Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Cali Maxamed Geedi oo jawaab kulul siiyey Faroole iyo Jurille

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn usoo dhaweeyey ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay horumar la gaaray, sidoo kalana wuxuu u mahad celiyey Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya oo arrintaan juhdi badan ku bixisay.

Prof. Geedi ayaa dhanka kale si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland haddana kamid ah Aqalka Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Cabdirisaaq Faroole ee ku saabsanaa xaq siinta Gobolka Banaadir.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Geedi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin dano gaara leh oo kasoo jeeda Puntland inay lasoo istaagaan saxaafadda in Gobolka banaadir aanu mudneyn metelaad, isagoo si toos ah u tilmaamay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Jurille.

“Waa nasiib drro Siyaasiyiin dan gaara leh oo ay kow ka yihiin siyaasiyiinta kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Puntland saaxiibaday senator Faroole iyo Jurille iyo kuwa la hal maala inay saxaafadda ka soo istaagaan gobolka Banadir ma mudna wax metalaad ah,” ayuu yiri Geedi.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hubo In fakarka ay qabaan siyaasiyiinta Puntland aysan wakiil uga aheyn Shacabka Puntland.

“Waxaan hubaa shacabka Puntland inaysan wakiil uga ahayn fekerkaas, ma garan karo waxa ku kalifay inay sidaas u dhaqmaan,,. waxaana kula talinayaa inaysan ka harin geedi socodka..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Prof. Geedi oo dhameystiran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this