Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii ururka Naafada K/Galbeed oo Baydhabo lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay guddoomiyihii ururka Naafada Koonfur Galbeed lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Jiis ayaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay ku dhex-dileen hoy uu ka daganaa xero barakac oo ku taalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxdii ka dambeysay falkaasi toogashada ah ay goobta isaga baxsatay.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo uu ka mid ah yahay wasiirka warfaafinta maamulkaasi ayaa ka tacsiyeeyey geerida mas’uulkaasi.

Ma jirto cid sheegatay dilkan, lamana oga sababta ka dambeysay toogashada loo geystay  Shariif Jiis oo ka mid ahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Bartamihii 2018-kii ayaa horey loo dhaawacay marxuumka, walow uu ka bogsaday dhaawacaasi, laamaha amniga ayaa dhanka kale haatan wada baaritaano ku aadan dilkiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this