Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Somaliland Oo Gobolka SOOL Ka Saaray Wasiirro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhar baaxo kulul ku dhuftay xubno masuuliyiin ah oo ka socday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay dhulka Somaliland.

Kuwaasoo socdaan qarsoodi ah maanta ku soo galay deegaanka Karin-dabayl weyn oo ka tirsan gobolka Sool.

Hase yeeshee ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisinka ku leh aaggaasi ayaa isla markiiba si deg deg ah uga jawaabay xad-gudubka ay ku soo galeen xubnahaasi deegaamo ka tirsan dhulka Somaliland.

Iyadoo ay ciidamadda qaranka Somaliland xoog kaga saareen deegaanka Karin-dabayl weyn xubnahan ka socday Puntland, kuwaasoo iyagoo firxad ah ku noqday dhinaca meeshii ay ka yimaadeen.

B-SOOL.jpg?resize=300%2C200&ssl=1

Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe,  oo  telefanka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugnaa magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka Sool oo ka warbixinayay sidii hawl-galkaasi u dhacay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta  ka saarnay deegaanka Karin-dabayl weyn ee gobolka Sool, xubno ka tirsan maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.

Raggan, oo kala ahaa wasiirkooda caafimmaadka, wasiirka waxbarashadda iyo xubin xildhibaan baarlamaan, ayaa deg-deg uga haleelay halkay ka yimadeen. Kadib markii ay ka hawl galeen ciidammadda heegganka ugu jira sugidda xuduudaha jamhuriyada Somaliland”.

Badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in aanay Somaliland mar naba ogolaanaynin cid kastoo ku soo xad-gudubta dhulkeedda.

“Kama ogolin cid ku soo xad-gudubta xuduudka jamhuuriyada somaliland. Gor-gortan mar na kama gelayno, in lagu soo xad-gudbo xuduudaha dastuuriga ah ee Somaliland, ee ka tirsan ciidda gobolkan aan hoggaanka ka ahay ee Sool, isla markaana ajande siyaasadeed oo kan Somaliland ka baxsan, lalama iman karo, kama na dhex shaqayn karo” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale guddoomiyaha Sool ayaa uga digay maamul goboleedka Puntland in ay ka waan toobaan faro gelinta ay ku hayaan dadka iyo deegaamadda gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaan uga digayaa maamulka Puntland inay ka waan toobaan qorsheyaasha Hagaaska ah ee dadkan iyo deegaamadan xilli hore ka tashaday, dantooda na gartay ay uga soo dul dhacayaan. Iyagoo wax dan ah aan u ahaynin.

Waxaanan hoosta ka xariiqayaa haddii aanay joojin Puntland inay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo aysan mahadin doonin”.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool  ayaa u mahad celiyay ciidamadda qaranka Somaliland sidii deg-dega ahayd ee ay uga hawl-galeen tallaabadana uga qaadeen xubnihii ka socday Puntland ee ku soo xad-gudbay Carradda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad cellinayaa, Ciidammada Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo si deg-dega arrintan uga hawl-galay, xilli walba-na u taagan ilaalinta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this