida maanta wax u jiraan oo aan sidii shalay lagu kala wareegay aan lagu kala wareegin inay dhibaatada sii soconeyso”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu farrin culus u diray baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka dalbaday inuu garto waajibaadka shaqo ee saaran, si looga hortago xasilooni daro siyaasadeed.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa shardi inuu garto shaqada uu leeyahay xeer dejinta, ma ahan shaqada uu leeyahay midda fulinta iyo waxyaabaha uu maanta ku dhaqmayo, dalkaan xasiloonidiisa waxay ku jirtaa waxa dastuurka uu qorayo in lagu dhaqmo”ayuu yiri markale yiri, Axmed Madoobe.

Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbaddisa kaga hadlay matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo shaaciyey in hadda qaabka ay wax u socdaan la’isaga horkeenayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la qeexo maqaamka Muqdisho, sidoo kalena matalaad sax ah la siiyo shacabka ku dhaqan caasimada.

“Muqdisho waa caasimadii Qaranka waxaana in badan ku dadaalnay in la qeexo maqaamka caasimadda iyo in la siiyo matalaad shacabka ku dhaqan. Waxay caasimaddu u baahan tahay in ay hesho waxa ay u qalanto mana aha in aan la dooranin madaxda matasha oo mar walba loo soo magacaabo duqa magaalada. In waji qabiileed loo sameeyo su’aasha matalaadda caasimadda waa arrin iska hor keenaya shacabka Soomaaliyeed. Waxa la isku hayo waa in arrinkan loo maro wadada saxda ah iyada oo la ixtiraamayo dastuurka dalka u dagan”ayuu hadalkiis ku soo gabagabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Golaha Shacabka uu meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this